War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo goob fagaare ah goordhaweyd ku toogatay labo Nin oo ay Eedeemo kala duwan usoo jeediyeen

news

Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhaweyd goob fagaaro ah oo kutaala Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan waxa ay ku toogteen labo nin oo ay u eedeeyeen Falal la xadhiidha Jawaasiisnimo iyo Burcad.

Dilka ayaa ka dhacay Goob Fagaaro ah waxaana isugu soo baxay Boqolaal Dadweyne , waxaa sidoo kale goobta joogay hadalana ka jeediyay saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Labada Nin ee la toogtay ayaa mid kamid ah Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu ahaa jaajuus la shaqeenayay Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya kusugan.

Shabaab ayaa sidoo kale ninka kale waxa ay ku eedeeyeen in uu dad socoto ah jidka u galay uuna dhac u geestay sidaana uu ku muteestay in Dil lagu xukumo.

ma jiro cadeemo dheeraad ah oo ku beegan eedeemaha ragaan Al-Shabaab Maanta ku toogteen Degmada Buulo Burte loo hayo marka laga reebo eedeemaha Shabaab ragaan usoo jeediyeen uguna dambeyna u toogteen.

Salaanmedia/Mogdisho