Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Kacdoonnadii Dunida Carabta ee Dhicisoobay iyo Kadeedka ay kaga tageen.

W/Q: |Eng. Hussein Adan Igeh| (Hussein Deyr) |UK|XUSEEN DAYR

1.Caqli Gudhan, Dhaqan Goblan ah iyo Ilbaxnimo Wahsatay!

Marka ay Warbaahinta iyo Indheer-garadka reer-galbeedku ka faaloonayaan Shucuubta iyo Dalalka Carabta, waxay badanaaba si quudhsi leh carrabka ugu dhuftaan in Ummadaha Carabtu ay caan ku yihiin oo lagu tilmaansan karo: Caqli Gudhan, Dhaqan Goblan ah iyo Ilbaxnimo Wahsatay! Warbaahinta reer-galbeedku waxa kale oo ay tilmaamaan in Dunida Carabta ay ragaadiyeen saddexdan mushkiladood: Faqri, Shaqo la’aan iyo Xorriyad la’aan (ha noqoto tu shaqsi iyo ta fikirka siyaasiga ahba). Waxa kale oo ay Reer-galbeedku si adag u dhalliilaan Qaabka maamulka dawliga ah ee Dunida Carabta, Qaabka fikirka iyo habka nolosha bulshada ee ummadaha Carabta guud ahaan.

Xagga Dhaqanka, marka ay dhalliilayaan waxay tibaaxaan oo ay dhaqanka Dunida Carabta ku tilmaamaan inuu yahay: Dhaqan aan dadku ahayn kasmaal ama ayna adeegsan garaadkooda. Dhaqan aan dadku ahayn xogmaal xaqiiqada u dhaw balse keliya xafida oo qaata kolba wixii loo sheego. Dhaqan ay ceeb tahay inuu qofku qaladkiisa qirto ama uu raalli-gelin ka bixiyo qaladka iyo deelqaafka uu ku kacay oo mar walbana cid kale eedda dusha laga saaro. Ummad dhaqan u leh Boqor wax walba isagu xukuma oo go’aamiya oo aan weligii dhicin illaa uu ka dhimanayo; Dhaqan ay suurto-gal tahay in wiilku uu Aabihii, Walaalkii, Adeerkii ama Abtigiiba Af-gambiyo, xukun-jacayl awgii!

2.DULMIGII ku dhacay Mohamed Bouozizi iyo DABKII uu SHIDAY!

Mohamed Bouozizi wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo 26 jir oo ku noolaa Sidi Bouzid oo ah magaalo yar oo ku taalla dalka Tunisia, oo Caasimadda dalkaasi ee Tunis illaa 300km kaga beegan jihada koonfureed. Wiilkan dhallinyarada ahi in kasta oo uu aqoon wanaagsan lahaa, haddana ma haynin wax-shaqo ah oo uu mushahar uga xaadiro, balse wuxuu ahaa qofka keliya ee u xoogsi taga Qoys ka kooban 8 qof oo aabihii ka dhintay. 7-dii sano ee ugu dambeeyey wuxuu quutul-yoomka qoyska ka soo saari jiray khudrad uu u dul iibin jiray gaadhi-gacan uu suuqa khudarta ee magaaladaasi la wareegi jiray. Wuxuu aad uga wer-weri jiray oo masuuliyad gaar ah iska saari jiray sidii uu u xaasilin lahaa kharashka Jaamacadda gabadh walaashii ah oo isaga ka yar.

Maalmuhu kala tilmaamane, Maalin Jimce ah, 17 December 2010, ayuu Mohamed Bouozizi sidii caadada ahayd aroortii hore ku kallahay si uu khudradda suuqa ugu iib geeyo. Isagoo hawshiisii ku guda jira, qiyaastii ilaa 10:30-kii aroornimo, ayaa waxaa khudraddii iyo gaadhi-gacankiiba (kaaryoone) kala wareegay gabadh ka mid ah ciidamada booliska, maadaama ay u arkaysay inuu si sharci darro ah suuqa kaga ganacsanayo. Mohamed Bouozizi oo arrintani marar hore soo martay, wuxuu isku dayey inuu gabadhii booliska ahayd (Faida Hamdi) uu u sharraxo ama ka dhaadhiciyo duruufaha qoys ee haysta ee ku kellifay inuu suuqa khudaar ku iibiyo. Dheg jalaq umay siin ee waxay ka qaaday badeecaddii uu iibinayey. Wuxuu ku yidhi gabadhii booliska ahayd: “haddaba i ganaax, diyaarna waan u ahay inaan bixiyo ee fadlan alaabtayda ii soo celi.” Inta ay cay u miistay ee ay aabihii (oo dhintay) iyo asalkiiba cayday ayey labada indhood dhirbaaxo kaga dhufatay, dabadeedna ay ka faro-maroojisay khudraddii iyo gaadhi-gacankiiba!

Mohamed Bouozizi oo arrintaa aad uga murugaysan, wejigiisana ay ka muuqato calool-xumo ayaa tagay xarunta dhexe ee gobolka iyo dawladda hoose ee looga taliyo saldhigga ay gabadha booliska ahi ka tirsanayd, si uu uga dacwoodo xaq-darrada lagu sameeyey isla markaana u codsado in alaabtii laga qaaday loo soo celiyo. Nasiib darro cidi dheg-jalaq-umay-siin, waana la diiday in lala hadlaba, badeecaddiisii oo loo celiyo iyada hadalkeedba daaye. Talo ayaa ku baahday, xaq-darrada lagu sameeyeyna cid uga garowda waa. Isaga oon haba yaratee la tashan qoyskooda, cabaaro 11:30 aroornimo ayuu Mohamed ku laabtay Xaruntii Dhexe ee Gobolka iyo Maamulka Dawladda hoose ee magaaladiisa Sidi Bouzid, halkaasoo uu fagaaraha ka horreeya Xarunta dhexe ee magaaladiisa dab iyo gaas isku qabadsiiyey oo uu isku gubay.

Bartaa (dhacdadaa iyo goobtaa iyada ah) ayey ka bilaabmeen Kacdoonnadii Dunida Carabta oo dhan saameeeyey, laga bilaabo Marocco illaa Iraq, min dacalka woqooyi ee Suriya illaa cidhifka koonfureed ee Yemen (Cadan).Guud ahaanba waxaa Dunida Carabta si lama filaan ah uga bilowday Kacdoon Shicib iyo Kacaan aan qorshaysnayn oo ka dhashay amaba salka ku hayey dulmi, xaq-darro in badan huursanadayd, dacati iyo darxumo min shakhsi illaa shicib saamaysay.

3. Isbeddel dan u ahaa dunida oo dhan:
La mood noqonse waa! Waa loo han-weynaa waxayse u egtahay in lagu hongoobay!!
Siada aynu la wada soconno waxa guud ahaanba Dunida Carabta si lama filaan ah uga bilowday Kacdoon Shicib iyo Kacaan aan qorshaysnayn oo ka dhashay amaba salka ku hayey dulmi, xaq-darro in badan huursanadayd, dacati iyo darxumo is-biirsatay oo min qof illaa qaran saamaysay.

Isbeddel muuqda oo dunida Carabta oo dhan ka dhacaa, wuxuu rajo iyo yididiilo wacanba u ahaan lahaa Bulshada Caalamka oo dhan, gaar ahaanna dunida Muslimka ah oo ay ummadaha Carbeed ugu horreeyaan. Muran kama taagna muhimadda iyo mudnaanta ay dunida Carabtu u leeyihiin beesha caalamka (xag Dhaqaale, xag Ganacsi, xag Istratejiyadeed, xag Dhaqan, xag Taariikheed iyo xag Xadaaradeedba). Beesha Caalamka inteeda aan carabta ahayni waxay si fiican uga dheregsan yihiin in haddii dunida Carabtu ay la iman lahaayeen Arrin, Aqbal, Adduun iyo Agab midaysan inay talada iyo jaan-gooyada beesha Caalamka (dhinac walba) ay qayb libaax ku yeelan lahaayeen.

Waxa hubaal ah inay yeelan lahaayeen awood ay ku doontaan wixii iyaga ka maqan iyo awood ay ku doortaan wixii iyaga dan u ah. Waxa kale oo hubaal ah inay yeelan lahaayeen awood ay ku diidaan oo ay isku hor-taagaan wixii aan iyaga dan u ahayn. Sidoo kale waxa hubaal ah inay yeelan lahaayeen awood iyo cudud ay gurmad iyo gar-gaar midaysan ugu fidiyaan kolba kii laga gardaran yahay ama loo awood sheegto. Bal ka waarran haddii 22-ka dal ee ka midka ah ururka Jaamacadda Carabtu ay yeelan lahaayeen awood midaysan oo difaac, dhaqaale iyo siyaasadba? Waxay ila tahay inay wax weyn ka tari lahaayeen nabadda iyo xasiloonida caalamka, siiba ta bariga dhexe iyo dunida Muslimka ah. Waxay ila tahay inaanay Reer galbeedku marnaba ku dhiiradeen inay dal Carbeed ama dal Muslin ah oo xor ah ay weerar milatari iyo fara-galin siyaasadeed midna ku sameeyaan. Dhinaca ay u jan-jeedhsadaan 22-kan dal ee Ururka Jaamacadda Carabtu ayaa guulaysan lahaa.

Si lama filaan ah oo aan qorshe iyo hadaf-cad midna salka ku hayn, dhammaanba Dunida Carabta waxa mar keliya ka bilaabmay kacdoonno iyo kacaanno isbedel-doon ah oo lagaga soo horjeedo Keligood-Teliyeyaashii dalalka carabta ka telin jiray ee muddada dheer dulmiga iyo xaq-darradaba ku hayey dadkooda iyagoo u adeegi jiray dano cid kale.
Ummadaha Carbeed ayaa waxay gar-waaqsadeen in awoodda shicibku tahay ta ugu adag ee aan cidina loodin karin, dabadeedna waxay ogaadeen in mustaqbalka iyo aaya-ka-tashigoodu uu gacantooda ku jiro. Waxa si isdabajoog ah hal-hal u daatay Keligood-Teliyeyaashii Carabta ee arxanka darnaa (inkasta oo ay weli qaar sii joogaan), taasoo wax weyn ka bedeshay danihii iyo qorsheyaashii xagga siyaasadda, dhaqaalaha, nabad-gelyada iyo is-taraatijiyadda Bariga dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee ay lahaayeen waddamada reer-galbeedku.

Sida ay ku doodayaan dadka iyagu u dhuun daloola siyaasadda caalamka, hoos-u-dhaca dhaqaalaha ee dunida oo dhan saameeyey, kacdoonnada isbeddel-doonka ee dunida carabta iyo soo if-baxa quwado dhaqaale oo aan reer-galbeed ahayni waxay dib u soo nooleeyeen rajadii iyo muhimaddii ay lahaayeen dalalkii Dunida Saddexaad, kuwaasoo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa kaddib la iska illoobay!

(LA soco Qaybaha kale INSHA ALLAH)

W/Q: |Eng. Hussein Adan Igeh| (Hussein Deyr) |UK|
 

TOP

 




Leave a Reply