Warbixin..Doorashadii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh guul mise guuldaro?: SAWIRRO

xasansh-8Maanta oo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorasho xor aheyd oo ay ku tartamayeen Musharaxiin badan oo doonayay iney qabtaan hoggaanka dalka, hase ahaatee waxaa ugu danbeyntii ku tartamay Madaxweyne Shariif Sh. Axmad iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaasi cid saadaalineysay inuu kusoo baxo aysan jirin.
Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho 10-kii September 2012 waxay aheyd markii ugu horeysay muddo sodon sano ka dhacdo dalka gudihiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa ugu danbeyntii 190-cod kaga guuleystay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo helay 79-cod.

Sheekh Shariif si geesinimo leh ayuu guuldarada ku dhacday u qaatay, wuxuuna u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub isagoo xilka si sharaf leh ugu wareejiyay.

Intaas kadib Khudbadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay xafladdii caleema saarkiisa wuxuu kaga hadlay yoolkiisa siyaasadeed oo uu ku sheegay iney yihiin qodob oo ugu magac daray Lixda Tiir ee Dowladda ahmiyada koowaad siineyso, taasoo ugu horeysay amniga, hadaba maxaa ugu qabsoomay arrimahaasi? iyo su’aallooyin kale ayaa dadka isweydiinayaan.

Shacabka Muqdisho ayaa u arkay ballan qaadkii Madaxweynaha ee wax ka qabashada amaanka ineysan waxba ka soo mira dhalan, waxaana sii xoogeystay Weerarada ismiidaaminta ah ee lagu qaadayo xarumaha loo arko iney dhabar jab ku tahay Dowladda, sida weerarkii lagu qaada Maxkamadda Gobolka Banaadir, xaruntii UNDP, dhismaha Safaaraddii Turkiga Shaqaalahooda deganaa iyo kuwo laga fuliyay meelo ay shacabka ku badnaayeen, dhamaantoodna Dowladda dhaliilo ayey ku kasbatay.

Dhanka arrimaha dibada ayey amaan iyo bogaadin ku heshay Dowladda markii ay adkeysay soona celisay xiriirkii caalamiga ahaa ee lumay 20 sano ka hor, guushaasi oo ku timid dadaal iyo juhdi ay Madaxda Dowladda geliyeen.

Booqashadii uu Madaxweynaha ku tegay Washington ayaa la dhihi karaa waxay horseeday guusha ay Dowladda hadda ku taagan tahay, waxaana durbadiiba uu Mareykanka aqoonsi buuxa uu siiyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kadib kulankii Madaxweynaha Mareykanka iyo SOmalia dhex maray.

Shirarkii caalamiga ahaa ee lagu qabtay Londan, Brussels, Tokyo iyo Stambul ayaa iyagana xusid mudan iyo guulihii ay Dowladda kala soo noqtay.

Dhanka arrimaha gudaha ayaa dowladda mudadii ay jirtay waxay kala kulantay caqabado haba ugu adkaatee arrimihii Jubbooyinka ee muranka badan dhaliyay, hase ahaatee aakhirkii tanaasul iyo wada hadalo badan oo dhinacyadii isku haayay ay ka gaareen ayaa waxaa la dhihi karaa waa guul ay dowladda ka gaartay dhanka dib u heshiisiinta.

Sidoo kale waxaa xusid mudan wada-hadaladii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland oo meel wanaagsan ay marayaan kuwaasi oo weli qabyo ah, balse loo balansan yahay in halkoodii laga sii wado.

Caqabada aan weli dowladda xal u helin ayaa waxay tahay muranka Puntland oo xidhiidh u jartay Dowladda Federaalka, iyadoo tabaneyso, in wax laga badalay qodobo ka mid ah dastuurka, hase ahaatee arintaasi ay u muuqato mid caqabadeeda ku fadhida.

Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah arrinta Wadaadka lasoo gacan geliyay ee Xasan Dahir oo weli xal laga gaarin arrimahiisa, waxayna dowladda ay muujisay damacsanaan cafis loo fidiyo, hase ahaatee uu Xasan Dahir ka dhega adeegay shuruudihii lagu xeray cafintiisa, kaasoo doonayo inuu awoodii siyaasadeed sii lahaado.

Madaxda Dowladdihii ka horeeyay ee KMG oo looga bartay iney khiaafyo ragaadiyay howlihii Qaranka ayaan Dowladdan cusub lagu arkin, waxaana mas’uul walbo uu muujiyay aqoon, karti iyo in si wada jir ah loo wada shaqeeyo, wixii khilaaf dhalin karana meesha laga saaro.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadii sanadka ee uu awooda dalka Haayay wuxuu la kulmay dhaliil iyo amaan intaba isugu jira, waxaana horyaala caqabado badan oo u baahan in la wajaho sidii looga gudbi lahaa. Hambalyo Xasan Sheekh iyo xubnaha Dowladda.