Kaadirka Nolosha Iyo Kaaha Dadaalka. By: Cabdirisaa​q Camuudi

Markii aan yaraa ee aan ku jirey barashada iyo barbaarinta diinta Islaamka waxaan xasuustaa halqabsi macnihiisu ahaa “Qofka rabba in uu darajo sare gaadho habeeno ayuu soo jeedaa”.

Soojeedkan qofka Muslimka ah lagu tirtirsiinayo maaha kii hurdada laga haayirayey ee waa soojeed isugu jira socdaal iyo sahan.

Naftaa loo sahaminayaa nolol aayatiin leh si ay u abaarto dooga iyo meesha uu ku jiro daaqsinka dadaalkeedu, halka ay hiigsaneyso ayaa safarkeeda loo hoggaaminayaa si ay u gaadho himilada iyo hilinka waajib ku ah socdaalkiisa, sareedaduna wax ay tahay sababo la guuraya in ay naftu hesho darajada sare ee ay ku jirto guusha baadi goobkeeda.

Dhinaca dhaqankeena Soomaaliyeedna waxa wakhtigaas aan ku jirey barbaarinta dhallaanimo iyo barashada diinta Islaamka, dhagaheyga aad ugu badnaa oo mar walbe dalloolka iyo durbaanka maqalkooda ku soo dhici jirey murtida tidhaahda “Dadaalaa Xaaji Cabbaas waa gaadhaa” Marka ay tilmaamtu taagan tahay erayga odhannaya “Waa dhaafi karaa”, Intaasi waa dheeri dhab noqon kara mustaqbalka.

Maadaama hadalkeenu murti hibo ku leeyahay, haan markan u hollado xidhiidhka iyo xaqiiqda ka dhaxeysa nolosha iyo dadaalka oo bal xikmad ahaan iyo qeexitaan dhab ah ku soo bandhigo waxa ay ka qabto Suugaanteena Soomaaliyeed.

Abwaan Xasan Sheekh Muumin AUN oo aan dabayaaqadda sannadkii 2004 kula kulmey magaalada London waxaan ka hoos qabtey amma qorey sheeko dheer oo farshaxankeedu saameyn ballaadhan ku leeyahay baahida ay isku qabaan dadaalka dunidda iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Waa sheekada magaceedu ku caan baxey Basho oo maanta u baahan in aan ka mudaakaroodo muhiimada ku dhex duugan murtida sheekada “Bashooy wax la quuto dartiis waxaad u jeceshahay Kalluun amma Mallaay, markasta oo urtiisu ku daartana wayrax iyo wareer baa maanka iyo miyirkaba kaa qaada, hase yeeshee ma aad is waydiisay kalluunku bad buu ku dhex jiraa adiguna dhabada biyahaad ka caagan tahay, hadaba waxa la yaableh kalluun bad ku dhex nool oo aan ka soo baxayn iyo adigoo biyaha neceb oo intaad ugu dhex gasho aan kala soo baxayn.

Bashooy damacaas kugu baaba’ay balse helitaanka hilibkiisa xijaabku idiin dhaxeeyo, sideed kaga haqab baxaysaa? Ma waxaad kaga dhargaysaa baryo, boob iyo tuugo?

Bashooy baryo waa ceeb boobkuna waa halis, tuugaduna ka sii darane waxa kuu dhaama oo ammaan iyo mahad mudan, adiga oo dabaal iyo jilaabasho barta oo ku hawl gala xirfad xalaal ah oo halis iyo ceeb ka madax bannaan, waana jidka kaliya ee kuu furan.

Nuxurka iyo ujeeddada sheekadani xambaarsan tahay waxa uu Abwaanku isku mid ka dhigayaa Bisada iyo Soomaalida, isaga oo ku tilmaamaya Bisadu in ay adduunka ugu jeceshahay Kalluunka ayna ugu necebtahay biyaha sidaas darteed waxa uu Abwaanku Soomaalida ku tilmaamay in ay raaxada iyo lacagta jecelyihiin ayna necebyihiin tacabka iyo shaqada.

Naf iyo xirfadeed Tab iyo xeesheed Halla xoogsi tago.

Qalinkii iyo Qormaddii Abdirisaaq Mohamed Barkhad E-mail: rasiiqi07@hotmail.com Markii aan yaraa ee aan ku jirey barashada iyo barbaarinta diinta Islaamka waxaan xasuustaa halqabsi macnihiisu ahaa “Qofka rabba in uu darajo sare gaadho habeeno ayuu soo jeedaa”.

Qalinkii iyo Qormaddii Abdirisaaq Mohamed Barkhad E-mail: rasiiqi07@hotmail.com