GUDDOOMIYIHII HORE XISBIGA UCID EE GOBOLKA MAROODIJEEX OO GAASHAANKA KU DHUFTEY XILKA QAADISTIISI

image

Hargeysa(SM):Guddoomiyihii Hore Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Cabdiraxmaan Aadan Sheekh Haaruun ayaa gaashaanka ku dhuftey xilka qaadistii

uu shalay xilka iyo xubinimada kaga qaaday guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, isla markaana ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga Xisbiga.

 

Cabdiraxmaan Aadan waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa qaar ka mida warbaahinta u waramayey, waxaanu ku dooday inay isaga iyo beeshiisuba taageersan yihiin murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID oo ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

 

Mar la weydiiyey guddoomiyaha hore Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Aadan Sheekh Haaruun sida uu u arko xilka qaadistiisa iyo ka xayuubinta xubinimada Xisbiga UCID,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan u arkaa xilka-qaadisteyda arrin sharci-darro ah,oo aan loo marin waddadii saxda ahayd, ta xubinimadana waa la mid, oo guddoomiyaha Xisbiga UCID xubinimada Xisbiga aan kaga tirsanay igama saari karo ee waxa xubinimada iga saari kara Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID oo haddii aan danbi galo ii codeynaya.Inta baddan waa la khaldamayaa dabcan,haddii uu qofku khaldamo waxa loo diraa guddi anshax marineed,waxaanay marka kowaad siiyaan digniin, marka labaadna way ganaaxayaan,marka sadexaadna xilka ayaa laga qaada, sidaas ayaanu qofku xilka lagaga qaadi karaa, guddi anshax marineed oo aan arkay ma jirto, arrintaasna waxaan u arkaa cadaalad-darro oo ah arrin uu guddoomiyuhu iskii isaga gaadhay.Xisbiga UCID maaha meel uu guddoomiyuhu iskii isaga leeyahay ee waa meel la wada leeyahay, manaaha dukaan uu ii dhiibtey ee waa Xisbi qaran oo cid-waliba wax ay kaga jiraan”.

 

Sidoo kale,Mar la weydiiyey Cabdiraxmaan waxa uu is-leeyahay xilka waa lagaga qaaday oo wuu kugu qoonsaday gudoomiye Faysal Cali Waraabe,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa xilka la iigaga qaaday oo uu guddoomiye Faysal igu qoonsaday waxa weeyaan waxaad la socotaa Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,waxaanu nahay nahay Faysal Cali Waraabe laba nin oo ilmaadeera oo is-xiga,waxaana bilowgii ugu horeeyey Xisbiga keenay Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiye faysal Cali Waraabe oo dadka u keenay oo ay heshiis sidaa ku galeen,waxaanan ka mid ahaa dadkii ansixiyey heshiiskaasi.Markaa taas ayaan u arkaa inuu igu soo duur-xulay waxaanan leeyahay Hal diidaysa Geed ay ku xoqoto ma weydo. Aniga iyo Beeshayduba waxaanu taageersanahay Jamaal Cali Xuseen oo aan hil iyo hooba la garab taaganahay”.

 

 

Salaanmedia/HargeysaOffice