Soomaaliya Oo Lagu Eedeyay Inay Xad-gudub ku hayso Barokaceyaasha Muqdisho

MUQDISHO (SM)-Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya, inay si xoog ah uga rartay tobannaan kun oo barkacayaal ah kaamam ay ku noolaayeen oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Siday faafisay shabakadda Hiiraan Online oo Taabacsan dawladda Soomaaliya, Warbixin ay hay’addu soo saartay maanta, ayay ku sheegtay in arrintani ay xad-gudub weyn ku tahay xuquuqda aadanaha, iyadoo xustay in ciidanka dowladdu ay dileen laba qof oo ka mid ahaa dadka ka soo horjeestay inay ka baxaan kaamamkii ay ku noolaayeen.

“370,000 oo qof oo hore uga soo barakacay abaaro, macluul iyo colaadihii Soomaaliya ka dhacay ayay dowladdu si khasab ah uga rartay kaamam ay ku noolaayeen oo Muqdisho ku yaalla,” ayay hay’addu warbixinteeda ku tidhi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sheegtay sababta dadkaas looga rarayo kaamamka ku yaalla Muqdisho inay tahay in dib u dhisi lagu sameeyo guud ahaa caasimadda, iyadoo intaas ku dartay in tallaabada barakacayaasha ay uga rarayso caasimadda ay tahay mid wanaagsan oo bilicdii magaalada dib u soo celin karta.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii January ee sannadkan ku dhawaaqday qorshe looga rarayo caasimadda barakacayaasha, iyadoo xustay inay dejin doonta duleedyada caasimadda.

Balse, Amnesty ayaa sheegtay in qorshahani uu yahay mid aad u wanaagsan, haddii dadkaasi ay ku helayaan goobaha la dajinayo ammaan iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee ay leeyihiin.

Hay’addu waxay sheegtay in ciidamada ammaanka dowladdu ay toogasho ku dileen wiil yar oo sideed jir ah iyo haweeney sagaal caruur ah lahayd 14-kii bishii Ogoosto, kaddib markii ciidamadu ay rasaas ku fureen dad ka dibad-baxayay in halkii ay deggenaayeen laga raro.

Amnesty ayaa warbixinteeda ku xustay in dad ay la xidhiidhay ay u sheegeen in laga burburiyay guryahoodii iyo alaabahoodii lagana saaray halkii ay ku noolaayeen iyadoo aan aqoon meel ay aadaan.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in guddi iyada la shaqeeya oo 21-kii bishii Ogoosto booqday kaamamka dadka laga saaray ay arkeen guryo fara badan oo la burburiyay.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo BBC-da la hadlay ayaa warbixintan si caro leh uga jawaabay, isagoo sheegay in tani ay tahay howl dowladda u taalla, ayna dowladdu horay u qorsheysay in laga saaro barakacayaasha magaalada Muqdisho dhexdeeda.

Hay’adda xuquuqul-aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay bishii Maarso in haween badan kufsi loogu geystay duleedyada magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku jireen qaar aad u da’yar.

Salaanmedia/Hargeysa