“Muqdisho Waxaan U Imid Dhamaystirka Heshiiskii Addis-Ababa Iyo Xidhidda Buugii Jubooyinka” Sh. Axmed-madoobe

 Muqdisho (SM)  Hoggaamiyaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba-land  Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaadhay Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya.

 

Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu u yimid Muqdisho dhameystirka heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, isagoo xusay in dowladda uu u rajeynayo inay noqoto mid dalkeeda iyo dadkeeda wax u qabata.

 

 

“Muqdisho waxaan u imid dhameystirka heshiiskii Addis Abab  iyo sidoo kale laabista buuggii Jubbooyinka ee Muqdisho ka furanaa. Waayo heshiis ayaa la gaadhay, halkanna socodkeennu wuu ku badnaan doonaa,” ayuu Sheekh Axmed Madoobe warbaahinta ugu sheegay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

 

 

Sidoo kale, Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Muqdisho markii ugu horraysay tan iyo markii Kismaayo lagala wareegay Al-shabaab dhammaadkii sannadkii hore.

 

 

Waftiga Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu wadaa inay dhowr casho joogaan magaalada Muqdisho ayna kulammo kala duwan la yeeshaan madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo kala hadli doona dhameystirka heshiiskii bishii hore lagu soo saxiixay Addis Ababa.

 

 

 

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maanta kusoo dhaweeyaan Muqdisho hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, isagoo xusay inay dhowr maalmood ku sugnaan doonaan Muqdisho.

 

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in shirar lagu dhameystirayo heshiiskii Addis Ababa lagu qaban doono Muqdisho iyo Kismaayo, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu tago magaalada Kismaayo.

 

 

                                                     Madaxweynaha-Jubbaland-Axmed-Madoobe

 

 

Salaanmedia/Hargeysa   Office