Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay weerarka ka dhacay Xarunta Ganacsiga ee lagu magacaabo Westgate Mall ee ku taal bartamaha magaalada Nairobi, halkaasoo duhurnimadii maanta ay gudaha u galeen rag hubeysan.
War goor dhow nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere oo qabtay shir jaraa’id uu sheegtay weerarkaas, isla markaana ay u daba mareen Ciidamada Kenya magaalada Nairobi.
Gees kale war qoraal ah oo la soo dhigay bogga Twitter-ka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay weerarkaas, iyadoo Ciidamada Kenya lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen Soomaaliya, kadib markii ciidamadooda ay ka weerareen, bad, berri iyo cirba.
“Mujaahidiinta waxay galeen gudaha West Gate, inay Kenyanka kula dagaalamayaan gudaha dalkooda, 100-qof ku dilnay dagaal wali socda” ayaa lagu yiri barta Twitter-ka Al-Shabaab.
Hey’adda Bisha Cas ee dalka Kenya ayaa sheegeya in ilaa labaatan ruux ay ku dhinteen weerarka, hase ahaatee Booliska Kenya ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen 11-ruux, 29 kalena ay dhaawacmeen.
Kooxaha dableyda ee galay Xaruntaas Ganacsi ayaa la sheegayaa inay afduub ahaan u heystaan dad dhowr ah, isla markaana aanu wali howl galka soo gaba gaboobin, waxaa ku hareereysan ciidamo boolis iyo kuw si gaar ah u tabababaran dhismaha howl galka ka socdo.
Ciidamada kala duwan ee Kenya ayaa ku sugan dhismaha xarunta, iyadoo saraakiishii u sareysay ammaanka ay joogaan dhismaha Westgate Mall, waxaana la sheegayaa in dableyda Hubeysan ay dabaqa kore saaran yihiin sida ay soo tabisay Kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
Salaanmedia/Mogdisho