Shirgudoonka Shirka Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale oo Soo Saaray Warsaxaafadeed ay ku Shaaciyeen in Shirkii Furmayo 22-09-2013

Shirgudoonka Shirka Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale oo Soo Saaray Warsaxaafadeed ay ku Shaaciyeen in Shirkii Furmayo 22-09-2013

 

Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland…….

Hargeisa(GNS)Shirkii Hoodaale ee dhawaanahanba ay socotay hawliisa kala duwan ee uu u baahan yahay shirka beel weynta sacad muuse ee ka dhacayey degmada Agabar ee gobolka gabiley ayaa manta warsaxaafadeed ka soo saaray halka uu marayo qabanqaabada shirka hoodaale oo ay dhawaanahnba la sugayey in uu furmo ayaa waxaa warsaxaafadeed ku saabsan arintaasi ka soo saaray gudidii waday hawsha shirkan waxaanu u dhacay warsaxaafadeedkii sidan:-

Uj: War-saxaafadeed 18/09/2013

Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaaraynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degmada Agabar.
Sidaa darteed waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.

Afhayeenka Shirguddoonka shirka Mowliid Maxamed Muumin.