WASIIR XIRSI X. CALI WAA WASIIRKA UGU DULQAADKA BADAN WASIIRADA SOMALILAND WAANA WASIIR MARKASTA GANTAALO LAGU RIDO W/Q FARHAN MOHAMED SULTAN NUR (RAKAD)
Waxaan marka hore u mahadnaqayaa ILAAHA ina siiyay awooda aynu wax ku qorno waxna ku akhrino kuna kala garano xumaha iyo samaha.
Intaa ka dib waxan aad u salaamayaa bahda saxaafada ee madaxa banan iyo akhristayaasha kala duwan meelkasta oo ay joogaan.
Waxaan ku boogaadinayaa dhamaan bulshada reer Somaliland inay ka fogaadaan hadalada xun xun ee dawlada wax u dhimaya niyad xumana ku ridaya , waxaana wanaagsan inaynu dawladeena iyo madaxdeenaba xaq dhawrno kuna xaq dhawrno xilkay hayaan, qofkasta oo xil ka haya dawladu hadduu ka baxo ballankii, daacadnimadii , sinaantii, ilaahay dartii aynu uga hadhno mar hadaynaan cay, iyo aflagaado waxba kaga qaadin Karin. Qofkastaaba wuu is og yahay wuxu galabsaday aakhirana wuu garan karaa xaguu kaga hagaagayo.
intaas ka dib waxaan xooga ka taaban doonaa WASIIRKA MADAXTOOYADA XIRSI XAAJI CALI oo in badan bulshada Somaliland hadal hayso isagoon waxba galabsan cidna waxba ku samayan laakin dadku ka shakisan yihiin iyo sidii shakigaa aynu iskaga saari lahayn ayaa loo baahan yahay.
Waxaan In badan maqlayay xumaanta laga sheego ee lagu hayo wasiir xirsi x.cali taas oo aan In badan u kuur galay sababta looga sheego waxaanu samayn wasiirku, dabadeedna ay noqotay un tuhun la tuhmay oo kaliya laakin aan wax cadayna lagu hayn wasiirka oo ah wasiirada ugu shax shaxda badan inta wasiir jirta ayaa hadana waxa markasta saamaysa in lagu idhaa hadalo kala duwan hadaladaas oo ay ka imanaya bulshada reer Somaliland qaarkood hadana markaad dhinac eegto waxaad aad ula yaabaysaa waxay dadkaasi ku hadlayaan iyagoo ilaabay in masuul qaran inagu leeyahay ixtiraam iyo xaq dhawr laakin aan marnaba naga mudnayn in la caayo masuuliyiinta kala duwan ee dawlada taasna waxaan u arkaa in aan cayda meel lagu gaadhin laakin laga qaado cudur nafsi ah oo naftaada dib ugu noqonaya.
Wasiir xirsi waa wasiir dhalin yaraa waana nin karti iyo hadal wanaag ilaahay ku manaystay kaas oo caan ku noqday inaanu afkiisa cidna ugu jawaabin, waa wasiir diin iyo dadnimo intaba leh waana wasiir diin leh kana muuqato diinta iyo nuurkuba umaduna ay wax badan u shaqaysan oo ajar ah .
Somaalidu waxay ku maah-maahdaa samraa sadkii hela , wasiir xirsina wuxuu u samray waxkasta oo lagu idhaa taasina waxay sababtay inuu dad badan ka badiyo oo ay yaaban , jawaab la,aanta ay kala kulmaan.
masuulku markasta wuxuu u taagan yahay cay, iyo amaan labadaba , inagu laakin Somali ahaan waxay ka eegnaa wax walba xaga xun waxaana aynu nahay dad ku nool waxa la idhi laakin aan marnaba xaqiiqda ku taagnayn oo aan marka ay cid wax ka sheegayaan aan u hayn wax cad oo markhaatiya. Si kastba ha ahaatee waxaan in badan maqlayay dad badan oo fikirkooda dhiibanaya kolayna marka dadku fikrad dhiibanayaan labadaba waa la arkaa xumaan iyo wanaag laakin dadkeenu waxay u badan yihiin dad markasta faafiya wixii xun ee dhacay markastana aan sheegin wixii wanaagsan wanaagsan ee la qabtay ama ay yartay wanaag sheegistu.
Wasiir xirsi x.cali waa wasiir markasta heegan ugu jira inuu ummada ka qabto qofkasta oo musuq raadinaya waana nin cibaado iyo diini labaduba ka muuqato anigu markii hore waxaan la fikir ahaa dadka ka soo horjeeda laakin waxaan wax badan ka soo ogaaday in uu yahay nin ilaahay dadka jeclaysiiyay oo afka un ku haya, waxaanay markasta u shaqeeyay ajar ileen waatan lagu diray dadkiiye qaar badan waxay aamin san yihiin inuu yahay madaxweyne qaar badan waxay aamin san yihiin inuu yahay wasiir qaarna waxay aamin san yihiin inuu dalkaba isagu ka taliyo laakin arinku sidaa maaaha waa wasiirkii madaxtooyada Somaliland waa wasiir ay markasta xidhiidh wanaagsan ka dhexeeyaan madaxweynaha qaranka mudane ahmed maxamed maxamuud siilaanyo waa wasiir ay shaqadiisu tahay madaxtooyada iyo wixii soo gala iyo wixii arina ee ka socda wasiirka la sii mariyo iyadoo taaasi jirto ayaa hadana waxa dadku aamin san yihiin inuu yahay wasiir haya xilkiisa xil ka wayn laakin taasi waa tuhun ay dadkeenu qabaan.
WAXAAN hadaba walaalahayga qaaligaa ee akhristayaasha u sheegayaa in aynaan ku dambaabin cid aynaan markhaati ka ahayn oo aynaan wax wara oo saxsan ka haynin oo aynaan dadkeena ka dhaadhicin waxaan jirin waxkastana ay wnaaagsan tahay in wanaaga laga raaco oo wixii wanaagsan la faafiyo.
Intaa waxa dheer WASIIR XIRSI WAA WASIIR AYNU INBADAN WAXKASTA KU NIDHI ISAGUNA UU AFKIISA ISKA HAYSTAY ISAGOO AWOOD U LEH INUU SAMEEYO WAXKASTA OO LA QUMAN.
Dawlada Somaliland ee haatan talada inoo haysaana waa dawlad aynu dooranay kuna dooranay jeclaansho iyo jacayl cidkastana uga hiilinay imika aynu ku noqonay maskii jaqayay taas oo haddii aanu ka soo horjeedsano ayna waxba qabsoomayn , una baahan wada shaqayn in lala sameeyo oo aynu kala shaqayno meelkasta oo baahi ka jirto iyo meelkasta oo horumar u baahan, xaqiiqdu siday tahay dawlad aan wali la citiraafin oo awoodeedu hoosayso oo hadana wax badan qabatay , waxa ay inooga baahan tahay waa in aynu la shaqayno , hadaynu caynana waxba maynaan hagaajin, hadaynu si wanaagsan ula shaqaynana waxkasta waa aynu qabsna karnaa oo waa aynu gaadhaynaa hadafkeena iyo hiigsigeena sida daraadeed waxaan ku soo koobayaa Afxumo Nabad way kaa kaxeysaa Colaadna waxba kaagama tarto sidaa daraadeed aynu hagaajino afkeena kana adkaano wixii ka soo baxayay oo aynu u samayno control.
ALL IN ALL waxaan ku soo koobayaa hadalkaygan wasiir xirsaw waxaad naga mudan tahay ixtiraam,sharaf, qadarin, iyo la shaqayn ,adna waxaan kaa mudan nahay inaad noo adkayso cadaalad iyo wax qabad taas oo dadka kaaga dhigaysa qaar ku laba laaba jecelkay kuu hayaan , waxaanan wasiir ku leeyahay waxaad markasta iska jirtaa waxkasta oo laga dhex arki karo qabyaalad taas unbaa ugu daran , taasna waa mid aan lagugu sheegi Karin
N.B
Aynu ka waan tawno waxkasta oo sharaf daro inoo ah
Aynu dhawrno sharaf madaxdeena kala duwan iyo ta dawladaba
Information about the author
Farhan Mohamed Hassan sultan nur (Rakad)
Email: farxaanmxd@gmail.com
TELL: 252263–4400319
Hargeisa
Social activist
Thank you all
Post number: RP46