Midowga Yurub Oo Sheegay In Ay Sii Wadayaan Taageerada Ay Siiyaan Dowladda Somaliya.

STRAATSBURG-VLAGGEN

Sep 9,2013 Muqdisho(SM) Madaxa arrimaha siyaasadda dibedda ee Midowga Yurub Katherina Ashton ayaa sheegtay in ay sii wadayaan taagerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna ka go’antahay in Midowga Yurub uu gacan weyn ka geysan doono dib u dhiska dalka.

Katherine Ashton ayaa xustay in ay sii wadayaan sidii loo xoojin lahaa horumarka ka soconaya dalka, iyadoo tilmaamtay in shirka 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgium uu yahay mid ay qaban qaabinayaan Xukuumadda Soomaaliya & Midowga Yurub, Shacabka Soomaaliyeedna ay u noqoneyso waa cusub.

Shirka Brussels waxaa looga hadlayaa hiigsiga cusub ee afka qalaad loo yaqaan New Deal, kaasi oo dhawaan talooyinkii laga soo uruuriyay dadka ku dhaqan gobollada dalka laga soo saaray aragti mid ah, lana horgeyn doono shirkaasi 16-ka bishaan ka dhacaya dalka Belgium.

Madaxa arrimaha siyaasadda dibedda ee Midowga Yurub Katherine Ashton ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii bahalnimada ahaa ee Sabtadii ka dhacay Muqdisho, kaasi oo ay ku nafwaayeen shacab badan, waxayna intaa ku dartay in falalkaasi argagaxa leh aysan hakin doonin dadaalka ay ugu jiraan sidi dowladdu ay cagaheeda isu taagi lahayd, waxayna soo dhaweysay horumarka ay ku talaabsaneyso dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale 12-ka bishan ayaa waxaa lagu wadaa in shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka furmo golaha ammaanka ee Qaramada Midooay xaruntiisa magaalada New York ee dalka Maraykanka, kaasi oo arrimo badan looga hadli doono.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa la filayaa in golahu uu warbixin ka siiyo xaaladaha amniga, Siyaasadda iyo horumarka laga gaaray arrimaha dib-u-hehiisiita, iyadoo la filyo in ay ka soo baxaan shirkaasi 12-ka ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, go’aano wax tar u leh dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Roma waxa maanta ka furmaya shir looga hadlayo hiigsiga cusub ee Soomaaliya, kaasi oo looga gol leeyahay in ajandaha lagu daro doorka ay jaaliyada ku yeelan karto arrimaha hiigsiga cusub ee “New Deal”

Salaanmedia/Muqdisho Office