Nin Soomaali ah oo qof ku soo dilay mid ka mid ah dalalka Yurub oo ka dibna markii uu wadan kale Qaxooti iskaga dhiibay(Warbixin Tarjuman)

Nin Soomaali ah oo loo heeysto Dil qaarajin ah oo ka dhacay dalka Switzerland ayaa ka baxsaday dalkaas balse ninkaasi oo qorshe cusub oo uu ku baxsado  ayaa waxa uu magac kale iskaga dhiibay wadan kale oo ku yaala Qaarada Yurub.

Ninkaas oo 26 sano jir lagu sheegay wuxuu magac kale iyo da´kale oo been ah iskaga dhiibay dalka Austria gaar ahaan xerada Qaxootiga ee lagu magacaabo Traiskirchen oo qiyaastii 20 Km u jirta magaalada caasimada ah ee Vienna.

Ninkaan oo dhawaan farihiisa la soo helay waxaa aad u hadal hayay saxaafada dalalka Switzerland iyo Austria balse waxaa dad badan la yaab ku noqotay sababta uu ninkaan iskaga dhiibay dal daris la ah wadan kale oo uu dad ku soo dilay.

Ninkaas oo sugayay in la siiyo Qaxootinimo ayaa waxaa Xerada Qaxootiga ugu yimid Booliiska dalka Austria gaar ahaan kuwa gobolka Nieder-Österreich oo ah halkii uu iska dhiibay waxeeyna ku boobsiiyeen Jeebo ay kaga xireen labada gacmood kuwaas oo u gudbiyay Booliiska dalka Switzerland.

Salaanmedia/Mogdisho