Sawirka Todobaadka: Is Bar Bardhiga Madaarada Hargysa Iyo Jig Jiga Daawo

Hargysa, (SM)- Waxa nasiib daro ah in madaarkii caalamiga ahaa Egal International Airport-oo la galiyay lacag xad dhaaf ah oo ka badan tii lagu dhisay madaarka caalamiga ah ee Jig jiga, taasi Hargysa International Airport-ay xukumadda Siilaanyo sheegtay in ay dib u dhiska ay ku samaysay ay ku baxeen ama la galiyay lacg gaadhaysa 4.5 million dollar, taaso oo maanta ay diyaaradahii waaweynaa ee caalamiga ahaa ay ka maageen ama ay soo fadhiisan kari waayeen Egal International Airport ee caasimada Somaliland, kadib markii la dhoo dhoobay ee lacagtii loogu talo galay ay dad gaar ah oo madaxweynaha ku dhow dhowi ay si qaldan u istcmaaleen ama lunsadeen.

 

Xaga dadkii qurbo jooga ahaa ee dalka fasaxa u yimid ee ku naaloonaayay in mustaqbalka dhow ay dalalka ay joogaan diyaaradahoodu ay Somaliland iman doonaan, ayaa iska daaye waxa loo daad gureeyay dadkii Berbera markii hore ka soo degay, xaga magaalada Jig jiga ee dalka Itoobiya si ay xagaasi uga dhoofaan kadib markii uu fashilmay dib u dhiskii madaarka Hargysi oo xukumadda Siilaanyo ay lacagtiisii cuntay

JigjigaAirport

Hadaba sawirkani waa Airport-ka Jigjiga, airport-kaasi oo hoosta laga bilaabay oo cusub ilaa run way-giisa iyo dhismihiisa oo heer caalami ah waxa lagu dhisay 3.5 million Dollar , halka hargeisa Airport dib u habeen yar oo qabyo ah oo aan la dhamystirin Runwayga ay ku baxday lacag dhan 4.5 million Dollar sidaasna uu sheegay wasiirka duulista iyo hawada.

.HargysaAirport

Sawirkan xaga hoose yaalaana waa madaarkii cusbaa ee Hargysa ee dib u dhiska lagu sameeyay, runtii qofkii mar uun arkay madaarka Hargysa waxa uu garan karaa in aan xitaa qaybtani uu wasiirka duulista iyo hawadu uu tusaayo ama marinaayo madaxweynaha iyo wasiradii xukumada xukumadiisa aan marna waxba laga qaban, xitaa qaybtani nuurad ama rinji lama marin.

 

Boobka iyo dhaca hantida umada ee xukumadda Siilaanyo waxa inagaga daran sida ay garaadkeena iyo indhaheena beenta ugu sheegayso, waana nasiib daro in hadh iyo habayn ay been inoo sheegaan Siilaanyo iyo wasiiradiisa uu aaminsanyahay ee aanu marnba xishoonaynin.

Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho Qarannews