Wareysi Jibriil Ibraahim Cabdulle Madaxa CRD by Cabduikariin Calikaar 20 19 2013

September 20, 2013 (SM)— Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah aqoonyahannadii ka qeybgalay shirkii New Deal ee Soomaaliya loogu qabtay xarunta Midowga Yurub Brussels ayaa wareysi ku saabsan shirkaas waxaa uu siiyay TV-ga Somali Channel oo faa faahin kabixieyey waxyaabaha ku duugan ama ku xeerma markasta oo shiararka noocan oo kale ah loo qabto wadamada ka soo kabanaya dagaalada sokeeye. Jibriil oo shirka ka hor si dhab ah u saadaliyey natiijooyinka shirkan ayaa hadana waxaa uu qeexay sida sida ugu haboon ama dariiqyada loo mari karo si loo hantiyo loona maareeyo yaboohda caalamku ku deeqeen.