Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray mashaariic Laga Fuliyay Berbera

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray mashaariic Laga Fuliyay Berbera

September 15th, 2013 Comments Off

Berbera (SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku guda jira socdaalkiisa shaqo ee Gobolka saaaxil ayaa maanta waxa uu Hawlo Mashaariiceed oo aad u tiro badan oo isugu jira furitaan, dhaqax dhig iyo kuwo kale uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray halka kuwo kalena uu dhagax dhigay mashaariicdaasi oo ay ugu waa weynaayeen, Dhul aad u baaxad weyn oo dekeda berbera laga hirgeliyey, dhulkaas oo loogu talo galay in lagu raseeyo agabka dekeda, koontiinarada, wiishashka iyo wixii loo baahdo, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu kormeeray xadhigana ka jaray isla mashaariic kale oo laga hirgeliyey Dekeda.

madaxweynuhu waxa kale oo uu dhagax-dhigay qaybo cusub oo dekeda lagu kordhin doono dhawaan, waxa kale oo isna uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisme loogu talo galay Bahda Akhristayaasha ee Reading Club, Dhulkaas oo ay u cayintay Dawlada hoose ee Berbera in ay noqoto goob wax lagu akhristo oo gobolku yeesho, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray Xaruntii hore loogu yiqiin taardheer oo ah barxada ugu weyn gobolka saaxil ee ay dawladu iska leedahay kaydkana ay u haystaan oo laga hirgeliyey mashaariico kala duwan.

isaga oo madaxweynuhu ku guda jira hawlihiisa shaqo waxa kale oo xadhiga ka jaray Dhisme dabaq ah oo ah Xarunta Caafimaadka Gobolka oo dhawaan farta laga qaaday lana qalabeeyey, waxa kale oo u madaxweynuhu xadhiga ka jaray meelo badan oo ay kow ka tahay wadooyin badan oo laga hirgeliyey magaalada oo isku xidhayaan suuqa weyn ilaa Xeebta Batalaale oo laami ah iyo kuwo kale oo suuqa iyo magaalada dhexdeeda ah, intaasi ka dib waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisa oo socdaal lug ah ku dhex maray wadooyinka kala duwan ee saaka xadhiga laga jaray isaga oo ay hogaaminayaan Madaxda kala duwan ee Gobolka saaxil.

ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu tegay oo uu xadhiga ka jaray xarunta daryeelka iyo keydinta Baabuurta dawlada hoose ee Berbera oo ay Golaha Deegaanka ee Berbera intii la soo doortay ay hirgeliyeen in gobolku helo xarun loogu soo hagaago baabuurta dawlada hoose halkaas oo ay ku soo bandhigeen gaadiid aad u tiro badan oo noocyo kala duwan ah kuwaas oo dhamaantood ah kuwo cusub oo ay ay golaha deegaanka ee cusubi ay iibiyeen dhawaan.

ka dib waxa uu madaxweynuhu uu hadal kooban oo mahadnaq iyo dhiirigelin ah u soo jeediyey madaxda gobolka iyo shicibka gobolka saaxil oo buuyidhi muujiyey midnimo iyo wada shaqayn ay tahay in lagaga daydo wanan idinku hambalyeynayaa.

waxa iyaguna halkaasi shahaadooyin kala duwan ku bixiyey isla barxadaas batalaale madax-dhaqameedka gobolka oo u bogay iskuna raacay wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsadeen madaxda gobolka iyo madaxweynaha qaranka oo ay yidhaahdeen madaxdu waxa aad ku mutaysatay madaxweyne shahaadadan dedaalka iyo wax ka bedelka aad ku samaysay horu-socodka gobolka taas oo maanta madaxweyne aad gobolkan kaga dhigtay mid loo soo hiloobo ama lagu daydo marka loo eego sanadihii hore ama dawladihii adiga kaa horeeyey.

Salaanmedia/Berbera