Magacyada Xildhibaanadii Shalay Ansixiyey xeerka iskana indho tiray Dhaartii Iyo Shacabkii Soo Doortay.

images

Sep 25,2013 Hargaysa(SM)  Codayntii maalintii shalay ka dhacday Golaha wakiillada ayaa waxa ay Bulshada si toos ah u tustay sawirka dhabta ah ee ay leeyihiin xildhibaanada tirada badan ee ku xaraysan Golaha wakiillada Somaliland. Xeerkan Horumarinta waddooyinka oo in ka badan Saddex Toddobaad Golaha horyaallay, ayaa ahaa mid si aad ah la iskugu khilaafsanayaa, iyadoo ay xusid mudan tahay sidii xoogga lahayd ee Golaha intiisa badani ay uga soo horjeedday intii Codayntu socotay.

Dhaqdhaqaaqyo badan oo ay xukuumaddu samaysay iyo maaliyad farabadan oo loo isticmaalay soo xero-gelinta Xubanaha wakiillada ah ee Xeerkan ka soo horjeestay ka dib, waxa gacanta lagu dhigay oo dhuuni-qaatayaal ceebaysan Noqday Intii Badnayd ee xildhibaanada Golaha wakiilladu ka kooban yahay. Arrimaha ay Habboontahay in Bulshada loo caddeeyo, ayaa waxa ugu mudan in Badanaaba xildhibaanadii maalmo ka hor isku Bahda ahaa ee ku midaysnaa inay xeerkaas ansaxintiisa dagaal la geli doonaan in in yar mooyee intoodii badnayd noqdaana qaar door bida inay shilimo xaaraan ah sharaftoodii iyo milgahoodii ku beddeshaan. Tirada Xildhibaanada ka soo horjeeday Xeerkan oo markii hore aad u badnayd, ayaa waxa ay yididiilo badan gelisay Xildhibaanada Daacadda ah iyo waliba shacabka Danyarta ah ee dhibaatada iyo culaysku ku soo socdaan oo filayey in xeerkan cudud lagu muquunin doono.

Xildhibaanadan Maalintii shalay Iska Diiwaangeliyey Buugga Madow ee Taariikhda Ma guuraanka ah lagu qoro, ayaa waxa lagu soo xero-geliyey Xeellado Qabyaaladaysan, kuwo qandaraasaysan, qaar dufanaysan, kuwa Balloodhaysan iyo kuwo lagu soo xero-geliyey in tiro badan oo ciddoodda ah shaqooyin sare loo siin doono. Arrintan ayaa waxa ay bannaanka soo dhigtay in bulshada reer somalilnad ay codkooda ku keeneen kuwii gawracayey ee Noloshooda Halasaha iyo kulaylka u horseedayey, waxana Haatan la isweydiinayaa in shacabku dhacdadan wax ku qaadan doono iyo in kale. Haddaba waxaaan uu halkan idiinku soo Gudbinayaa Xildhibaanadii Saacadihii ugu dambeeyey ka baxay Ballantii iyo Axdigii ay kaga soo horjeedeen xeerkan, islamarkaana Sharaftoodii Gawska siistay.

Xildhibaanada Ayaamihii Doodda ee Laga soo Gudbay Aadka u qaylinayey, ayaa waxa la ogaaday in ujeeddadoodu ahayd sidii qayladaasi ay ugu goyn lahayd wax weyn, si loola Baayactamo. Xildhibaanadan ayaanay isku mid ahayn waxa Qalbigooda ku jira iyo waxa ay afkooda ka sheeganayaan, waxana ay oggolaadeen in faro Guudkood danta la rabo lagaga dhamaysto. Xildhibaanadii Haddaba sida Munaafiqnimada leh labada dhinac ugu kala dhex jirey ee Qolo waliba Colkeeda ku darsanaysay, waxa ay kala ahaayeen sidan.

Xidlhibaanada Ansixiyey Xeer Xirsi hoos ka akhriso.
1. Bashe Mohamoud Farah
2. Cali Yuusuf Axmed
3. Abdillahi Hussein Egeh
4. Abokor C/raxmaan Good
5. Axmed Cabdi Nuur (kijaandhe)
6. Axmed ducaale bulaale
7. Maxamuud Jaamac Warfaa Diiriye
8. Axmed Maxamed Diiriye (nac nac)
9. C/raxman Maxamed Tanyanle
10. C/raxmaan Yuusuf Cartan
11. Cali Maxamed Aadan
12. Cumar Axmed Saleebaan (san wayne)
13. Xamse Maxamed Gaada wayne
14. Ibraahim Axmed Haybe
15. Ibraahim Axmed Reygal
17. Mahdi Xuseen Cadare
18. Maxamuud Axmed Obsiiye
19. Maxamed Cismaan Maxamed (bulqas)
20. Maxamed cumar Aadan Jiir
21. Maxamed jaamac Cabdi
22. Maxamed X. yuusuf Axmed (waabeye)
23. Siciid Cilmi Rooble
24. C/raxmaan Muuse Jaamac
25. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale
26. C/raxmaan Cismaan Caalin
27. Faarax Maxamuud Cabdile
28. Xaashi Xuseen Caabi
29. Mahdi C/laahi Maxmuud
30. Maxamed Baaruud Shide
31. Maxamed jaamac Cali Guuleed
32. Muuse Maxamed Ismaaciil (hoos-u- jeed)
33. Naasir X. cali Shire
34. Saleebaan Cawad Cali (bukhaari)
35. Siciid Maxamed Cilmi
36. Aadan Xaaji Diiriye dirir
37. Siciid Warsame Ismaaciil (Gaani)
38. Axmed barkhad obsiiye
39. Xasan Muuse Hufane (Karaamo)
40. Axmed Xasan Aadan Muuse (Waysa cade)
41. Axmed Maxamed Nuur
42. Cabdi Maxamuud Jaamac
43. C/casiis Ismaaciil Ducaale
44. C/kariin Aw Cali Shabeel
45. C/laahi Axmed Yuusuf ( Madar)
46. C/qaadir Jaamac Xaamud
47. Cali Obsiiye Diiriye (cali- gabilay)
48. Cali Sh. Ibraahin Aareye
49. Farxaan Maxamed Cali
50. Xasan Cawaale Caynaan
51. Xariir Siciid Bulaale
52. Xuseen Ismaaciil yuusuf
53. Ibraahim Caraale Cabdi
54. C/qaadir Jibriil Tukaale
55. Maxamed yaasiin Sh. Cali
56. Maxamed Axmed Maxamed (dhakool)
57. Maxamed BarkhadMiigane
58. Maxamuud dhunkaal Guutaale
58. Maxamuud Jaamac X. Cilmi (dable).

Salaanmedia /HargaysaÂ