GUDOOMIYE CIRRO: KHABIIR KU XEEL-DHEER XALINTA KHILAFAADKA.
Guddoomyie Cirro, waa diploomaasi ku xeel dheer xalinta khilaafaadka ( Crisis Management ) heer Qaran- heer Gobol- heer Gole iyo heer Shakhsi. Mucjiso wayn waxa noqotay inaanu khilaaf ka dhex qarxin Golaha Wakeelada muddo dhan 8 sandood . Waxa mujciso kale noqotay xisbigga WADDANI oo aan lahayn isqab-qabsi iyo xag-xagasho , marka la barbardhigo Kulmiye & UCID . Mar walba khilaaf wuu soo baxaa, laakinse Guddomiye Cirro wuxuu ku maamula is qan-cin , kala danbayn, nidaam, sharci, iyo diplomaasiyad. Dhinaca kale, Guddoomiye Ciro wuxuu soo afjaray khilaaf beleedyo sababi lahaa dagaal sokeeye, sida shaqaaqadii Gaashaamo ee July,2013. Ugu danbayn, Guddoomiye Cirro wuxuu damiyay khilaaf gacan ka hadal gaadhay, oo dhexmaray Xildhibaan Buuba iyo Xildhibaan Kijaandhe.
Arrimaahsi waxay tilmaan u yaheen kartida , hufnaanta iyo hanaanka diplomasinimo ee Guddoomiye Ciro.Waxa hubaal ah, inu bulshada Somaliland gacmahaa isu saari doono ,min bari ilaa galbeed. Hadddii bulshadu midowdana, waxa hubaal ah inay Somaliland dhakhso u degi doonto degelka ay higsanayso : Horumar dhaqaale ; Horumar Bulsho; Horumar siyasadeed ; iyo Nabadgelyo Buuxda.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi” – Toronto.