Prof. Axmed Ismaciil Samatar Oo Farta Ku Fiiqay Galdaloolooyinka Dawladda Somaliya, Somaliland-na Si Adag U Difaacay

Sep 28,2013 Hargaysa(SM)“Dadka Somaliland Waxay Samaysteen Dawlad Iyo Nidaam ay isku Bad-baadiyeen” Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa si adag u difaacay qadiyadda Somaliland, isla markaana dhaliilay dawladda Muqdisho ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh oo uu sheegay in aanay la iman karti cusub oo ay wax kaga qabato mashaqadda ka taagan Soomaaliya.

Prof. Axmed , waxa uu sidaasi ka sheegay barnaamij ay shalay idaacadda VOA-du ku faaqidaysay saamaynta ka dhalan karta weerarkii argagixiso ee todobaadkii hore ka dhacay xaruntii Westgate ee magaaladda Nayroobi. Waxaanu sheegay Pro. Samater in aanay dawladda Xasan Sheekh waxba ka duwanayn maamuladdii hore ee Soomaaliya soo maray.

Waxaanu yidhi “Anigu waxaan qabaa dawladda Xamar ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay kuwii hore in aanay ka duwanayn, kuwii horeba intaa uu ku hadlay way ku hadleen, laakiin maamulka yaala iyo kartida maanta taala Xamar, tii hore kama duwana ayaan qabaa, inkasta oo ay aduunyaddu fursad siisay”.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu sheegay oo kale in dadka Somaliladn ay markii hore iyagu keeneen midnimaddii Soomaaliya, isaga oo u soo jeediyay maamulka Soomaaliya in ay u qiraan horumarka iyo guulaha ay Somaliland gaadhay, isla markaana lagu daydo. Waxaanu yidhi “dadka Somaliland degani iyaga ayaa markii horena dawladnimada iyo iskutaga Soomaalida keenay, markaa waa in loo qiro waxa ay samaysteen iyo guulaha ay gaadheen, oo weliba lagu daydo weeyi”.

Waxa kale oo uu sheegay Prof. Axmed Ismaaciil Samater in siyaasadda Soomaaliwayn ee ay Soomaaliya inta badan ka hadasho ay wakhtiyaddii hore ahayd mid wanaagsan bal se imika arrintaasi ay tahay mid lagu kala tegay, isla markaana aan soo noqoshadeedii iyo farasamadeedii midna aan la haynin.“Siyaasadda Soomaaliwayn ee ay Soomaaliya ka hadasho, way macaanaan jirtay oo marka si guud loo eego hadal caqliga geli karaya weeyi, laakiin taasi waa lagu kala tegay, haddii ay soo noqonaysana xisaabtankeedii iyo farsamadeedii lama hayo” ayuu yidhi Pro. Samater.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Anigu uma jeedo in aan Somaliland si gooni ah u ammaano, balse waxa aan u jeedaa, mar haddii siyaasadii Xamar lagu maamulayay lagu kala tegay, dadka halkaa degana waxay samaysteen dawlad iyo nidaam ay isku bad-baadiyeen oo ay manta nabad geliyo ku haystaan, oo uu wadankoodii ku dhismay yahay oo uu ku socdo, arrintaasi in si gooni ah loo eego ayuunbaan ka hadlayaa, laakiin baahida guud ee ay ummada Soomaalida sida wax looga qabanayaana Soomaali yay u taalaa, maantana lama hayo madaxdeedii iyo dawladeedii arrintaasi fahmi lahayd”.

Salaanmedia/Hargaysa