War deg-dega..Bangiga Barclays Bank oo joojiyey dhamaan xidhiidhkii ka dhaxeeyey xawaaladdaha Soomaalida mudo laba todobaad gudahood ah.

Barclay bank

Kulan maanta  London ka dhacay  oo ku saabsanaa go’aankii Barclays Bank uu ku joojinaayey xidhiidhkii lacag dirista ee ka dhaxeeyey xawaaladda Soomaalida iyo Barclays Bank ayaa kusoo dhamaaday guul daro tasoo macnaheedu yahay in mudo laba todobaad ah gudahood uu ku xidhi donaan accounkii xawaaladdaha Soomaalida gaar ahaan Xawaaladda Dahabshiil  oo xidhiidh ganacsi oo aad u balaadhan uu ka dhaxeeyey,

Waxa aynu la soconay in mudooyinkii ugu danbeeyey uu jirey dedaal fara badan oo lagu dalbanaayey in go’aanka uu qaatay Barclays Bank uu ka noqdo.Waxayna ku beegantahay maalinta Isniinta 30.9.13 wakhtigii kama danbeysta ahaa ee markii hore la siiyey in Accounka Xawaaladdaha lagu xidho.Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa Salaanmedia u xaqiijiyey in kulankaas oo maanta ka dhacay badhtamaha London  uu kusoo dhamaaday go’aan ah in laba todobaad gudahood lagu xidho accounkii xawaaladdaha Soomaalida.

Waxa ay ku tahay dhabar jab aad u balaadhan dadka Soomaalida ah ee dalkan Ingiriiska degan iyo aduunka oo dhan oo dadkooda xawaaladdaha lacagaha u mariya,inkastoo ay jiraan xawaalado kale oo lacagta si caadi ah u diri kara kuna dira bangiyo kale oo aan ahayn Barclays  iyo weliba qaarkale oo nooc online ah ku diri kara.Hadana waxa xidhista accounka Barclays uu keeni karaa in bangiyada kale ee dalkan ka hawlaga ay tasoo kale qataan tasoo dadka Soomalida ku ah dhibaato weyn.

Waxa aanu idiin soo gudbin doonaa wixii kasoo kordha joojinta Banka Barclays Insha Allah qaybahayaga danbe.

 

Salaanmedia/London

info@salaanmedia.com