Shiikh Fu’aad Shongole oo Jabuuti u jeediyey digniin ah in ay ku dhacdo tii Kenaya oo kale hadiii aysan ciidamadooda kala bixin Somaliya.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah masuuliyiinta Ururka Al-Shabaab oo ka hadlayey Masaajid ayaa digniin ujeediyay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Baladweyne.

Masuulkaan shabaab u qaabilsan dhinaca Dacwada ka sheegay Hadalkaan oo uu ka jeediyay Masjid ku yaalla Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole ayaa waxa uu si adag digniin ugu diray ciidanka Jabuuti ee la howlgalka Amisom qeybtana ka ah.

Sidoo kale waxaa uu Fu’aad Maxamed Qalaf sheegay in ciidamada Jabuuti aysan jirin wax hada ka dhaxeeya Somalinimo iyo Islaanimo intaba midkooodna maadama ay ka tirsan yihiin AMISOM.

Sheekha ayaa sheegay in hadii aysan la bixin Jabuuti ciidamadeeda ay ka shaleyn doonto wixii qabsada sidii ku dhacdey kuwii soo duuley oo kale ama kenaya ku dhacdey oo kale .

Ciidamada Jabuuti ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM, ciidankaasi oo xoogooda ku sugan magaalada Baledweyne.

Jabuuti hore ayey u sheegtay in wax baqdin ah aysan ka qabin Shabaab.

Al-Shabaab dhawaan waxa ay weerar ka geysteen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo ciidan ay ka joogaan Soomaaliya, weerarkaasi waxa ay ku macneeyeen mid jawaab u ah joogitaanka Kenya ee Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho