Jamhuuriyadda Somaliland Khayraadkeeda Way Lasoo Baxaysaa! Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

image

Mid ka mid ah ah Qodobada ugu mihiimsan ee dedaalka ugu weyn ay galinayso Xukuumada uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa sidii ay Jamhuuriyada Somaliland ula soo bixi lahayd Khayraadka uu Allaha weyni ku mannaystay dhulkeena hooyo oo Bad iyo Berriba ka buuxa.

 

Soo saarista Shidaalka, Macdanta iyo Khayraadka Dalkeena ku jiraa waa mid ka go’an Xukuumada Somaliland inay soo saarto qiimo kasta haku kacdee, waa Yool muuqda oo aynu higsanayno kaasoo meel marintiisu ay Rejo balaadhan oo iftiimaysa ay u tahay Qarankeena, wax weyna ka bedeli doonta Nolosha Dadweynaheena, Dhaqaalaheena, Nabadgelyadeena, Horumarkeena iyo Siyaasadeena, taasoo furena u noqon doonta in Jamhuuriyadda Somalilanday ay noqoto Qaran Hodan ah oo Madaxbanaan oo buuxiya kaalinta aynu ku leenahay Dunida.

 

Dedaalka Xukuumada Somaliland ay u gashay in aynu soo jiidano Maalgaliyayaal iyo Shirkado Caalami ah oo inaga caawiya inaynu Khayraadkeena la soo baxno may ahayn mid ku timi si fudud, waxaa loo maray jid dheer iyo dedaal culus inaynu dalkeena keeno Shirkado baadha Shidaal iyo macaadiin kuna aamina hantidooda inay dalkeena ku maalgaliyaan si ayaguna ay u faaiidaan mustaqbalka inagana inoo faaiideeyaan.

 

Waxaana Dalkeena Hooyo yimi shirkado dhawr ah oo ay ugu weyn tahay shirkada Genel Energy iyo shirkado kale oo Caalami ah oo iyaguna Saf ugu soo jira sidii ay Somaliland uga heli lahaayeen ogolaansho inay shidaalka iyo macaadiinta ku jirta Badda iyo Barrigaba ay inoogu soo saari lahaayeen, waana mid farxad gelisay muwaadiniinta Somaliland niyad jabna ku riday Cadawga Somaliland oo iyagu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii Somaliland ay ugu jiri lahayd dib u dhaca dhaqaale iyo aqoonsi la’aanta, dalkeenuna uu u noqon lahaa mid aan horumarin. Waxaana muuqatay in dacaayado badan lagu furay Shirkadaha dalkeena yimi culays badana lagu saaray sidii loo fashilin lahaa dedaalka Xukuumada ee ku aaddan soo saarista khayraadka ku duuggan Dalkeena.

 

Xisbiyada Mucaaridka Ah

 

Iyada oo Dalkeena uu ka jiro Nidaam Dimuqraadi ah oo Xisbiyada Mucaaridka ah u fasaxaya inay Xukuumada ku dhaliilaan wixii hawlo ah ee ay Xukuumadu ka gaabiso ama ka khaldama, isla markaasna Xisbiyada mucaaridka ah looga fadhiyo inay bulshada usoo bandhigaan bedelka siyaasadaha ay diidan yihiin ee iyagu ay wax ku maamuli lahaayeen haddiiba uu Allah talada dalka u gacan galiyo, nasiib darro Xisbiyada mucaaridka ahi way ka baaqsadeen xilkoodii, waxaanay shaqo ka dhigteen Niyad Jabinta Shacbiga, Cayda iyo Aflagaadada aan loo meel dayin ee Madaxda Xukuumada, Kicinta iyo Xaalad Abuurka, iyo waliba meel ka dhaca joogtada ah ee ay ku hayaan Sumacadii iyo Qaranimadii Somaliland iyaga oo dunida u tusaya in Jamhuuriyaddii Somaliland lagu kala yaacay oo Nabadggelaydii ay faraha ka baxday,taasoo sabab u noqotay bixitaankii ku meel gaadhka ahaa ee ay shirkada Genel Energy ay dalka kaga baxday.

 

Somaliland ma tahay Qaran ay Ruxi karaan Shirakado Baxaa?

 

Sida xaqiiqdu tahay Somaliland iyo shacbigeedu waxay soo mareen jid aad u dheer oo dhib badnaa, waxaanay kasoo gudbeen Caqabado badan oo soo waajahay Laba iyo Labaatankii Sanadood ee aynu soo dhaafnay, waxa ay kasoo gudbeen Caqabado Dhaqaale, Nabadgelyo, Siyaasadeed oo lasoo dersay tan iyo maalintii aynu Madaxbanaanideena ku dhawaaqnay 18 May 1991.

 

Shacbiga Somaliland ayay ahaayeen kuwii Dalkooda dhisay, Shaciga Somaliland ayay ahaayeen kuwii Nabadgelyadoodadhisay,Shacbiga Somaliland ayay ahaayeen kuwii Dawladnimadooda dhisay, shacbiga Somaliland ayay ahaayeen kuwii adeegyadoodii bulshada iyo hanaankooda dimuqraadiga ah ee Dawladnimo dhidibada u taagay, waana shacbiga Somaliland oo kaliya kuwa gacanta ku haya aayahooda iyo horumarkooda, waana taas ta ay kaga guulaysteen wax kasta oo soo waajaha oo liddi ku ah Horumarkooda, Dawladnimadooda iyo Nabadgelayadooda, mana aha mid Shirakado ajaanib ahi ama ha joogaan ama ha baxaane ay ka leexinayso Yoolka ay higsanayaan Shacbiga Somaliland iyo Xukuumadiisu oo ah sidii Qaranka Somaliland uu u noqon lahaa mid Qani ah oo dadkiisu ay Barwaaqo,Nabadgelyo iyo Horumar ku noolaadaan.

 

Waxaan Shacbiga reer Somaliland ee Geesiyaasha ah usoo jeedinayaa inaanay dheg jalaq u siin Cadawga Somaliland oo habeen iyo maalinba olole ugu jira sidii ay Niyad jab ugu abuuri lahaayeen dadweynaheena, shaki iyo dacaayadna ay ugu furi lahaayeen dedaalka ay Xukuumadu waddo ee ku salaysan sidii Dalkeena loo dhisi lahaa, Waxbarashada iyo Caafimaadka Bulshadeena kor loogu qaadi lahaa, Awoodda Ciidamadeena loo Xoojin lahaa, Shaqooyin loo abuuri lahaa, Dhaqaalaheena loo Kobcin lagaa, Khayraadka Dalkeena loo soo saari lahaa, loona gaadhi lahaa Isku Filaansho buuxa iyo Aqoonsi uu Dalkeenu helo, waxaanan usoo jeedin lahaa Xisbiyada Mucaaridka ah inaanay dadweynaha hor cararin ee ay la yimaadaan talooyinka iyo tusaalaha wax toosinaya.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi

Danjiraha Wareega ee Somaliland

kaysar@europe.com