
Madaxwayne Silaanyo Oo Maanta Xadhiga Ka Jaraya Akadamiga Ciidamada Oo Laga Hirgaliyey Magalada Darar-wayne.
Hargeysa(SM) Sept.14, 2013-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta oo sabti ah xadhiga ka jaraya Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka oo laga hirgeliyay deegaanka Dararweyne ee duleedka magalada Hargeysa.
Dugsigan oo lagu qaban doono xaflad aad u balaadhan waxa ka soo qayb gali doona dhamaan Ciidamadda kala duwan ee Dalka, waxana lagu maamuusi doonaa Dufcadii ugu horaysay oo lagu xarayn doono isla markaana loo bilaabi doono Tababar heer sare ah.
Dugsigan oo in Muddo ah dhisnaa waxa Somaliland ka caawisay Dawladda Britain, taasoo ugu talogashay in ay ka dhigto Akadamiyad Ciidamadda Somaliland ku qaataan Koorsooyinka kala duwan ee ay qaataan Ciidamo u abuuran qaab dawladnimo,Hore Dawladda Ingiriisku waxa ay Somaliland ugu dhistay Wasaaradda Gaashaan dhiga Hargeysa taasoo muuijsay xidhiidhka ka dhaxeeyay labada Dal.
Salaanmedia/Hargaysa