Guddoomiyaha Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa u ambabaxay Caasimadda wadanka Malaysia ee Kuala Lampur

421832_3370471317623_1200182584_n
Guddoomiyaha Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa u ambabaxay Caasimadda wadanka Malaysia ee Kuala Lampur isaga oo dalkaasi kaga qayb gali doona Shirweyne Caalami ah oo lagaga hadlayo Xaaladda Tahriibta Dhallinyarada oo dunida fara baas ku haysa, iyada oo shirkan si rasmi ah loogu marti qaaday Dhallinyarada Somaliland.
Shirweynaha Tahriibka Dhallinyarada waxa soo qaban qaabiyay ururweynaha Dhallinyarada adduunka “World Assembly of Youth (WAY)” oo ah urur dhallinyaro heer Caalami oo la aasaasay sannadkii 1949-kii.
Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo u waramaayey warbaahinta ayaa sheegay in ka qayb galka shirkaasi muhiimad ballaadhan ugu fadhiyo Somaliland oo si rasmi ah shirkaasi loogu soo casuumay isaga oo kulamo gooni gooni ah la yeelan doona ka qayb galka shirka ka sokow Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Urur-weynaha Caalamiga ah ee WAY ee shirkan qaban qaabiyay oo iyagu si gaar ah u danaynaya xaaladda dhallinyarada Somaliland.
Shirweynaha Tahriibka Dhallinyarada ayaa ku soo beegmaya wakhti heerkii ugu sarreeyey ay marayso xaaladda Tahriibta Dhallinyarada Somaliland arrintaasi oo kor u qaadaysa muhiimadda shirkani inoo leeyahay isaga oo si toos ah u taabanaya xaaladda dhallinyarada Somaliland iyada oo dunidu si weyn u dareensan tahay Tahriibka Dhallinyarada oo imika noqonaysa Mushkilad heer Caalami ah.
Shir-weynahan ayaa 12-ka illaa 14-ka Bishan September ku qabsoomi doona Magaalo ku taalla duleedka Caasimadda wadanka Malaysia ee Kuala Lampur iyada oo la filayo in uu shirweynahaasi khudbad dheer ka jeedin doono Guddoomiyaha dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, taasi oo fursad weyn u noqon doonta in codka Somaliland gaar ahaan dhallinyaradeedu gaadho shirarka caalamiga ah ee dunidu isku aragto maadaama ay shirkan ka soo qayb gali doonaan in ka badan 120 Xubnood oo saraakiil dhallinyaro ah oo ka kala socda 120 waddan oo dunida ah. Guddoomiyuhu waxa uu khudbadiisan ku qaadaa dhigi doonaa xaaladda dhabta ah ee Dhallinyarada Somaliland gaar ahaan Tahriibta.
Horraantii sannadkan ayay ahayd markii Guddoomiye ku xigeenka dalladda SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir isna ka qayb galay shirweynihii dhallinyarada adduunka ee ka dhacay dalka Mangolia oo si rasmi ah loogu soo casuumay dhallinyarada Somaliland. Ka qayb galka shirarkan ayaa si weyn kor ugu qaadaya meeqaamka diblomaasiyadeed iyo ka qayb gal ee Somaliland oo ay Codkeeda kula wadaagayso beesha caalamka.

Salaanmedia/Hargaysa