Somaliland Oo Soo Dhawaysay Qorshaha EU-du Ugu Qoondeeyeen In Ay Gaarkeeda U Hesho Deeqaha

September 19th, 2013 Comments Off

Hargaysa (SM): Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysay qorshaha ay midawga Yurub ay Somaliland ugu qoondeeyeen in ay gaarkeeda u helayso qaybta ay xaqa ugu yeelatay deeqaha horumarineed, sida lagaga dhawaaqay shirkii 16-kii bishan ka dhacay magaaladda Brussels ee caasimada dalka Belgium.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN, isaga oo joogay Hargeysa, ayaa sheegay in qorshahan cusub ee loo yaqaano New Deal in uu yahay mid la doonayo in lagu maal-geliyo dawladaha soo koraya, isla markaana uu nidaamkani aad uga duwan yahay qorsheyaashii hore ee gargaarka.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrintaasi aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa, nidaamkan cusub ee la isla waafaqay ee la yidhaahdo New Deal, waa hab la doonayo in lagu maalgeliyo mashaariicda dawladaha yar-yar ee soo koraya, waxaana saldhig u ah in la haanshaha mashaariicda ay yeeshaan dadka loo samaynayaa, halka markii hore ay hay’aduhu go’aamin jireen, mashaariicda, imika mashaariicdii cid la siinayo iyada ayaa sheeganaysa waxa ay doonayaan, waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha uu nidaamkani kaga duwan yahay kii hore, deeq bixiyayaasha iyo deeq la siiyaha labaduba si wada jir ah ayay uga wada-hawl gelayaan, daba galkiisa iyo xaqiijintiisa. lacagtan waxa logu talo galay in lagu caawiyo wadamadda loo yaqaano kuwa soo koroya. Mashaariicda waxa cayimaya cida lacagta la siinayo ee loo hayn mayo, Somaliland-na ayaa la siinayaa awooda ah in ay go’aansato waxa la siinayo”.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in nidaamkan cusub ee deeqaha ay midawga Yurub ku maamulayaan ay meelo gaar ah u qorsheeyeen in wax lagaga qabto “Waxaana saldhig u ah nidaamkan cusub shan qodob oo shaqadiisu inta badan ku aadan tahay, meelaha uu abaarayana waxa ka mid ah madaxbanaanida siyaasadda, ama dhismaha siyaasadda, nabadgeliyadda, cadaaladda, bangiyadda iyo dhaqaalaha iyo adeegyadda bulshada, cashuuraha, waxyaabahaasi ayaa saldhig u ah mashaariicdan” ayuu yidhi wasiirku.

Dr. Sacad waxa uu sheegay in lacagta ay deeqbixiyayaashu ugu yabooheen Somaliland in qaybteeda loogu shubi doono sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu tilmaamay in meelaha ay u qoonyeeyeen in lacagtaasi ay wax kaga qabtaan ay ka mid tahay tayaynta sharci dejinta, diiwaan gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan sanadka 2015-ka.waxaanu yidhi “Waxaanu rajaynaynaa lacagtaa in la inoogu shubo sanduuqa horumarinta Somaliland oo imikaba jira, kaasi oo ay iska kaashadeen samayntiisa dawladaha Ingiriiska iyo Denmark, anagu waxaanu u qoranay ilaa toddobaatan mashruuc, waxaana ka mid ah mashruuc aanu doonayno in aanu ku xoojino ama lagu tayeeyo sharci dejinta wadanka, iyo mashaariic loogu talo galay diiwaangelinta codbiyayaasha, doorashooyinka soo socda ee sanadka 2015 iyo kaabeyaasha, sida beeraha iyo kuwo kale”.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in ay rejaynayaan in lacagtaasi ay Somaliland soo gaadhi doonto sanadka soo socda ee 2014, “Kolay muddo ayay qaadanaysaa lacagtaasi inta ay soo ururayso, laakiin markii aanu qoraynay codsiga, haddana waxa ay deeqbixiyaashu yidhaahdeen waxa aad ku cadayseen codsigiina waxyaabaha aad u baahantihiin in la idinka caawiyo sanadka soo socda ee 2014-ka, waxaanan ku rajo weynahay in bilawga ama hor dhaca lacagtu na soo gaadho horaanta sanadka 2014” ayuu yidhi Wasiirku.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN