JAAMACADA HARGEISA QARAN BAA LEH EE QABIIL MA LAHA
Qalinkii Mahdi Hassan
Q.1
Tan iyo waagii la aasaasay Jaamacada Hargeisa oo ku beegnayd 2000 waxay soo martay maraaxil kala duwan kuna salaysnaa duruufihii iyo xaaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray, xaaladaha kala duwanaa ee dalku soo marayey ayey ahayd mid la jaanqaada Jaamacada Hargeisa, inaga oo og wax kasta oo bilow ah inuu yeesho kacaakuf lana soo gudboonaadaan caqabado khatar galin kara habsami u socodka lakin ay kaga gudubtay scholars ka uu dalku leeyahay.
Jaamacadu waxay yeelatay tan iyo jiritaankeedii 6 maamul oo soo kala maray duruufo kala duwan, maamulkasta waxa uu ku beegmay xaalad gaar ah, maamulkii u horeeyey oo uu hogaan ka ahaa Dr Cali Qaadi oo ku bilaambay duruuf cusub oo ahayd yegleen jaamacadeed, dajinta silibis iyo maamulkaba, maamulba maamulka uu ka dambeeyey waxa uu soo gaadhsiinayey jaamacada heer aynu maanta arkayno halkay marayso oo ah Jamacad Qaran una tirsan bulsho waynta reer somaliland, iyada oo dhalinkastaa ku xisaabtamayso Jaamacada Hargeisa kulamaa ay tahay jaamacad Qarankani leeyahay.
Geedi socodka nolashu duruufo leh dad hantaaqiya iftinka nolaleed ee bulsho u soo baxana maaha wax la waayo oo sunanka dunawiga ah ayaa leh dad dibin daabyo u sameeya wax bulsho si wayn u higsanayso kuna hanwayntahay.
waxaynu ognahay in Jamacada Hargeisa ay tahay ta qudha ee hab dowladeed lagu maamulo aniga oo uga jeeda inay tahay Jaamacad dowladu leedahay hoostagta wasaarada waxbarashada, dowladuna leedahay magacowgeeda iyo wax ka badalkeeda, Jaamacada Hargeisa waa mid ka duwan Jaamacadaha kale ee dalka ka jira hab maamulkeeda markaynu eegno iyo iyada oo leh Commission ama Board gaar ah oo xukumadu ugu talo gashay maamulista iyo conrtollida habsami u socodka Jaamacada.
Hadaynu u soo noqono qormadan oo aynu ugu talo galnay inay taxane inoo ahaato kuna soo bandhigno qodobo ay kamid yihiin heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacadu iyo hantaaqooyinkii lagu hayey jaamacada.
sida uu ciwaanka maqaalkani inoo sheegayo Jaamacadani waa Jaamacad qarankani leeyahay oo maamulkiisana ay leedahay marba xukumadii timaad, maaha jaamacad cid gaar ahi ku tagri fali karto una madax banaantahay maamulkeeda,
Jaamacadan Hargeisa (University Of Hargeisa) waxay kaalin mugleh ka qaadatay horumarka dalku ku talaabsaday labaatankii sano ee uu soo jiray waana jaamacadii labaad ee dalka laga hirgaliyo iyada oo ay ka horaysay Jaamacada Camuud 1998 la aasaasay, waxay bulshada ku soo kordhisay dhalinyar aqoonyahano ah oo horumarinta bulshada meel sare kaga jira, waxay muujisay heerka aqooneed ee bulshada reer somaliland ay gaadhi karaan.
mudadaa ay jirtay Jaamacada Hargeisa waxa dalka iyo dadka uga soo baxay 10 dufcadood oo 10kii sano ee ugu dambaysay kasoo baxayey iyaga oo bulshada qaybtooda ka galayey kana qayb qaadanayey dib u dhiska dalka iyo dib u habaynta waxbarashada dalka, lodadkaa ka qalinjabiyey wakhtiyada kala duwan Jaamacada Hargeisa waxay muujinaysaa in Jaamacadu inbadan dabooshay in meelo dalka ka baxsan loo dhalandhoolo si aqoon loo helo, waxay inoo kaydisay aduun maaliyadeed oo duwal kale inakaga bixijiray.
Heerarkaa kala duwan ee jamacadu soo martay waxa jira dad dhib ku hayey Jaamacada oo waliba Jamacada hargeisa ay kaalin wayn ku lahayd hab nolaloodkooga, sidaa darteed waxaynu si gaar ah qormooyinkan taxanaha ah ugu talo galaynaa inaynu farta ku fiiqno arimo ceeb ku ah dad aqoon u abtirsada oo Jaamacada burush ayaamahan dambe saxaafada ugula jiray, iyaga oo warar dhiilo leh bulshada uga gudbinaya bulshada jaamacada.
waxaynu si gaar ah isku dul taagaynaa maqaal uu kaga hadlay Mohamed Abdikariim Hirsi Jaamacadda Hargeisa isaga oo dhaliilo iyo deelqaaf balaadhan u soo jeediyey maamulka jaamacada, kana dulbooday waxyaabo xaqaa’iq ah lakin adeegsaday hadal caadifad ka keentay kuna salaysan been abuur iyo diraa-diraalayn.
Marka hore Mohamed waxa uu ahaa macalinkaygii xiligii aan bartaha ka ahaa Jaamacada Hargeisa, waxan ugu mahadnaqayaa intii aqoon ah ee aan ka koradhsaday isaga oo bilow iigu ahaa course kii Financial Accounting, Mohamed waxa uu ahaa ardaydii wax kasoo bartay wadanka Suudaan kana soo qaatay first degree, course kii uu jaamacada uu ka bixinayeyna ay ahayd Financial Accounting iyada oo markii dambe ee fresh nimada uu ka hafto baxay loogu daray Managerial Accounting, waxaan sharaf iyo karaamo ugu hayaa mudadaa dheer ee uu macalinka iigu ahaa Jamacada, waa macalin wax i gashaday wixii uu igu contribute gareeyeyna aan sharaf ugu hayo, iyada oo intaasi jirt hadana ka gayeysan maayo inaan ku ilaawo ka difaacista meel aan u nisbo sheegto bulsho badanina ila wadaagto.
Waa raasamaal aan leeyahay igalana simanyihiin bulsho kasta oo meesha wax ka baratay iyo kuwo ku rajawaynba.
Mohamed Abdikariim waayadaa uu macalinka noo ahaa waxa uu fursad waxbarasho u helay inuu tago coast Rica fursadaas waxa xaq u lahaa ardayda Jaamacada dhigata lakin maaha mid aanu wax ka qabnay in macalimiintayadu wax koradhsadaan,
waxa ku wehelinayey waxbarashadaas oo ay jaamacadu wada dirtay ama xiliyo kala duwanba ay baxeen macalimiin kale oo magaca Jaamacada Hargeisa waxbarashada ku helay kana mid yihiin Abdirahmaan, Abdilaahi Odaywaa iyo Adam Xaji Cali.
Mohamed Abdikarim markii uu soo dhamaystay waxbarashada Jaamacada Hargeisa ay u dirtay soona diyaariyey master isaga oo ku soo sameeyey Conflict Resolution waxa shaqo looga dhiibay Jaamacadda isaga oo madax looga dhigay faculty
markaas uun la sameeyey oo ardayda cusub qaabilsan,(fresh student), Mohamed jamacadu waxay uga fadhiday ugana fadhidaa aqoontii ay u dirtay inuu ugu adeego jaamacada, lakin waynu iswaydiin karnaa waxa dhacay markii xilkaa cusub loo magacaabay,
Mohamed runtii muu awoodin inuu hogaamin u noqdo ardayda markaa ku cusub bay’ada jaamacadeed ama waxbarasho sareba, iyada oo ardaydu u baahantahay in la siiyo orientations ku saabsan jaamacadda iyo waxa looga baahanyahayba, khilaaf iyo
jihayn la’aan ay la kulmeen ardaydaa cusub ayaa waxay dhalisay in kuliyadaas la baabiiyo oo qayb walba la hoos geeyo faculty ka ay ka tirsanayd.
Qaybtaasi markii ay soo oodantay waxa loo wareejiyey Mohamed Abdikariim Institute of Peace and Conflict Resolution oo madax looga dhigay, hogaamintu waa wax loo dhashee waxa uu awoodi waayey mohamed inuu habeeyo kuliyadaas oo ahayd mid cusub oo Jamacada ku soo koradhay, isqabqabsi dhex maray dadkii kala shaqaynayey kuliyada oo uu ka mid ahaa Muhiyadiin kadib si loo badbaadiyo kuliyadaas mihimna u ah dalka iyo qarankaba guud ahaantii laga badalo shaqaalaha qayb ka mid ah, Muhiyadiin loon wareejiyo qaybta Registrar ka, halkaa kumay hadhin isqabqabsigii iyo fadhiidnimadii kuliyadaasi kala kulantay hogaamin la’aanta Mohamed lakin waxay ka gayeysoon waayeen maamulkii wakhtigaas jiray in bal meel sadexaad lagu eego mohamed abdikariim ama naasnuujin aynu ku tilmaamo ama inay Jaamacadu ugu talo gashay in uu wax ku soo celiyo Jaamacada oo ah waxay Jaamacadu gashatay, Mohamed waxa loo magacaabay Faculty of Mathematics and statistics with Management ka oo madax looga dhigay, lakin waxaynu odhan karnaa meel kasta oo lagu tijaabiyaba waxay la kulmaysaa turaanturo, inuu wax ku soo kordhiyo iska daayoo waxa dhinac maraya aqoontii uu soo bartay, waxa soo baxaya khilaafo joogto ah, danaysi si gaar ah loogu tuhmo, kala qaybin iyo kala furfur ku yimaad inta kuliyad kasta oo loo dhiibo isku keento, intii uu kuliyadan sadexaad uu madaxda ka ahaa waxa dhacday in class dhan ay arday gacanta isku saaraan, madax dhan oo kuliyad haysta ma waxa uu ka gayeysoon waayey aqoontaadu ardayda ha idin kala kaxayso?!!
intaaba maamulku waa arkayaa lakin waxa loogu seeto dheeraynayaa in Mohamed uu ahaa qof nolashiisu ay kasoo bilaabantay Jaamacada Hargeisa,
Mohamed Abdikariim iyada oo kuliyadani ku dul naaqustay ayuu shaqo ka helay Wasaarada Arimaha Gudaha, markii uu muddo labadaa shaqo isku hayey ayaa inta maqaalkay ah waraaq board ka jaamacadu u qoreen si lamid ah madaxdii kale ee kuliyada kale haystay shaqooyin kalana gacanta ku hayey, sida Bade iyo Buuxba oo kal haystay kuliyadaha Business ka iyo Economic ka, Waxaynu is waydiin karnaa Mohamed maxaa ka duway odayaashaas hore oo qaarkood macalimiin u haayeen masalooyinka accountingana u soo diyaarinjirayba?
Jawaabtu waa mid dhinac ka fudud oo waxaynu odhan karnaa waayo aragnimo la’aan ayaa haysa inaga oo ku sababaynayna 3 maamul ee kala duwanaa ee Jamacada Hargeisa uu kasoo qabtay, markale waxaynu odhan karnaa aqoonta lafteeda ayaa dhinac martay inaga oo og marka aad waxbarashada ku jirto in course mihim ahi marwalba kuula socdo oo ah Ethics, course kaasi waxa uu dabar kaaga noqonayaa inaad si khaldan u fahamto aqoontii ama aad ula kacdo meel aan ahayn meeshii ku haboonayd waa sida ku dhacday Mohamed uu dhinac Qabyaaladeed wax ka tustaye, sidaa darteed boodboodka waxbarasho ee keensaday burburkii dalka ayaa sabab u ahaa ayeynu odhan karnaa in
Mohamed Abdikariim waxbadan ilduufo.
Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa maqaalkii uu ku sheegay inuu Jaamacada cid gaar ah uga tagay iyo nuxurkii uu xambaarsanaa qoraalkaasi, innaba ma odhan karno qof aqoon u nisbo sheegta ayaa sidaa wax u qoraya ama wax sidaas ah bulshada kaga hadlaya, ayaan darooyinka jira waxa ka mid ah in title aan la gaadhin la fadhataysto oo waliba micnaha uu xambaarsanaa la ceebeeyo waa darajada ah Professor,
Sababtu waxa weeye haday cabasho kula gudboonaato ama ay si wax isku kaa tusaan hadalkaaga iyo qoraalkaaga waa la xakameeyaa, waxa uu Mohamed ka hadlay wax uu ku sheegay qabyaalad inay jaamacada ka jirto, Miyuu ilduufsanyahay haduu bulsho waynta Reer somaliland uu isleeyahay wax u wada gudbi afartii qof ee ay Jaamacadu wada dirtay mid mooyee inay isku meel ahaayeen, miyuu ilowsanyahay Mohamed wakhtigii Cabdi Haybe iyo Madoobe Jamacada ka talinayeen ee khilaafka wayni soo dhexgalay jaamacada halka uu jiqilka saartay? Mohamed Abdi miyuu ilowsanyahay in shaqada uu maanta gacanta ku hayo oo ah consultant una yahay Wasaarada Arimaha Gudaha in Wasaaradu ay tahay meel bulshada amniga iyo wada jirka dalka u qaabilsan? maanay aqoontiisu siinayn waa haday ku duxday’ye inay qof aqoon u nisbo sheeganaya ama wasaarad sidaas ah howl ka haya inuu hadalo bulshada naxli iyo kala firdhin ah warbaahinta u mariyo? Aqoontu qofka ma waxay gayeysiinaynaa in bulshada sawir aan jirin loo soo bandhigo iyada oo la leeyahay jaamacada waa la rarayaa? Aqoontu qofka maxay faraysaa in sun qabyaaladeed ku afoofo goob ay ka reebantahay in xumaan lala yimaad oo ah goob waxbarasho.
Runtii waxa ayaan daro ah oo waliba ceeb ila ah qof lagu yidhi meel iskugu lugo duwo in been abuur iyo kicin kaga jawaabo wax xaq loogu leeyahay.
maqaalkaas dhiilada xambaarsanaa ee Mohamed Abdikariim kana aradnaa aqoonta iyo milgaha aqoonyahanimo waxa ka dambeeyey maqaal kale oo uu gacan wayn ku lahaa sheikhu, maqaalkaas oo warbixintiisa uu lahaa arday aanu isku class ahayn lakin aan nasiib u helin inuu nala qalinjabiyo, iyada oo ay keensatay inuu buuxin kari waayo courses kii looga baahnaa qof qalin jabinaya, waxa ogaanshahay ah qofka maqaalkan qoray inuu ahaa qof marks ka si khaldan uu Mohamed Abdikarim u siin jiray inta uu awooda u lahaa.
Qofka noocaas ah ee gudaha jamacada ugu jira lana adeegsaday waxa uu maqaal Ciwaan uga dhigay Jamacada Hargeisa Qabiil baa leh ee Qaran ma leh ayuu waxa uu ku soo bandhigayaa wax aad u fool xum oo ah in shaqaalo waynaha Jaamacada uu reereeyo, waxa xumaan ah in dad tiraba 7 qof ah abtirsiinta laga badalo laguna kabo meel ayna shaqo ku lahayn iyada oo looga danleeyahay in dad gaar ah la eego.
Maqaalkaas guracan waxaynu qormadan hore si kooban uga hadlaynaa qodobo been abuur ah oo ku jiray inaga oo waliba og in ceeb laga dhigayo qof imtaxaan wax ku helay lana salimayo qof wastayn ku yimiday.
- Shaqaalaha iscasilay: waxa maqaalka istabcaynaya ku jiray magacyo lagu sheegay inay shaqada cid uga tageen waxana ka mid ah Abdilahi Odawaa, Rooda Cali, Deeq Ismail, Muhiyadiin iyo Mohamed Abdikariim oo ah qofka lugta ku leh reeraynta shaqaalaha, waxaynu sheegaynaa dadkaasi inayna ahayn kuwo ay maamulkan cusub isku soo gaadheen shaqada, tusaale, inanka Deeq la yidhaah waxa uu shaqo ka helay Action Aid isaga oo u arkay inay uga nacfi roontahay shaqada uu Jamacada ka hayey, waxa la mid ah Muhiyadin oo isna helay shoqo Finish Aid, Rooda oo shaqo ka heshay Adna Adan Maternity Hospital, waxa soo hadhay Abdilahi Odawaa oo la yidhi waa bilaa camal taas oo ah arin been ah waxa uu shaqo imtaxaan ah ku helay OCVP oo Jamacdada Hargeisa ka tirsan.
Lasoco Qormada Dambe
Qalinkii Mahdi Hassan