Markaan dib u yara jaleecno Agaasimihii hore ee wasarada warfaafinta Somaliland mudane Faysal Ali sheikh markuu

maqaal

Marka hore waxaan salaan  u dirayaa dhamaan bahda saxaafada iyo shacbi-weynaha reer Somaliland meelkasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeeda,salaam ka dib waxaan jecleystey in aan wax yar ka taabto sababta uu u socon laayahay telefishinka qaranka Somaliland iyo sababta uu uga hooseeyo tayo ahaan telefishinada kala ee la midka ah ee afka somaliga ku baxa ama ku hadlaba ,run ahaantiina teleshinka qaranka Somaliland waxa uu yahay ka ugu hooseya Tayada iyo farsamo ahaan  marka la barbar dhigo kuwa kale sida Hctv,Somali Channale,Star Tv,Universal Tv,Royal Tv iyo kuwo kale oo badan.waxaa kale oo intaasi wali sii dheer barnamijyada ka baxa oo

 

aan cidi daawan Karin oo aad markiiba arkaysid in dadka soo duubey ama soo habeeyey aaney aqoon iyo khibrad toona u laheen .

 

Markaan dib u yara jaleecno Agaasimihii hore ee wasarada warfaafinta Somaliland mudane Faysal Ali sheikh markuu xulanayey ama shaqalaha qoranayey laanta london iyo hargeysaba in aanu ku qoran aqoon shaqalaha ee uu ku xushey reer ahaan  iyo garasho qofnimoiyo nin jecleysi , taasina ay tahay ta keentey in uu telefishankii qaranku wax hore mar ah sameen waayey ,dhaxal siisaneyna in u dibudhac weynu ku yimado tv kalena ka hooseyo.

Markii la badaley agaasimihii hore warfaafinta Faysal cali sheekh ee la keeney agaasimaha cusub Abdirashiid dadku waxaay is lahayeen wax badan ayaa is badali doona  tv-ga qarankuna wuxuu ka bixi doona dhibatadan baahsan ee ragaadisey ama kuhabsatey,riyadaasi mey rumoobin wax is badal iyo horemarna lagama qaban sababta oo ah agaasimaha cusub ee loo hanweyna ayaan isna wax khibrad ah u laheen saxaafada iyo sida ay wasarada warfaafintu u shaqeyso waxaa lagu keeney reer nimo iyo nin jecleysi.

Waxaa iyana sii dheer mareyaha Tv qaranka khadar xasan cali gaas oo tv qaranka ku dhex dhacey isaga oo indha la oo aan khibrad u laheen Tv iyo Saxafadba,mar uu London lagu casuumey waxaa uu ku faanayey waxaan dhisey Studio Tv-ga Qaranku leeyahay oo aan hargeysa ka dhisey,run ahaantiina lacagta loo qoondeyey tv-ga qaranku waad la socotaan waa 4.5 Milyan oo doller sanadkii,lacagtaasi waxaay dhisi kartaa 3 studio oo qalabkoodi u dhan yahay iyo shaqaalaha oo tababar loo diro si ay xirfadooda iyo aqoontooda kor loogu soo qaado.

Mareyaha Tv-ga Qaranku khadad gaas ma fahansana Sababta Tv qaranka loo sameyey , waxaa loo sameyey in lagu wacyi galiyo bulshada reer Somaliland dhinaca Diinta,Waxbarashada,Beeraha,Tahriinka,Qabyalada ,Cafimadka,Dhaqaalaha  , dhalinyarada dalkooda la jecleysiyo iyo in xusbiyada mucaradka iyo muxafadku u sinadaan.

Laakin tv qaranku wuxuu isku badaley meel dawlada lagu amaano iyo niman odayal ah dawlada reer ahaan ku difacaya ayaa maalin iyo habeen laga sii daayo(barnamijka maxaa u qabsomey dawlada).

 

Dad badani waxaay is weydiinayaan.

 

1- Tv qaranka Xaruntiisa London ee ilaa 18 qof  ku mushahar qaatan ee lacag aad iyo aad u badani lagu bixiyo maxaa dalka iyo dawlada faaiido ugu jirta?

2-Barnamijyada laga soo diro London ee dadka iyo dalka faaiidada u leh waa kuwee.

3-Barnamijyada aan faaiida laheen ee laga soo diro London sida salaamaha,dahir iyo dalkii hooyo iyo ka dhextaalka ah,anigu waxaan ku talin lahaa looma baahna .

4-Tv qaranku wuxuu xarun labad ku lahaa birminham waa la soo xidhey markii la arkey in aaney faaiido ugu jirin furnashihiisu tv-ga qaranka lacag badanina ku baxayso ,maxaa sababey in maanta la yidhaa xurun cusub ayaanu ka furaneysa carrdiff oo xaflad lagu kharash gareeyo lacag dhan ?5.000,lacagtaa intaasi leegi waxaay dhisi kartaa studio casriya oo hargeysa laga dhiso ama shaqaalaha ayaa tababar loogu fidin lahaa si aqoontooda kor loogu soo kiciyo.

Hadaba waxaan ka codsanayaa Wasiirkar  Warfafinta Somaliland Mudane cabdilahi maxamed dahir (cakuse) waxaad tahay nin khibrad u leh saxaafada run ahaantiina qaran kara halka u baahan in la saxo iyo dadka shaqada qaban kara.

 

Telefishinka qaranka Somaliland waa murayada dalka iyo dadka laga daawado una baahan in mar walba telefishanka qaranku ka tayo iyo aragtiba ka horeyo kuwa dadka gaarki  leeyahay,hadaba dibudhacaa ku yimid wasarada warfafinta Somaliland siiba tv qaranka waa in aad sida ugu dhakhsaha badan loo xaliyaa dhibaatada jirta ee inugu keeneysa sumcad darada dhamanteen reer Somaliland.

 

Mar aan wareystay nin ku xeel dheer saxaafada siiba dhinaca Tv-yada iyo farsamada waxaa uu ii sheegey in aanu telefishanka qaranku  sidaa ku sii soconeen hadiin aan la helin dad shaqadan garanaya oo hore uga soo shaqeyn jirey tv-ga,wuxuu yidhi waxaan booqdey tv qaranka xaruntiisa London ,waxaan arkey dadka ka  shaqeya waxay nogdeen dad aan waligood tv ama radio toona ka soo shageen  ,waxaan darsey dadka meesha joogey sidey u shaqeyaan ,waxaan kale oo aan eegey farsamada ay ku shaqeynaan oo aad iyo aad u hooseysa taasina waa ta keentay in uu tv-ga qaranku wax hore marina sameen waayo,imikana waxaan kula tali lahaa in wasiirka warfaafinta somaliland cabdilahai cakuse in uu yimado uu arko shaqalaha meesha layska ka soo dhoobey ee aan khibrada laheen ee jooga london.

Waxaan kale oo aan ku arkey Tv-ga qaranka laantiisa London shaqalaha ugu badan in ay isku reer yihiin,taasi waxaay ku tuseysa in aan aqoon dadka lagu keenin. 8 qof oo habar jeclo ah, 4 qof reer ahmed ah,1 qof oo ciidegale ah iyo 1 qof oo habaryoonis ah.

 

Mida kale mar aan talo siiyey maareyaha tv-qaran somaliland Mr Khadar Ali Gaas in uu shaqaalaha  tababar siiyo si uu khibradooda iyo farsamadooda uu dhiso,wuxuu iigu jawaabey markaan lacag helno ayaan sameen doona,khaddar waxaa kale oo uu sheegey in miisaniyada sanadkii tv-ga qaranku yahay 4.5 milyan oo doolar,lacagtaasi oo ah lacag aad iyo aad u badan dhisi karta studio casriya iyo shaqaale hawshooda ka adag oo farsamadii loo baahna haysata.

Marka mudane wasiir cidi wax badan ku sheegi meyso sababta oo ah waxaad tahay nin hawsha garaya ee sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabo,shicibka reer Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay taageraan tv qaranka oo dayac badani ka muugdo,waxaan hadalkeygii kaga baxayaa ilahay hayna xafido dhamanteen.

 

Wariye

M Diriye London

sareeye@hotmail.com