Masuul Ka Tirsan UCID Oo Guddoomiye Faysal Ku Eedeeyey Inuu Kala Jabinayo Xisbiga Iyo Khilaafka Xisbigaasi Oo Sii Kordhaaya.

“Faysal Oo Geed Lagu Xidhay Oo Laga Dhaqaaqay Ayuu Jamaal U Yimid” Xoghayaha Gebiley ee UCID

 

Xoghayaha Xisbiga UCID ee Gobolka Gebilay Aadan Xaji Maxamed Aadan, ayaa waxa uu si adag u dhaliilay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Calai Waraabe oo ku eedeeyey inuu xisbigaasi ka dhex wado kala jejabin oo uu doonaayo inuu keligii ka hadlo markasta oo aanuu la tashan Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen.

 

Aadan Xaji Maxamed Aadan Xoghayaha Xisbiga UCID ee Gobolka Gebilay oo shalay magaalada gebilay kula hadlay Saxaafadda, ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay eedaha uu Faysdal Cali Waraabe u jeedinayo Xukuumadda iyo doorka Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen.

Xoghayaha Xisbiga UCID ee Gobolka Gebilay Aadan Xaji Maxamed Aadan oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan Doonayaa inaan ka hadlo khilaaf ama guux la sheegayo inuu xisbiga UCID ka dhex jiro, waxaan leeyahay arrintaas waxa ka masuul ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo markasta doonaya inuu isagu wax sheego oo uu kelidii hadlo isaga oo aan la tashan Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, markaa isaga ayaa waxaas oo dhan ka masuul ah”

Aadan Xaji Maxamed Aadan Xoghayaha Xisbiga UCID ee Gobolaka Gebilay waxa uu intaasi ku daray “Jamaal Cali Xuseen Waxa uu ahaa ninkii badbaadiyey Xisbiga oo sii dhacaya oo ay iskaga tegeen ragii Faysal Xisiga la waday oo inta ay geed ku xidheen in kaga tegay ayuu u yimid oo uu soo saaray xisbigii oo uu bedbaadiyey, markaa waxaan leeyahay waxaas oo dhan Faysal Cali waraabe ayaa wada”.

Hadalka Masuulkan ka tirsan Xisbiga UCID ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf ka dhex taagan yahay masuuliyiinta u sareeya xisbigaasi, kuwaasi oo dhawaan hadalo iska soo horjeeda warbaahinta isu mariyey.

Khilaafkan ayaa noqday mid hoos ugu daadagay masuuliyiinta gobolada ee xisbgaasi iyo masuuliyiinta qurbaha, iyada oo laanta xisbigaasi ee dalka Ingiriisku ay taageereen Af-hayeenka guud ee xisbigaasi oo uu magacaabay musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen.

Xigasho Wargayska Saxansaxo