Sirdoonka Kenya Oo Su’aalo Laga Weydiinayo Weerarkii Westgate

Sep 30,2013 Kenya(SM)Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in madaxda hay’adaha sirdoonka iyo amaanka ee Kenya ay hortagaan Baarlamaanka dalka Kenya oo su’aaloo ka weydiin doona weerarkii Al shabaab ku qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate, Nairobi.

Qoraalo sir ah oo la shaaciyey kahor kulanka mas’uuliyiinta Amniga iyo Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in sanad kahor dowlada Kenya looga digay weerar ay Al Shabaab ku qaado isla xarunta Westgate, iyadoo sidoo kale laga digay in Al Shabaab qorsheenayso in dagaalyahano usoo dirto Nairobi kuwaasi oo adeegsanaya hubka daraandooriga u dhaca iyo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa horey ugu dhawaaqay in tilaabooyin laga qaado hay’ada sirdoonka iyo amaanka ee hawshooda kasoo bixiwaayey, halka kuwo kale ay ku baaqeen in isbedal lagu sameeyo guud ahaan hay’adaha amaanka ee dalka Kenya.

Salaanmedia/Mogdisho