WARBXIN: GUDIDA JOOGTADA EE GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND

WARBXIN: GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND

 

Gudida joogtada ah ee golaha guurtida oo shaqaynaayay mudadii  u dhaxaysay 6aad gudida joogtadu iyaga oo gudanaaya hawlahooda shaqo waxay la kulmeen masuuliyiin tani oo ay u arkeen inay mudan yihiin in lala kulmo.

Gudida joogta ah ee golaha guurtida iyadoo kal fadhiga 51aad ugu tala gashay in halkii ay ka xog waraysan jirteen masuuliyiinta dawlada u baddalay I la is waafajiyo war bixinahii hore ee ay gudi ahaan dhagaysteen wax qabadkii ka hir galayna lasoo gudbiyo,taasi kalfadhigani culayska saareen xaruumaha hay adaha dawlada 16 ka mid ah kuwaasoo dhisme yaal cusub laga hirgaliyay oo isgu jira dhismayaal waaweyn kuwo dhexe halka qaar kalena qorshaha ugu jirto in dibu habaynlagu sameeyo iyo shaqalaaha ka hawl gala goobahaasi.

 

Waxaynu kawada dhereg sanahay sida uu dhigaayo xeerka shaqaalaha dawladu goobaha adeega dawlada isla markaana ah goobaha shaqada ee ay ka hawl galaan, hawl wadeenada dawladu waa in ay noqdaan goobo loogu adeegim karo qaranka; iyada o laga heli karo adeega ay bulshadu uga baahan tahay goob shaqo, hadii ay tahay shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha mid raali galinaysa.

Golaha guurtida somaliland

 

Dhanka kale waxaa iyana aan meesha ka maqnayn in shaqaalaha dawlada ee meesha joogaa inay yihiin kuwo taba baran shaqada ay qaranka u hayaan iyadoo warbixinahii ugu danbeeyay ee aynu layeelanay hay adaha shaqaalaha dawlada ay ahayd in imtixaan ay galiyaan intii hadhsanayd; mudadii ay xukuumadani xilka haysay ayna shamaystiraan shaqaalahii dawlada ee aan hore ugalin imtixaana.

Sidaasi daradeed waxaa iyana in laxuso u baahan in dalka laga hirgaligeliyo machadka tababarka shaqaalaha dawlada, kaasi oo kaalin mug leh ka qaatay taba barka iyo tayada shaqaalaha dawlada mudadii uu shaqeynaayayna ay kasoo baxeen shaqaalo badani oo aqoon tii ay barteena uga faa’iideeyay bulshadeena.

        I.            Talo soo jeedin is barbar dhiga nuxurka waxii hore jiray iyo maanta heerka ay marayso iyo waxa loo baahan yahay;-

     II.            In Goobaha adeega dawlada Sida wasaaradaha iyo Xafiisyada hayadaha dawladu ay maanta yihiin kuwo ku dhaw heerkiim looga baahnaa dal u diyaara ictiraaf marka laga reebo dhismaha cusbitaalka hargeysa oo aan isagu dhisme ahaa aan ku haboonayn cisbitaal caasimadeed marka laga eego xaga dhiosmaha qaabkiisa oo yar dhulka uu ku fadhiyo aad uwayn loona abahan yahay in dhisme ku haboon laga dhiso,

  III.            In shaqaalaha dawlada marka loo eego bilawgii iyo dhex dhexaadkii intiin Somaliland jirtay ay maanta tahay heerkii ugu fiicnaa ee shaqaalaha dawladu uu gaadhay, hadii ay tahay tiradooda,tayadooda aqooneed iyo gunnada ay qaataan oo dawlada iyo heerka noloshooduba aad nu kacdayn oo shaqaale hore uga tagay hay adaha dawladu ay inaka kusoo yaaceen araajina usoo qortaan.

  IV.            In qodobadaa kor ku xusani ay xidhiidh la leeyihiin ictirafka Somaliland xukuumad, goleyaal iyo dadweynaba in loo diyaar garoobo doorka uu yeelan karo ictiraaf.

 

Hadii ay tahay diyyaarinta xeererka saamaynta ku leh ictiraafka ee la inagu qiimayn karo.

1.Hadii ay tahay dhulkii aynu dajin lahayn Safaaradaha inoo imanaaya ku tala galka qorshahahmustaq balka dhaw.

 

2.Hadii ay tahay adeegya xidhiidhka caalamiga ah ka qayb qaata sida bankiyada iwm.

 

3.Hadii ay tahay in Somaliland si nabad gelyo leh xuduudaheeda iyada oo kasbanaysa bulshada u gaadhi lahayd.

 

Allaa Mahad leh

 

X.C/kariim Xuseen  Yuusuf                         C/Naasir Adan Beegs

Gudoomiyaha Gudida Joogtaad ah         Xoghaya G. Joogtada