WAR DEG DEG: Cali Dheere oo ugu baaqay xoogaga heysta Westgate inay tallaabo qaadaan

alshabaab

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howl galka labada maalmood qaatay ee ka socda dhismaha suuqa ganacsiga ee Westgate ee ku yaala magaalada Nairobi, halkaasoo dabley hubeysan ay gudaha ugu jiraan, iyagoo dad maxaabiis ahaan u heysta.

Cali Dheere ayaa sheegay in xoogaga galay xarunta ay wali heystaan, isagoo intaa ku daray in Ciidamo ka socda Israa’iil ay isku dayeen inay xoog ku galaan dhismaha Westgate, hase ahaatee ay u suura geli weyday, isagoo uga digay inay leyn doonaan dadka ay maxaabiista u heystaan.

“Mujaahidiintu fasax ayay u qabaan in ay talaab ka qaadaan maxaabiista hadii cadawga isku dayo inuu cadaadis saaro”ayuu yiri Cali Dheere.

Xarakada Al-Shabaab oo goor dhow laga xiray bartooda Twitter-ka ayaa si toos u tabineysay waxa ka socda dhismaha, iyadoo marba xidhiidh la sameyneysay dableyda hubeysan ee dhismaha ku jirta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hada dhismaha sare  laga maqlayo rasaas, iyadoo ciidamada ammaanku sheegayaan inay suura gal tahay in howl galka caawa ay soo gaba gabeeyaan.

Ilaa 68-ruux ayaa ku dhimatay weerarka toogashada ee shalay ka bilowday dhismaha suuqa caanka ah ee Westgate, iyadoo in ka badan 30-saacadood ay ciidamada la hardamayeen xoogaga hubeysnaa ee dhismaha ku jiray.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Salaanmedia/Mogdisho