Is-Xanbaarka Is-Xanbaartay ma Xanbaari Karnaa? (Xukuumadda iyo xeer-dejinta) Qaybtii 4aad

boobe La-ye: “Oodo-dhacameed, siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa.” Aynu ku noqonno Golihii Wakiillada ee in ay tooda ka taliyaan mooyaan e’, tii ummadeed iyo tii dhuleedba iska illoobay. Xilliga ay joogaan waa muddo-dhaaf. Waxay ku meeraystaan oo ay ku andacoodaan: waxaasaan diyaar ahayn iyo waxaasaan la hayn. In ay doorashooyinku xilligooda ku dhacaan waxa ka mas’uul ah xukuumadda iyo xeer-dejinta, ka-sokow in uu Komishanka doorashooyinku shaqadiisa ka guto.

Intaas oo sannadood iyaga oo muddo-dhaaf inagu ah ayaanay haddana xukuumadda lafteedii ka baxsanayn. Xeerarka soo mara inta badan waxay eegtaan in ay xanjo yar ku dhejisan karaan iyo in kale. Berigii dhaweyd waa tii la keenay xeerkii Madaxweynayaasha iyo Ku-xigeennada xilka ka dega iyo xuquuqdooda. La-ye, marka aanu annaguna xilka ka dgeno goorta ay doontaba ha noqoto e’, waa in sannad mushaharkii nala siiyaa. Iyagaa marsaday, markii lagu soo wadayna xukuumaddan aynu ka cabanaynaa waa ay ka baqaysay in ay sidaa u dhacdo. Bal, se waxay ku heshiiyeen in ay digo iyo dambas kala iibsadaan.   Dastuurka qaranka kuma taal wax la yidhaahdo Shir-guddoon iyo awood Guddoomiye midnaba. Laakiin xeer-hoosaadka Golaha wakiillada ayay ku taallaa. Waa Goalahan hadda jira, maxaa yeelay kuwii ka horreeyay ma ay lahayn oo marna Axmed Cabdi Xaabdsade ayaa xilka Guddoomiyaha hayay, marna Axmed Maxamed Aadan, Qaybe.

Dhibaatooyinka ugu badan dalka haysta waxa ka mid ah aafada is-xanbaarka. Sheekada Shir-guddoonka beryahan ma maqallo, waayo xilkeedii waa ay gudatay oo wuxu ahaa dhisme loo samaystay sidii Daahir ra’yaale Kaahin xilka looga qaadi lahaa. Shir-guddoonkii belaayada ahaa ee ay ku-xigeennadu Madaxweynaha u jawaabi jireen halkee ayuu ku dambeeyay? Berigaana is-xanbaarku waa uu jiray oo Kulmiye iyo UCID ayaa is-xanbaarsanaa si ay Daahir ra’yaale Kaahin u khaarajiyaan.   Dhowr jeer ayaan u soo lignaa Daahir Ra’yaale Kaahin oo intii uu Madaxweynaha ahaa calaacalaya oo leh maalintii aan oggolaaday in mucaaridku Golaha Wakiillada hoggaamiyo ayaan qaldamay.   Waa dhacdo ugub ah in ay wasaarad aan Maaliyadda ku shaqo lahayni Golaha Wakiillada hor keento xeer saameeya takaaliifta iyo cashuurta. Ma aha markii koowaad, waa se markii labaad. Mid saddexaad oo socdana waa la sheeg-sheegayaa. Ma maqli jirteen: “Wallaahi haddii aan karintaa laga guurin, in ay Goroyo heeryaysani ka soo dhici doonto,” Waa tan maanta taagan oo kale. Waxba kuma aha maamulka ina hoggaaminaya in berri Wasaaradda Kalluumaysigu inagu keento xeer Duur-joogta xakamaynaya.   Aad ayaa looga qayliyay xeerkan lagu kordhiyay cashuuraha, in kasta oo ay jireen dad taageersanaa oo dantooda eeganayay, bal se aan tu ummadeed haabka aan ku haynini. Jilayaasha ugu darnaa waxa ka mid ahaa Xisbiga waddani oo la garan waayay meel uu ka taagan yahay xeerkan aan la mahadin.

Guddoomiyihii Xisbigu, waa Guddoomiyaha Golahan Wakiillada ee halaq-mareenka noqday. Guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad, Axmed Muumin Seed waa qaylinayaa oo warka wuxu ka soo dawinayaa Boorame isaga oo sheegayay in baabuurtii tigaadi ka dul baxday. Qayb kale oo Xisbiga waddani ka mid ahi waxay shir-jaraa’id la qabteen Xisbiga UCID iyaga oo ku baaqayay in muddaaharaad la isugu soo baxo. Bal ka warrama.   Xisbiga UCID tamari meel ay dhigtayba waa qaylinayay mar uu Waddani wax la soo saaro, mar uu Guddoomiyahoodu Madasha Wada-tashiga garab joogsado, mar uu Af-hayeenku qaylo-dhaan meel walba u diro. Xataa Murashixii Madaxweynaha ayaan aammusin.

Ma Kulmiyaa! Sidii 26kii Juun, 2010kii doorashadii u heleen, sidii islaantii ayay yidhaahdeen: “dhulow kaama kaco,” si’ looga fujinna mooyaan. Xisbigaasi meel uu ku dhibcay ma haynno, xukuumaddiina dar kalaa u soo hadhay oo dhacanta u jiitay.   In kasta oo aanay wasiirradu u dhammayn, haddana xukuumaddeennii qayladii ayaa ka dhammaatay. Waxay ku cataabayaan: “Waxaanu qabannay maxaa loo arki waayay?” Oo tolow xukuumaddu miyaanay xukuumad ku ahayn in ay wax qabato oo aanay taasi waajibkeeda ahayn. Ma cid baa xil loo diray lagu ammaanaa? Dadkan xukuumadda haysta yaa dirtay? Miyaanay Xisbi furan? Miyaanay doorasho doonan? Miyaanay olole gelin? Miyaanay Buug yar oo caantayn ah naga siisan codadkii dadweynaha? Miyaanay odhan waxaasaanu qabanaynaa? Ma wixii ay doorashada ku galeen ee ay ballan-qaadeen ee aanay intoodii badnayd oofin ayay doonayaan in durbaanno loogu tumo?   Waxaan ogaa beryaha qaar oo dumarka hadhuudhka iibiyaa ay wafeyn jireen oo galaanka ama dheglayda ay buux dhaafin jireen. Dumarka caanaha iibiya ayaa iyaguna koobka laga iibsadaba raxayn jiray oo buux dhaafin jiray. Xukuumadda waxaanu leenahay marka aad wafeysaan, marka aad raxaysaan ee aad wixii idiin qornaa wax badan samaysaan danba waa la idiin ku sacabbo tumi.   Soomaalidaa, waxay ku maah-maahdaa: “Leyligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa.” Wasiirrada oo dhan ma aha ee inta qaylinaysaa waxay og yihiin waxa dhacay, markaas ayay is-leeyihiin qaylo-dhaan iyo catow ayaad ku qarin karaysaan.   Xukuumaddu wax waa ay qabatay oo lama dafiri karo. Gees marka aad iska taagto wax badan oo maaddiya waa ay ku dhaantaa xukuumaddii hore ama kuwii ka horreeyayba, oo taa la iskuma haysto. Derbiyo dhaadheer oo cas-cas oo qurux badan waa ay samaysay iyada oo laga rajaynayo in ay gobolladana gaadhsiin doonto. Biriishkii xukuumaddii hore ka tagtay waa ay dhistay. Mushaharkii shaqaalaha waa ay kordhisay. Madaarkii Hargeysa lakab cusub dhabbaha dayuuradaha waa la saaray. Dhismaha madaarka dhal-dhalaal waa lagu kordhiyay. Derejedii ciidammada waa la bxiiyay ee hortood la kari waayay. Intaa iyo in badan oo kaleba waa qabateen, waxaanu se u aragnaa niman waajibkoodii qayb ka mid ah gutay. Ma sacab iyo durbaan ayaad ku doonaysaan?   Sidaa ay tahay inta aad bi’iseen ayaa badan. Xisbiyo ma jiraan, oo waa sabata ay Madasha wada-tashigu u samaysantay. Madasha waa la sameeyay. Waa fal-celis ka dhashay dhaqammada xukuumadda.

Golayaashii qaranku waa wada ‘Rambas’.Waa erey-bixintii turubka oo waa marka la soo rogan waayo.   Shir-beeleedyo aan dhammaanayn oo ma-dhalays ah oo ku taxan Gar-adag. Milgihii iyo hannaankii dawladnimo oo sii shiikhaya. Dhismihii Hay’adaha oo hagaasay. Musuq, eexda, qabyaaladda iyo doorashooyinkii oo laga dardaar-werinayo.   Xukuumadda waxaan ku odhan lahaa haddii la xisaabtamo, meel aad ka baxdaan heli meysaan e’ qaylada yaraysta.

Dhammaad