GOLIHII WAKIILLADA CADHO RABIBAA KU DHACDAY EE INAGU MA KA BADBAADAYNA..By XUSEEN XIRIS CAAMIR

  Xuseen xirsi caamir

maqaal
                                            Bismillaahi raxmaani raxiim
                              Asalaamu caleykum wa raxma tullahi wa bara kaatu
salaantaa iyo basmaladaas belaayooyinka laga cuskado ee eh magacyadda illaheena weyn ee qaadirka ah
ka dib waxaan si gaar ah u sallaamayaa dhamaanba saxaafadda xorta ah ee ku hadasha af soomaaliga       hada kuma jiraan kuwa aan xorta ahayni

intaa hadaan ka gudbo waxaan ahay muwaadan u dhashay dalka somaaliland ee beryahan danbe dadku la yaaban yihiin amaba la jaha wareersan yihiin hab maamulka dawllada iyo dhaqanka labadii guri ee dadku tallada ka sugayeen hadaba sideedaba inaga oo la wada socona ceebaha iyo god daloolooyinka ka muuqda aqalkii wakiillada ee ay shacabku soo doorteen waxaan doonayaa in aan si gaar ah wax uga idhaahdo intii karankayga ah bal waa beloba belo ku illawe dhacdadii ugu danbeysey ee lagu ansixiyey waxan loogu yeedhay xeerka takaaliifta waddo marista hadaba hadaynu gudo gallo ariinka horta xeerka la ansixiyey waxa uu leeyahay saddex weji waa ka koobaade waxa ku fashilmay hogaanka labada xisbu e
mucaaridka ah, waxa kale oo caddaatay in aanay mudanayaasha aqalka wakiilladu xisbina ka tirsanayn dadka iyo dalkana u danaynaynin ee ay yihiin murtasiqo hunguri u soo kallaha, waa tan saddexaade waxa uu kashisfay xeer ku sheegani karti iyo kalsooni darrada shacabka oo aan waxba is hortaagi karin

aan ku horayno tan xisbiyada e waxa marag ma doonto ah in ay kalsoonidii ay ka sugayeen shacabka luntay oo 80% maanta ay dadkii kaqanceen ama ay u muuqatay awood daraanta hogaanka sare ee labadaa xusbi ee mucaarad ka sheegta sababtoo ah waxa aynu ognahay in ay haystaan aqlabiyadda
golaha sidaa darteed kol hadii ay maanta joojin kari waayeen xeerar kan boobka iyo xaraanta ah ee dalka iyo dadkan baahan lagu fulinaaya berrina waxba qaban kari maayaan koleybana anagu hadaanu nahay taageerayaasha xisbiga WADDNI tallaabo ayaanu dib uga qaadnay halkii hore ee aanu isla joogney hankayagiina hoosbuu u dhacay oo waxa nagu yimi niyad jab aad u weyn waxaana noo muuqatay in aanu haan daloosha dhaaminayno sidaa darteed qurbo joogtayada badan keedii waxa uu ku danbeeyey dhabano hayn iyo is weydiin su,aalo aad u tiro badan oo aanan halkan ka sheegeyn 

aan u soo daadego tan aqalka baar lamaanka ee ummadu dooratay iyo wixii dhacay 24/09/2013 ka waxa aynu wada ogeyn oo aanu muran ku jirin sidii doodu u socotey iyo cidii hogaamineyeymudadii todobaadka ka ahayd hadaba miyaanay mudnayn in wax la iska weydiiyo sidee wax u dhaceen iyo xagee wax ka qalloocdeen jawaabtu waa aan is weydiino oo isu sheegno marka laga yimaado SIDDEEDA xilbibaan ee rabina yaqaana xallaashana ka yaqaana xaaraanta ragii kale ee faraha badnaa ee dooda dhamacda ka shidaayey waxay karinaayeey xukuummadda oo yara dhego adkaatay waxaanay bislaynayeen Bribery ama laaluush mugle oo xaalkoodu wuxuu ahaa ma bislee ha bislaado sidaasuna waa cadaan oo maanta qofkasta oo inuun wax fahmayaaba wuu garanayaa in laaluush la qaatay oo ummaddii la iibsadey illaahay waxba kama qarsoona waana taa durba qaar kashifmeen hadaba aan u degno maxay diinteena suubani ka qabtaa laaluushka ama rashwada jawaabtu waatan ee sifiican u dhuuxa

   الحمد لله والصلاة والسلام على رسول اله وبعد : فقد صح عن النبي صلى الله عليه وسلم من حديث عبد الله بن عمرو ، رضي الله عنهما ، أنه قال : « لعنة الله على الراشي والمرتشي » وقد رواه أحمد ، وأبو داود ، والترمذي ، وابن ماجه . وأما ما رواه أحمد وغيره عن ثوبان رضي الله عنه ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : « لعن الله الراشي والمرتشي والرائش الذي يمشي بينهما » بزيادة ( الرائش ) فهذه زيادة منكرة ، تفرد بها ليث ابن أبي سليم وهو ضعيف ، وكذا شيخه أبو الخطاب قال عنه الذهبي : ( مجهول ) . وهذا اللعن للثلاثة للتنفير من هذا العمل، وهو الرشوة والتي فيها احقاق باطل أو ابطال حق ، أو أكل المال بالباطل ، واللعن هو الطرد والإبعاد من رحمة الله ، فلا يجوز للإنسان أن يدخل في مثل هذه الأمور. أما الشفاعة وقد تسمى الواسطة فهذه مشروعة ، لكونها تقود إلى نفع الآخرين من دون الاضرار بالغير ، أو التعدي على حقوقهم ، وقد جاء الجث والترغيب فيها في نصوص كثيرة في الكتاب والسنة . والله ولي التوفيق

sideedba akhristoow ha moogaan laaluush qaate waa munaafaq waayo waxa uu ka baxay ballan uu galay beenna wuu sheegay waana la aaminay oo khiyaamuu ku kacay kol haduu 
laaluush qaatayna sinaba ugama nabad geli karo in uu noqdo munaafaq labadubana
rabi agtiisa wanaag kuma laha hadaanay toobad keenin
  
hadaba akhristoow wallaal sida ku cad xadiis kaa rasuulkeenii suubanaa   swsc waxay lacnadi korkiisa ahaata oo la lacnaday ciddii laaluush ama rasho bixisa iyo cidii qaadataba lacnaduna waa cadho illaahay qofka cadho illaahay u waajibtaana abaal marintiisu waa naar iyo cadaab rabi geeyo
xadiiskaana waxa soo saaray cabdillaahi bin cumar ilaahay raali ha ka noqdo isga iyo aabihiiba e waxaan werinaya axmed iyo abu daa,uud iyo termedi iyo ibna maaja iyo asxaab keleba waxaana laga soo qaaday sawbaan oo kasoo weriyey rasuulkeenii swsc akhriste markay sidaa tahay hadaba su,aashan ka jawaab hadii aqalkii sharciga inoo hayey laaluush qaato oo dantii uu ummadda u hayey iibsado cadhadaa rabi ee ku dhacaysaa ma ina camimaysaa mase ka nabad geleynaa illayn inagaa dooranay oo ay ina metelayaane? teeda labaad laba jeerba cadho rabi ayaa ku dhacday baarlamaan keenii oo dadkiina ka fantoobe, ammaanadiina  dayece. su,aasha meesha taalla ee inoo noolina waxa weeye la ansixi xeerkii xaaraanta ahaa oo la xallaaleeye iyadoo dadka arrimaha dhaqaallah ka faaloodaa ay ku qiyaaseen lacagta lagasoo miirayo dhiiga danyarta ee kasoo hoyanaysa xeerkaa sannadkii in ay gaadhayso USD$100,000,000 WAA BOLQOL MILYAN OO DOOLLAR e maxaa lagu qaban doonaa mase ku dhici doontaa gacmo aamin ah laga yaabee hadaynu dhinaca khayrka ka eegno in uu wasiir xirsi si wacan lacagtaa u maamulo oo uu ku mutaysto in uu soo jiito indhihii dadka ee xumaanta uun ku eegaaayey halkaana uu ku haleelo kursiga dalka ugu sareeya oo abaal gud loo siiyo.

waa qaybteenii hadaynu nahay shacabka iyo karti darradeenii akhistoow hadaynu nahay dadkii dalka billaahi caleek bal dib u raac taariikhda labadan xukuumadood ee is dhaxlay waa daahir riyaale iyo siilaaniyo e ama aan si kale u dhignee waa udub iyo kulmiye e imisa mashruuc oo inagu khalad ah ayaa la ina dhaafiyey oo aynu ka aamusnay imisa jeer baa qawlaysatada labada aqal loo kordhiyey mudada oo ay iyagu isu kordhiyeen misa xeer oo qaldan baynu sii deyney kulmiyeba ha u badnaadee oo aynu ka hadli weyney bal aduunka eega waxa dawladaha waaweyn dadkoodu ku ridaan roodhi hal senty lagy daray inaguna weli maalin baynu wax diidney oo waxay ahayd maalintii uu marxuum maxamed x ibraahim cigaal rabi ha u naxariistee yidhi waar aynu calankii somaaliya boodhka ka tuno oo inagaa maanta dawlad ahe tagno kursigii gaalada midawday iyo asxaabtooda waataynu qaylinay maanta iyo haatan waxaan filayaa in dhawaan lasoo hor dhigi doono muratasiqada labada aqal in aynu qaadano oo ku dhaqanno nedaamka faderaalka oo aynu raacno oo dabo galo walaweyn inagoo ah gobolka afraad ee somaliya  hadaba nin reer burco ahaa oo ay isu gabyaayeen nin ay ilmaadeer ahaayeen baa laga hayaa caryuu faarax deyr kaala bixin foolashaa dahaba taas waxaan uga jeedaa inta ay xeer iyo gudeheena joogto waa sahaalo e caryaan dalkaba la ina dhaafin inagoo ka baqayna RRU iyo rasaas aan ka kululayn kana dhawaaq weneyn tii ciidamadii dawlladii maxamed siyaad barre

                                                   wa billaahi tawfiiq

                                                 xuseen  xirsi  caamir
                                       Email inacaamir1960@hotmail.com