Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo New York kula kulmay Madaxweynaha Turkiga, Amiirka Qadar iyo Hillary Clinton (Sawirro)


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey.
Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga Cabdallah Guul, Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo Xoghayihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka Soomaaliya iyo Caalamka.Xasan Sheekh ayaa ugu mahad celiyay Madaxweynaha Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee shacabka iyo Dowladda Turkigu ay siiyaan Soomaaliya

“Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh mar uu la hadlay dhigiisa Turkiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga ee Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay Amiirka dowladda Qadar Amiir Tamim Bin Hamad Al Thaani, isagoo kala hadlay sidii Qadar ay u taageeri laheyd Soomaaliya, gaar ahaana gacan uga geysan laheyd dhisida iyo qalabeynta Ciidamada xooga dalka.

Amiirka ayaa sheegay in Dowladda Qadar aysan marnaba ka seexan doonin taageerada Soomaaliya ay u hayso, waxaana hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii wadi doonto la shaqaynata dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey, isagoo ka warbixin doona xaalada Soomaaliya, waxyaabaha u qabsoomay dowladiisa, arrimaha ammaanka iyo arrimo kale.











Salaanmedia/Mogdisho

 on September 26 2013