Wasiir xilkiisu Biriij U Noqonayo Xidhiidh Wanaagsan Oo Dhex Mara Xukuumadda Iyo Saxaafadda Madaxa-banaan

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waa rugcadaa wayn oo inbadan kusoo dhexjiray arimaha bulshada,waa mujaahid waddanka u soo halgamay isla markaana aqoon dheer u leh qaybaha kala duwan ee saxaafada ,mahaa nin looga war waro xilkiisa wasiir nimo bal

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Maaha qof manta la yidhaahdo uma qalmo xilkiisa wasiirnimo gaar ahaan wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta .

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waa rugcadaa wayn oo inbadan kusoo dhexjiray arimaha bulshada, waa mujaahid waddanka  usoo halgamay isla markaana aqoon dheer u leh qaybaha kala duwan ee saxaafada ,mahaa nin looga war waro xilkiisa wasiir nimo bal e waa xilkas ka soo bixi kara xilka uu haatan hayo iyo hadii xil kasii sareeya loo igmado.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu aqoon dheer u leeyahay maamulka iyo sida loo hago barnaamijyo u baahan harumarin balaadhan mana

 

aha xilkii ugu horeeyay ee uu qabto tan iyo markii uu ka qalin jabiyay jaamacadii Umadda Somaliyeed ee uu ka bartay Cilmiga Dhaqaalaha.

 

Hadaba waxay somalidu ku maahmaahda ?Baqali ma Dhasho wax dhalana ma doonto? taas waxa ka dhiga inanka yar ee lagu magacaabo ?Cabdicasiis Bashiir Nuur? oo aflagaada iyo hagardaamada la daba jooga masuuliyiinta qaran isla markaana  soo galinaya Website sida HALBEEGNEWS isaga oo sidaan filaayo hankiisu yahay in dadka madaxda ah wax laga sheegaa ay tahay sifooyinka lagu soo caanbaxo ,ujeedada kaliya ee uu leeyahayna ay tahay taas.

Bulshada waxba uguma filna isla marklaana waxa uu doonayaa sidii uu u habaabin lahaa hanka iyo yoolka umada uguna mashquulin lahaa cayda iyo aflagaada masuuliyiinta qaranka.

Inankan yar ee aan umada waxba ugu filnayni ma doonaayo cid umada wax u tarta waxaanu ka dhigan yahay maahmaahdii aan hore kusoo sheegay ee ahayd ?Baqali Ma Dhasho Wax Dhalana Ma Doonto?.

Cabdilaahi Maxamed Daahir wasiirka wasaarada warfaafinta Dhaqanka Iyo wacyi galinta Somaliland Waxaynu daalacan karnaa dibna ugu noqon karnaa Waxqabadkiisa badan ee aan layska indha tiri Karin ee uu madadii yarayd ee xilka wasiirnimo uu hayay u suurto gashay.

Waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa oo aan leeyahay Cabdilaahi Maxamed Daahir  waxbadan taariikhdu way ku xusi doontaa baalka dahabka ah ee aad ka gashay dhanka waxqabadka iyo maamula wanaaga alle kugu galaday.

 Qalinkii : Hassan Ahmed

Email, Xasan10001@hotmail.com

  Mob : 0634116969