Wasiirka Duulista iyo Hawadu wuxuu ku sheegay raga ku jira Madasha Wadatashiga iyo Toosinta dad fadhi ku dirir ah oo aan aqoon lahayn:

Jawhari

Horta aad ayaan uga xumay nin Wasiir ah in hadaladaas oo kale ka soo yeedhaan oo ku tilmaamo ragii dalkan xoreeyey fadhi ku dirir aan aqoon lahayn isagoo lawada ogyahay oo markhaatiyadi joogaan markii 1986kii uu SNM qoriga kala soo baxsaday.  MWT anigay waxay ii xilsaareen arrinta Madaarada iyo lacagaha ku baxay, horta anigu waxaan haystaa degree dhismaha ah QUANTITY SURVEYOR  oo aan ka qaatay Sheffield Hallam University 1993 markaa aqoon baan u leeyahay qiimeynta dhismaha.  Qayb kasta oo ka mid ah arrimaha bulshada dad aqoon xeel dheer u leh ayaa ka tirsan Madasha Wadatashiga iyo Toosinta. Aniga iyo Gud. Hasan Guure iyo Cumaani oo ka socdey qolada dhistay garoonka ayaa soo wada eegnay garoonka Hargeysa 17/9/2013. Wasiir adigu waxaad ka warantaa lacagta madaarada laga qaado dadka dhoofaya iyo kuwa soo dega ee aad tidhi madaarka Hargeysa ayaan ku dhisay  halka aad ku dhistay iyo lacagtu intey tahay. Waxaad ka warantaa lacagtii aad ku iibisay dhismihii dawladda  ee aad hadana kirada ugu jirtid ma dhismahan qabyada ah ayaad ku dhistay $800,000.00 Khaladka madaarka ka dhacay waxa ka mas’uul ah Wasiirka Duulista iyo Hawada sababahan dartood:

Garoonkii oo weli gacanta lagu hayo oo aan deyrkii la dhisin ayuu furay oo yidhi wuu dhanyahay

 

Laamigii (Runway) oo aan la kordhinin dherekiisa ayuu amray in diyaaradaha waaweyni soo fadhiistaan.

 

Wuxuu ku amraya diyaaradaha Somalidu maamusho (Daalo, Africa, Juba) iney shidaalka ka qaataan Djabuuti ama Berbera waayo diyaaradahaasi kama kici karaan runweyga gaaban hadey wada buuxaan  oo shidaalku u buuxo.

 

Hadaba waxyaabahaas iyo aqoon daridaa ayaa sababay in diyaaradii Ethiopia joojiso duulimaadyadii Somaliland markii loo diiday iney isticmaasho madaarka Berbera.  Wasiir markii aad 1986kii SNM qoriga kala soo baxsatay SNM  hadana 2002kii adigoo xidhibaan ah ayaad Somaliland ka baxsatay oo iska dhiibtay Ingiriiska. Waxaad ogaataa adigoo labadaa jeer khiyaameeyey dadka iyo dalka Somaliland in hadana wasiir lagaa dhigay.

 

Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa labada  wasiir ee ku fashilmay mashaariicdii dalka inuu eryo maxkamadna horkeeno  hadaanu u eegeynin qabyaalad, wassiradaas oo kala ah:

 

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo ku fashilmay shirkadii Shidaalka ee Genel.

 

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo ku fashilmay dhismihii madaarada.

 

                                                                       

 

Ahmed-jowhary

 

Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka