War Dag Dag Ah:Askar iyo Dad Rayid Ah Oo Ku Dhintay Weeraro Ay Kooxo Hubeeysan Ku Qaadeen Magaaloyinka Wajeer Iyo Mandheera Ee gobolka Waqoyi Bari Kenya

Sep 26,2013 Kenya(SM) Rag loo maleeynayo in ayihiin argagixiso ayaa weeraray saldhig boolis oo ku yaala magaalada Mandera ee dhacda xadka ay wadaagaan kenya iyo Soomaaliya,waxana ay dileen laba ka mid ah ciidamada booliska APga ee dalka Kenya,iyagoo dhaawacay sexed kale.

Raggan hubeeysan oo saaka aroortii weeraray saldhiga booliska ayaa sidoo kale gubay ilaa 11 gaaro oo goobta yaalay.

Booliska ayaa sheegay in todobo ka mid ah gawaarida ay si aad ah u gubteen.

Raggan hubeeysan ayaa gubay xafiiska taliyaha saldhiga booliska ee magaalada Mandera ka dibna baxsaday.

Taliyahiha booliska gobolka waqooyi bari Charlton Mureithi ayaa sheegay in raggan hubeeysan ay weerarka soo qaadeen waabarigii hore ee saaka xili ay hurdeen ciidamadii booliska ee ku sugnaa saldhigyadaasi.

“Waxa ay xaiisyada u geeysteen bur bur xoogaan iyo dhimasho ka hor inta aysan baxsan,laakiin waxa aan rajeeynayaan in la soo qaban doono,” Ayuu yiri Charlton Mureithi .

Ragga hubeeysan ayaa la sheegay in waqti kooban ay ku sugnaayeen gudaha saldhiga booliska ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen,ciidamada ay ka toogteen meel dhaw.

Sedaxda askari eek u dhaawacantay weerarka ayaa loo qaaday magaalada Naiorbi si loogu soo daweeyo.

Weerarkan ay kooxaha hubeeysan saaka aroortii ay ku qaadeen magaalada Mandera ayaa yimid saacado ka dib markii ay xalay fiidkii ay kooxo hubeeysan weerareen magaalada Wajeer oo ka tirsan gobokka waqooyi bari Kenya.

Hal qof ayaa shintay afar kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu qarax ka dhacay magaalada Wajeer,iyadoo qaraxa ka dibna la maqlay rasaas.

Booliska ayaa sheegya in kooxo hubeeysan in labo bom gacmeed lagu tuuray dad meel fadhiyay,ka dibna booliska ay rasaas is-weeydaarsadeen kooxihii soo tuuray.

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday uu dhaawacmay ka dibna ay ciidamadu soo qabtee,waxana uu booliska ka caawin doonaa baaritaanka lagu hayo arrintii xalay dhacday.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee degmada Wajir Isaiah Odhiambo ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka magaalada.

Weeraradan ka dhacay magaalooyinka gobolka waqooyi bari Kenya ayaa yimid xili dalka Kenya uu ku jiro sedax maalin oo baroordiiq qaran,taasi oo loogu murugoonayo dadkii ku dhintay weerarkii qaatay afarta maalin oo ay kooxo argagixiso ah ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

Dhinaka kale taliyaha ciidamada booliska ee dalka Kenya David Kimaiyo ayaa maanta isku shaandheeyn qaar ka mid ah taliyaasha booliska ee gobolada dalka Kenya.

Henry Barmao ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada booliska ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya oo ay soomaalidu degto,waxana uu bedelay Charlton Mureithi oo horoy xilkaasi u hayay.

Mr Yaa Baya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee gobolka Eastern,waxana uu bedelay Marcus Ochola oo loo badalay xarunta tababarka ciidamada booliska halkaasi oo uu taliye ku xigeen ka noqon doono.

Salaanmedia/ Kenya