Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shir Caalamiya Oo Ay Qaramada Midoobay Ku Qabatay Magaaladda New York. +Sawiro

(SM-New York) Wafti ka socday Somaliland ayaa ka qaybgalay sahir caalamiya oo ku saabsan waxbarashada, shirkan oo ay Somaliland uga qaybgaleen Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada Somaliland, Axmed Nuur Faahiye iyo  Suxufi Cali Salaan Ismaciil Jirje (Cali Shoonbe).

 

Raysal Wasaarihii hore ee Dalka Ingiriiska Gordon Brown oo hadda ah ergayga gaarka ah ee xogahaya guud ee QM u qaabilsan waxbarashada, ayaa ku casuumay Wasiirka tacliinta Somaliland  inay ka soo qayb gasho shirkan waxaana waftiga shirkan ka qayb galay ku tageen goobtaas casuumad rasmiya,  waftriga Somaliland ayaa u gudbiyay laba dhocument oo kala ah Somaliland five years Education Sector strategic Plan (ESSP) iyo Somaliland country paper, halka dawlada Soomaaliya aanay waxba la iman shirka isla markaana dawladda Maraykanku u diiday Wasiirka Horumarinta bulshada ee dawladda Xamar fiisaha dal ku galkeeda, iyadoo badalkeedii uu yimi Wasiirka maaliyada, kaas oo ay caqabad ku noqotay wixii uu sharxi lahaa maadaama oo aanu wax qorshe ah la iman madashii shirka.

Arrintan qorshe la’aanta dawladda Soomaalioya ayaa siisay fursad weyn waftigii ka socday  Soomaaliland, iyagoo halkaas ku gudbiyay rabitaanka  iyo baahiyaha waxbarasho ee yaala dalka Somaliland, taas oo  si fudud ugu  furtay dhagaha dadkii shirka joogay oo u badnaa dawladaha qaadhaanka bixiya, baanka adduunka, hay’adaha qaramada midoobay. Waxaana khudbad dheer uu dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay masuuliyiintii shirka ku sugnaa, Wasiiru dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare, Mud: Axmed Nuur Faahiye, halka  Cali Salaan Jirdeh (Cali Shoombe) uu isna ka jawaabay wixii suaalo farsamo ah ee looga baahnaa Soomaaliland, isagoo wasiirka ula socday hawlaha farsamada.

Shirkan waxaa  soo qabana qaabiyey ergayga waxbarashada u qaabilsan xoghayaha guud ee qaramada midoobay   Gordon Brown, waxaana ka soo qayb galay wasiirada Denmark iyo Norway u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, madaxa hay’ada Global Parnership for Education (GPE) Ms. Alice Albright, Madaxa Qadar foundation Sheekha Musa, boqorada Jordan Queen Rania. Shirkaas ayaa ku soo dhammaaday mudadii loo qorsheeyay waxayna waftiga Somaliland ku guulaysteen ujeedadii iyo qorshihii ay shirkaas la tageen.