Gudoomiyha Guddida Waddada Ceerigaabo- Burco iyo Xubno Kale Oo Soo Dhaweeyay Baaqii Madaxweyne Siilaanyo‏

London(SM)-Gudoomiyaha Guddida WaddadaCeerigaabo/Burco Anwar Maxamed iyo Mustafe Shiine oo soo dhaweeyay baaqa Madaxwynaha ee wax ka qabashada waddadaasi.

 

Gudoomiyaha guddida waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco ee Dalka boqortooyada Ingiriiska ee UK, ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada geesinimada leh ee uu Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ku dhagax dhigay dhismaha waddada isku xidha Ceerigaabi iyo Burco.

 

Warsaxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha guddidaasi ee UK Anwar Maxamed Aden oo kula saxeexnaa Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”. Oo xubin ka ahaa guddidaasi ayaa lagu sheegay in ay maalin weyn oo qiimo leh u tahay munaasibada lagu dhagax dhigay waddadaasi oo ay filayeen in mar uun ay u heli doonaan dawlad u heelan ka midho dhalinta mashruucan oon ahayn mid fudud oo ay adag tahay in dawladoo keliya ahi ay ka gayooto, waxase uu qoraalkaasi intaa ku daray in ay ka shaqayn doonaan sidii ay guddidoodu uga qaadan la haayeen kaalinta ugu horeysa.

 

Waxa kale oo war saxaafadeedkan lagu xusay in waddada Ceerigaabo aanay ahayn waddo ay keliya wax ka qaban karaan reer Sanaag oo ay tahay mid u taal reer Somaliland oo idil in ay kala hawlgalaan sidii looga biyo gaadhi lahaa hawsheeda loogalana hawlgeli lahaa xukuumadda bilowday.

 

Mustafe Shiine oo si  gaar ah uga waramayay talaabada Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamadii ugu danbeeyay ee uu madaxweynaha la yeeshay 2011 ka hor intii aanu soo gaadhin dalkan Ingiriiska uu arkay sida uu madaxweynuhu ugu gunti giijisnaa wax ka qabashada waddadaasi,sidaa daraadeedna markii uu London yimid uu ku dhaqaaqay sidii loo dardar gelin laha guddi uu hormuud u ahaa Aqoon yahay Anwar Maxamed Aaden oo sodonkii sano ee ugu danbeeyay ku hawlanaa hawlaha samafalka kana mid noqday guddidii xiliggii Marxuum Cigaal isku hawshay wax ka qabashada waddadaasi,balse ku keliyaystay,taasi oo maanta diyaar u ah in ay hawlgasho.

 

Waxa uu Mr. Shiine si weyn u soo dhaweeyay baaqa ka yimid Madaxeynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo wasiirkiisa Madaxtooyada    Xirsi Xaaji Cali ee hawsha waddada qaabilsan, isagoo ka codsaday in shacabka reer Somaliland, gaar ahaan reer Sanaag ay degdeg u ajiibaan codsigaasi madaxweynaha.

sh1

Salaanmedia/London