Dhinacyada Xiirxiir Xadaaradu Miya?‏ W/Q: Xaawo-Farax Cismaan Jaamac

6558-242x300

Waxa isasoo taraya lumida dhaqankii iyo afkii hooyo oo ay yaraatay cidii u hiilin lahayd.umadaha dunida Jiilba jiilka kadanbeeya waxa uu ka dhaxlaa dhaqanka iyo afka kaaso kolba cida joogta ay masuuliyad kasaarantahay ilaalinteeda iyo kobcinteeda hadaba dadka af soomaaliga ku hadla ayaa intooda badani ay iska illawday ilaalinta dhaqankay ku soo caano maaleen aabayaashood iyo awoowadood tasoo loo baahnaa in,inteeda wanaagsanna laqaato inta kalana wax laga badallo dhanka kale afkii hooyo ayaa laga yaabaa inuu meesha kabaxo hadii uu sidaa ku sii socdo dadkii masuulka ka’ahaa afkan iyo dhaqankan waxay xarago iyo qurux u haystaan af qalaad iyo dhaqan nin gaali la,imid waxa wax laga murugoodo ah inay maan ta dhalin- yarada soomaalida oo uu xilwayn kasaarna dhaqankooda iyo afka hooyo ay horseed u noqonayaan baa?ba-iisa waxaad arkaysa markaad suuqyada magaalooyinka marayso wiilal iyo gabdho ku labisan dharka ay gaaladu qaataan dhaqan daayoo diintii ayaa la,iloobay xishoodkii ayaa yaraaday xishoodku haduu yaraadana waxa meesha kabaxay iimaankii.

ilbaxnimadu miyaa timaha oo hareeraha la hooliyo? Xadaaradu miyaa inay gabdhuhu xidhaan maryo hareeraha jeexjeexan?miya in surwaalka miskaha laga rido?oo sida adhiga loo daaqo?,waxaan qormadaydan ku soo afmeeraya maanso ay tirisay walaasheen Saado Cali Cumar ALLAAH waxaan uga baryaya inuu gabadhaa is xilqaamtay ee kadhiidhiday xumaha ALLE miisaankeeda ugu darro dhamaanteena inagu anfaco,,

Gabdhihii Gayiganow garasho iska dhaafoo gob-jabtaydun noqoteen,

Garayskiina diidoo, Garan intaydun xidhateen,

Goonyaha maro ka furan iyo wax guracan ku socoteen,

Guduud aanad u dhalan iyo guud cad wada jeclaateen

Dhaqankii gayig iyo gees marten asluubtii,

Garna waxa la dhigateen, hideheena gaarkaa ee wakhtigu ka gaabshay,

Hadhaagii idinka soo hadhayna,isha gibidh haysoo,

Gacmaha saara madaxoo, Garan waayay aniguye, Gob jabtayna maxay tahay?,

Ma xadaarad gaadhbaa?mahalagu guursadaa tani?

Xaajadaan la guuxo. Go?aankiina weeye,

Gabayaaga joogiyo Gaariyaa la waydiin?

Markaa guriga diidaan, galabtii carowdaan gaagaabsi daayo gurxankiina suuqyada,

Gadh-cadaagii yaabeen, guur ha iska joogee,

Guul daroiyo ciilbaa, Gayaankiin u haysaan,

Gaba gabadii waxaan idhi, idinka gaabsan maayoo

Jidhku wey gilgilaniyo, hadaad garasho leedihiin.

Guulihiin ka yaaboo, diinta gaar u haystoo,

Laabtiina galiyoo, xijaab giigsan qaatoo,

Hagees marina xishoodkii gabadhnimee,

Dhaqankana garowsada,

Gees kalana Gabanadan gefka weyn ku jira ee,

Hidihii gooyay baan odhan, isgiigiijin maahee,

Surwaal gorada hoos iyo goonyaha u weynoo,

Googarad la moodood gayigii ku maraysaan,
giir-giirta timahii, geesihii ka xiirtoo,

Guud dheer la soo hadhee, adoon gaadhin waayeel,

Geedkan aydun barateen,een gaajo reebayn,

Tacliinti gar-gaarkiyo guusha aad ku hananlayd,

Dugsiyadii u goyseen,

Sidii guumaan aad tihiin, gawsihii idinka soo riday,

Geedkan maad iska daysaan?, gayigiina hodanka ah,

Geedo maad ka beertaan?, muruqiina galisaan,

Gaajada dadkiiniyo, gunnimada ka reebtaan?

Hawolucky Osman
(xawafarax12@outlook.com)