Madaxweynaha Somaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Maanta u Ambabaxay cariga Mareykanka.

Sep 19.2013 (SM) Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Roma ee caasimada dalka talyaaniga ayaa maanta u ambabaxay dalka maryakanka.

Afhayeenka madaxweynaha soomaaliya Inj C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in madaxweynaha soomaaliya uu dalka maraykanka kula kulmi doono madaxda dalka maraykanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan senate ka dalkaasi.

Yariisow ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha Xasan Sheekh uu maalinta bari ah khudbad dheer ka jeedin doono xarun laga sameeyo daraasadaha caalamka oo ku taala dalka maraykanka.

Madaxweynaha ayaa magaalada Washington ee caasimada dalka maraykanka kulan kula qaadan doono jaaliyadda soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa 20ka bishan waxaa uu tagi doono magaalada Ohio ee dalka maraykanka halkaasi oo uu kulmi doono xildhibaanada la soo doorto gobolkaasi iyo jaaliyada soomaaliyeed eek u nool gobolkaasi.

Inj Yariisow ayaa sheegay in madaxaweynaha soomaaliya uu 22 iyo 23 bishan magaalada New York ka qeyb gali doono shirka golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb gali casho uu madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama u sameeynayo madaxweynayaasha ka qeyb galaya shirka golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobay.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa labadii maalmood oo uu ku sugnaa magaalada Roma ee caasimada dalka talyaaniga waxa uu kulamo la yeeshay madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo ra’’isul wasaaraha dalka talyaaniga Enrico Letta.

Salaanmedia Desk