War Dag Dag Ah:Axmed Madoobe oo ka Badbaaday Qarax lagula Eegtay Magaalada Kismaayo

War Dag Dag Ah:Axmed Madoobe oo ka Badbaaday Qarax lagula Eegtay Magaalada Kismaayo

Sep 12,2013 Kismaayo(SM) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo uu la socday oo mareeysay aargada magaalada Kismaayo.

Inkastoo wali aysan wax faahfaahin ka soo bixin qaraxa lala eegtay Axmed Modoobe wararku waxa ay sheegayan in qaraxa uu geeystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Axmed Modoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo,ka dib maalmo uu ku sugnaa magaalada muqdisho oo uu kula kulmay madaxda dowlada soomaaliya.

Salaanmedia/ Kismaayo

wixii faafaahin ah ee ka soo baxana kala soco shabakada caalamiga ee cadceed.com