Shirkadda Pontus Marine Ee Ka Ganacsiga Kalluumaysiga Oo Maanta Si Rasmi Ah Loo Daah Furay.

image

(SM.Hargeisa) axa maanta si rasmiya loo daah furay shirkadda cusub ee Pontus Marine ee ka shayn doonta dhinaca kalluumaysiga xaflad ballaadhan oo maanta lagu qabtay Magalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay raxan wasiiro ah oo Gudoomiyaha golaha guurtida dadwayne kala oo farabadan ,

Shirkadan cusub oo dhawaan shaacinteedu ka dhacday gobolada dalka ayaa maanta waxa lagu daah furayey muwaadiniinta iyagu doonayay in ay sheer ku yeeshaan oo uu qof kaga qayb qaato inta uu awoodo,wasiirka madaxtooyada ayaa isagu aad ugu dardaaray ganacsatada iyo bulshada reer Somaliland in ay gacan ka gaystaan sidii khayraadka dalka looga faa`iidaysan lahaa khayraadka uu ilaahay dalkeena ku manaystay gaar ahaan dhinaca kalluumaysiga.

Gudoomiyaha shirkadda Garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali ayaa faah faahin iyo sharaxaad mugleh ka iftiimiyey shirkaddan ka shaqayn doonta dhinaca ka kalluumaysiga oo noqonaysa shirkaddii ugu horaysay ee nooceedan oo kale ah ee dalka laga hiirgaliyo,
waxa nuu sheegay in baddeena ay dul heehaabayaan kalluun kumanaan nooc ka kooban balse ay maanta dadkeena reer Somaliland ka qatanyihiin oo kumanaan kun oo tan oo dalalka dibadda laga keenaa ay dalka soo galaan sanad walba taasina ay tahay mid inagu waajib ah in aynu ka faa`idaysano khayraadkeena.
image
image
Dhinaca kale maareeyaha shirkaddan Pontus Marine LTD  Axmed Abokor Ayaa isaguna sharaxaad dheer ka bixiyey sida ay u shaqayn doono shirkaddani ama ay u hawl gali doonto,isagoo sheegay in ay tahay maalgashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyeen oo ay shaqooyin ka heli doonaan boqolaal qof oo reer Somaliland ah,sidoo kale waxa goobtaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda,gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale .
Salaanmedia/Hargeisa-Office