Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji “Bulshadu Markii ay Aragtay Sida Xukuumaddu u danaynayso Waddooyinka ayay dhamaan u kaceen Samaynta Wadooyinkooga”

“Bulshadu Markii ay Aragtay Sida Xukuumaddu u danaynayso Waddooyinka ayay dhamaan u kaceen Samaynta Wadooyinkooga”

HARGEYSA (SM)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeeyay Isniintii Todobaadkan Golaha Wakiiladda horgeeyay xeer-nidaamiye la yidhaahdo xeerka waddooyinka Somaliland oo qasdiga loo abuuray tahay sidii dhaqaale ku filan loogu hindisi lahaa taabo-gelinta jidadka dalka.

Wasiirku waxa uu arrimaha xeerkaasi ku faahfaahiyay khudbad dheer oo uu ka jeediyay Golaha oo uu hortagay mar kale Isniintii, waxaana khudbadaasi oo lagu daabacay mareegtiisa guusha.comay u dhignayd sidan:-

“09/09/2013, Waxaan mar kale ku faraxsan nahay in aan hortago Golaha Sharci dejinta ee Dalkeena Somaliland si aan warbixin kooban uuga siiyo isla markaana Sharaxaad uuga bixiyo Xeerka Horumarinta Wadooyinka, waa astaan dawladnimo iyo sharci dastuuri ah in Golahu marba masuulka uu doono u yeedho si uu warbixin uga dhagaysto Su’aalaha mad-madawga kaga jiraana uga bogtaan si halkaa looga sii wado Geediga Horumarka badan ku socda ee Qarankeena tisqaaday.”

Xeerka horumarinta wadooyinku waa xeer xukuumadu soo gudbisay isla markaana golaha Wasiirradu u codeeyeen, mudanayaal sida aad ka war haysaan xeerarka proccess ka sharci ee ay soo maraan waa in ay xukuumadu soo daraasayso soona diyaariso iyadoo ka turjumaysa baahida danta qaranka sidaana uu ku maro golaha sharci dajinta, Guurtida ilaa uu Madaxweynuhu ka saxeexayo, iyo sidoo kale in hadii loo baahdo Xildhibaanadu unki karaan “Abuuri Karaan” xeer iyagoo ka turmaya baahida qaranka, maadaama ay sidaa tahay xukuumadu iyadoo ka duulaysa baahida qaranka, ayaa waxay xukuumadu diyaarisay xeerkan horumarinta wadooyinka, xeerarka baahida ayaa keentay, baahidaana waa la soo qorsheeya , waa laga doodaa kadib ayaa loo soo gudbiyaa Golahiina sharci dajinta, halkana “Golaha Wakiilada” wixii nalagoo baahdo sharaxaad iyo Su’aalo iyo jawaabo ayaanu Insha Allahu tacaala ka bixinaynaa, sida aan xusay maadaama aan idhi xeerka baahida ayaa keentay, xildhibaano ahaan waxaanu idiin soo gudbinay aragtidayadii, waxaad xaq u leedihiin, in aad wax ka badashaan, wax ku dartaan amaba diidaan.

Annagu (xukuumadda) waxaanu idiin soo gudbinay aragtidayadii, aragtida aanu ka xukuumad ahaan idiin soo gubdinay waxay ku salaysan tahay xeerkan waddooyinka iyo muhiimadda ay wadooyinku qaranka u leeyihiin.waxaynu leenahay wadooyinka isku xidha dalka “Road Network” marka laga tago inta cusub ee hada lagu daray ee ay iska kaashadeen bulshada iyo shacabku ee Dilla Halka shishe ka xigta, waxay ahayd 770Km, Dilla ilaa Xadku halka uu ku yaalo ee Laasacanood ka shishaysa oo laami ah, laamida intaa dhereran ayeynu wax laami ah leenahay, may badnayn ama aad bay u yarayd wax laami ah oo aynu ku darno ama inago samaysano oo ka horeeyey inta xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Silanyo” u hogaaminayo wax la taaban karo waxase aynu ku hawlnaan jirnay in la buux buuxiyo laamida hore ee aan aan haysan jirnay, waxaa kale oo jira wadooyin isku xidha magalooyinka iyo Tuulooyinka dalka oo aan laamiyo ahayn oo iyaga laftoodu u baahan in la dayac tiro lana horumariyo, waxaynu leenahay sidoo kale wadooyin u baxa toolooyinka, miyi’yada iyo sidoo kale beeraha, oo in badan oo kamida ay togag noqdeen una baahan tahay in la dar yeelo waxna laga qabto.”

“Baahiyaha noocaas ee jira ayaa loo diyaariyey xeerkan, iyadoo laga duulayo in wixii wado inoo jirayna la dayac tiro wxii wado la samayn karana la sameeyo, wadooyinku waxay muhiim u leeyihiin amaanka qaranka, isku xidhka iyo xidhiidhka bulshada, waxay halbowle u yihiin dhaqaalaha iyo kobiciisa, oo hadii ayna wado jirin Baayac-mujtari soconayaa uu yar yahay, waxay halbowle u yihiin guud ahanba dalka, sidaa darteed ayaa loogu daray qorshaha 5 sano ee xukuumadu diyaarisay “5 year plan” ee ahaa himilada qaranka oo ay wadooyinku ugu jiraan meelaha mudnaanta la siiyey, iyadoo taas laga duulayana waxaanu diyaarinay xeerkan maadama aanu nidhi xeerkan qaabkaas ayaanu u diyaarinay, xeerkani wuxuu ku wajahan yahay in dhaqaale loo helo wadooyinka maadama baahidaas wadooyinka ahi jirto, dhaqaalihii aynu heli jirnay wuxuu ku koobnaa shidaalka “Fuel Levy” ama lacagta kooban ee laga qaado Liisamada iyo buugagta gawaadhida ayuu ku koobnaa dhaqaalaha wadooyinka loo helo, dhaqaalahasina wuxuu ku bilaabmay markii ay inoo yimadeen hay’adii EU si wax uuga qabtaan meelaha buudooyinka ah wakhti ku sinayd 2000, isla wakhtigaas ayey inoo balan qaadeen in ay wadooyinka inoo samaynayaan balse gacan la inooga baahan yahay inaan ku darsano “Contribution” , gacan ku darsigaas ayaa golaheenan laga ansixiyey, iyadoo laga duulayo in wax lagu darsado, hay’adiihii noocas aha waxay ino sameeyaan Bridge-yada badankooga.

markii ay bridge-yada sameeyeen ee ay wadoyinkii u hadheen ayaa xukumaadi tan ka horaysay si ay isku fahmi waayeenba waxay joojiyeen dhaqaalihii loogu talo galay in lagu sii horumariyo, walaw ayna marnaba iyagu “EU” soo gudbin qorshe ah ku dhisayaan wadooyin cusub hadana wixii dayactir ahaa waxaa uugu dambaysay in wax ka qabtaan 2006, wax dhaqaale ah oo inaga so gala mudadaa ka soo dambaysay, waxa aan ahayn intii aan maalintii dhawayd halkan ka xusayey ee Somaliland uugu jirta mashruuca “Somaliland Trust Fund” ee dhanayd Labada Million, waxay runtii noqotay lagama maarmaan in dhaqaale loo helo wadooyinka maadaama wadooyinku yihiin halbowle dalkeena iyo dadkeenaba u dan ah, dhaqaalaha yar ee laga helaa wuxuu ku koobnaan jiray intii ayna xukuumadan cusub iman Kabkab-ka wadooyinka Berbera iyo Hargeisa isku xidha , Burco iyo Berbera ama Laasacanood iyo Burco ama Hargeisa iyo Dilla, oo runtii Tayadeedu Liidato oo marwalba oo godadkaas la awdo isla marka roob da’o dib u soo bixi jiray.

iyadoo sidaas ah ayey hay’adii wadooyinka oo ka koobnayd sadex qaybood 1- Gudida Rosob 2- Xafiiska Maamulka “SRA” 3- Xafiiska Dhaqaalaha “RFA” , oo ay ahayd qorshuhu in ay hogaamiyaan Gudidu, hadaba Gudidaas ayaa qoraal u soo gudbisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland qoraalkaas oo ay ku sheeegayaan in qabaka ay u dhisan tahay Hay’adda iyo qorshaha maamul ee ay iyagu madaxda u yihiin in ayna u arag in uu qaranka dhaqayo, waana aragtidii gudidu soo gubisay oo uu markaa Gudoomiye u ahaa Maxamed Shukri Jaamac, sidoo kale sidaas si lamida ayuu madaxewnuhu uugu yeedhay Wasiirkii ay markaas hoos tagi jirtay oo ahaa Wasiirka Hawlaha guud, wasiirka Hawlaha guudna isla talo taa la mid ah so jeediyey, oo uu leeyahay sidan kuma socon karto qoraalna uu soo gudbiyey Madaxweynaha, hadaba madaxweynaha Jahmhuuriyada Somaliland isagoo ka duulaya talada cidii marka gacanta ku haysay, ayaa madaxweynuhu uu la tashaday Farsamayaqaanadii “Engineer” markaa la shaqaynayey, waxa dhici jirtay in maaadama ay ku koobnayd meelaahaas kooban, dhaqaalaha markaa la helana ahaa mid aad u kooban, waxaa dhici jirtay in dhaqaalaha la helo ee aadka u kooban uu u qorshaysnaa sidii EU maalintii ay ka shaqaynaysay ama Hay’adda gacanta inagu lahaan jiray ay wax ina siin jireen qaabkii xafiisku u yaalay, oo shaqaalihiisu ka duwanayeen shaqaalaha dawlada iyadoo ayna jirin dhaqaale meel kale ka soo gala oo la isticmaalo oo aanan ahayn dhaqaalaha dawlada ka soo gala Cashuurta, hadana xafiisku u furnaa qaabka Hay’addaha caalmigu uuga shaqeeyaan dalkeena marka laga eego dhanka Mushaarka iyo Xuquuqda.

Waxaa xusid mudan in wax qalab ah uuna markaa dhex oolin, maadaama oo ay ahayd meel dhaqaalaha ina soo gala uun loo sameeyey, inaganu waxaynu ugu tallo galnay ahaa wax yar oo kaliya lagu kabo.

may jirin qorshe iyo qalab u diyarsan inay wadooyinkii dhisaan ee waxay ahayd uun wixii soo gala iyo wixii dawlada ay ka helaan in ay Tender bixiyaan kadibna wixii kab kab ah lagu fuliyo isla markaana ay gabi ahaanba jirin Himilo ah in wadooyin cusub la sameeyo, haday jirtayna aanan loo hayn awood dhaqaale , hadaba Madaxweynuhu isagoo ka duulaya talooyinka ay soo gudbiyeen Masuuliyiintii ku shaqada lahaa, iyo baahida uu qaranku u qabo wadooyinka ayaa uu soo saaray xeer Madaxweyne oo uu Hay’adii dib uugu qorshaynayo isla markaana uu laba jeer soo kala saaray ugu dambayntiina Hay’adii waxaa laga dhigay Hay’ad Wasaarada Madaxtooyda hoos timaada, isla markaana Bulshada iyo wadooyinkii u adeegta, shaqaalaheeguna si toosa uuga mid noqdo Shaqaalaha Dawlada laguna wareejiyo Hay’adda Shaqaalaha, baahida taas kaliftayna waa baahida aan kor ku soo xusay, sidoo kale waxaa jirtay Rabitaankii Siyaasadeed ee Madaxweynaha ee wanaagsanaa ee ahaa abuublka iyo horumarka in ay is abaabuleen iyagoo dawlada kaashanaya bulsho kala duwan oo badan oo reer Somaliland ah ay wadooyinkii u dhaqaaqaan iyagoo midba taagtii dhaqaaqay, arinta noocaas ah ayaa waxay xukuumadu ku qasbanayd in ay is barbar taagto damacas wanaagsan oo ay dhiiri galiso bulshadeeda wax qabsanaysa, oo inta bulshada laga helo maahine la diyaariyo dhaqaale loogu tallo galo wadooyinka.

waxaa socday markaa wadooyin badan oo iskugu jira wax ay bulshadu wado iyo wax xukuumadu wadaba, waxaa socday wada dheer ee ka tagta Dilla ila Borama, oo xukuumadu iyadoo baahidaa ka duulaysa ay ku dartay mudnaan kamid ah guulihii la doonayey in la gaadho 100 cisho ee ugu horeeyey ee xukuumada iyadoo ku dartay 4Km ka mida, sidoo kale markay bulshadu aragtay rabitaankii dawlada iyo dareenka wanaagsan ee u soo jeeda ee ah in wax la sameeyo ay is abaabuleen dhaqaale fiicana la yimadeen, aad baanan uugu amaanaya Bulshada reer Borama gude iyo dibedba ee u guntaday in ay wadadaa sameeyaan oo ay is barbar taagaan xukuumada, iyadoo dareenkii wada jirka ahaa ee bulshada iyo xukuumada laga jawaabayo ayaa waxaa dhacaysay in ay dhaqaale u baahnayeen, dhaqaalahana waan soo xusay awoodiisu intay leekayd markaa, sidokale wadada isku xidha Hargeisa iyo Salaxlay oo la bilaabay iyo sidoo kale wadada isku xidha Oodweyne iyo Burco , wadada Wajaale iyo Kalabaydh isku xidha, oo dhamaantood ahaa wadooyin cusub, iyo sidoo kale wadooyin badan oo in gacan loo gaysto u baahna oo ay kamid yihiin wadooyinka dhaadheer sida wadada Tabco, Hartiyimid, madheedh, dilla iyo Ruqi, dawga cad, iyo sido kale wadooyin ku jira qorshaha oo ay ka mid yihiin Wadada isku xidha Baligubadle iyo Hargeisa, wadooyinkaas oo dhan waxay ahayeen wadooyin xukuumada iyo shacabka oo abaabulan ay bilaabeen, sidaa darteed xukuumada waxaa looga baahnaa dhaqaale wadooyinkaas oo dhan wax lagaga qabto, sidaas darteed waxaa mar mar imanaysay iska dul- tag shaqo taasi oo kalifaysay in ay Hay’adii wadooyinka oo aan dhaqaale ay ku samayso jirin iyo Madaxweynaha oo bulsho walba oo is abuubushayba ay u imanayeen madaxweynahana laga codsanayey in wadadii ay bilaabeen wax lagala qabto ay markaas noqonaysay culays.

Sidaas darteed, ayey lagama maarmaan u noqotay in Dedaalkii la mideeyo sidoo kalena taladii la tix galiyo Gudoomiyihii iyo wasiirkii markaa gacanta ku hayey lana mideeyo la iskuguna keeno meel kaliya “Madaxtooyada” waan maqlayey Dadka qaar masuuliyiin iyo qaar kale isku jiray oo Saxaafada ka leh Wadooyinka ayaa la hoos keenay Madaxtooyada waxaan leeyahay Madaxtooyadu waa halkii qaranka looga talinayey, qarankuna cidii uu codkiisa siiyey ee lagu aaminay waa Madaxweynaha isagaana u gartay in Wasaaradii Madaxtooyada markii u talooyinkaa helay la hoos keeno iyadoo baahiyahaa aan soo sheegay oo dhamina jiraan. Sidaas darteed waxaa la hoos keenay Madaxtooyada, Markii Hay’adda Wadooyinka la Hoos Keenay Madaxtooyada waxaanu Bilownay Dedaal iskugu jira in la helo dhaqaale, qorshe Maamul iyo in sidoo kale la helo Qaabkii Wadooyinka loo Samayn lahaa, iyo in sidoo kale xafiiskii la habeeyo maamulkiisi la habeeyo, waxaa ka shaqaynayey xafiiska markaan la wareegtay tiro ku siman 40 qof oo ay ku jiraan ilaa 9 Engineer, hadaba kadib markaan daraasad ku samaynay baahida noo soo baxday ee shaqaale ee markaa joogtay ee markaa joogtay maadama aanu qalab oolin maalinta qalab yimaado waa markeed waxay noqotay 23 qof oo ayna Engineeradu ayna ka badnayn 3, waa shaqadii markaas taalay intii ay qaadi karaysay ee shaqaale ahayd, sidaas darteed waxaa noo soo baxday in wxii intaa ka badan tahay uun kharash dhiig bax ku ah qaranka oo aan baahi markaa loo qabi iyo culays dul saaran, anagoo taa ka duulayna ayaa waxaan u gudbinay hay’adda shaqaalaha in ay nagala shaqayso, imtixaan ka qaado, wixii u noqda qulified na shaqada loo daayo wixii kalena la galyo toobaro ama la geeyo goobaha kale ee ay markaas ku fiican yihiin.

Waxaanu ka duulaynay in aanu dhino dhaqaalaha ku baxa hoos baanan u dhignay, taas mid la mid ah waxaanu daraasad ku samaynay hal beeg oo hadii ay xataa kalifto in lacag la ina siiyo aanu ku ogaanayno qiimaha aynu ku bixin karno 1km Conctractor ka ama hadii aynu inagu fulinayno maxaynu ku fulin karnaa oo ku filan, waxaanu ogaanay in markii hore ay ku bixi jirtay 1km lacag u dhaxaysa $130,000 ilaa $ 160,000 balse markaanu daraasad samaynay waxaanu ku ogaanay inaanu ku bixin karno 1km lacag dhan $70,000 ilaa 100,000 inta u dhaxaysa oo aanu dhimi karayno kharashka ku bixi jiray, iyadoo waliba anaan qalabkii wali wada helin wax yar oo markaa aanu iibsanay maahane oo ku koobnaan uu iskarogooyin oo aanan wali Cagafyo iyo qalabkii kale wali helin, hadana kharashkii wax badan ayaan dhinay.

sidoo kale waxaanu gudo galnay dhaqaale raadintii oo xeerkani aasaas u yahay, sidoo kale in Miisaniyada wax loogu daro oo aanu codsano sida aad ku aragteen Budjet-ka in lacag ku siman laba malyan iyo sadex boqol lanoogu daro iyo in aanu dedaal badan galinay in mucawanooyin aanu uuga baadigoobno wadooyinka hay’addaha caalmiga ah oo sidii aan halkan ka sheegay aanu ka helnay lacag dhan laba Malyan, imikana markaanu aragnay baaxada hawsha taala iyo muhiimada ay qaranka u leeyihiin wadooyinku aanu soo gudbinay xeerkan, intaas uun kumaanaan dayn ee si dhismaha hay’adda loo horumariyo waxaanu gacanta ku haynaa qorshe balaadhan oo dalka oo wadooyinkiisa aanu daarasad kaga samaynayno iyo horumarintiisa anagoo u samayn doona Mudnaanta kobaad iyo labaad.. , oo ay kamid tahay wadada Ceerigaabo ee Madaxweynuhu hortiina ka balan qaaday sanadkii hore oo halowble qarankan u ah oo isku xidha goboladii dalka amaba la odhan karo dhul badhaha Somaliland marka la eeg yo badka Somaliland sida la sheego dalka waxaa kala badha War-Idaad, markaa hadii qiyaastaa la raaco wadada War-Idaad sokadeeda ayaa laga baydhayaa ama Oog agteeda ayaa laga baydhaya, markaa qiyaastaa la raaaco dalka qayb dhan baa ka go’an oo wado la’.

Haddii ay stragetically tahay haday siyaasad tahay , haday dhaqaale tahay iyo haday amaan tahayba inooga baahan dhaqaale lagu hirgaliyo, taa mid la mida waxaa Wadada Borama ee aan kor ku soo xusay ee hada gabogabo maraysa oo 2km ee u dambeeyay lagu jiro, laguna tagayo Insha Allah dhawaan Laami, waxaaka shisheeya marka laga tago Borama wadada strategic-ga ah ee isku xidha Borama iyo Zaylac oo ah Kastamka labaad ee Dhaqaalaha dalku ka soo galo sidoo kale inagu xidha dalka aan dariska nahay ee Jabouti inagu xidha oo dhaqaale ahaan iyo siyaaasad ahaanba xidhiidh badan inaga dhaaxeeyo, sidaa mid lamida waxaanu gacanta ku haynaa oo 5km ee uugu horeyeyna furnay 5km ee kalena ku dhex jirnaa wadad isku xidha kalabaydh iyo Wajaale oo iyaduna trategically isku keen xidha inaga iyo Ethiopia, waana inta kaliya ee banaan Berbera ilaa Addis Ababa isku xidhkeega waa 18km ee kaliya ee banaan “Bilaa Laamida” ah.

Hadaba iyadoo baahiyaha mugaas leh na hor yaalan ayaanu xeerkan daraasadiisa dhaqaalaha ku keenay, intanoo kaliya maanan samayn ee maadama aan soo tilmaamay dhismaha hay’ada iyo dhismaheega haday tahay Maamulka , shaqaalaha iyo dhaqaalahaba (Income and Expenses).

waxaa loo baahday in aanu diyaarino xeer aasaas u ah Hay’adda, waana xeerkii aasaaski u ahaa Hay’addan Insha Allhu dhawaana waanu hor keeni doonaa Golaha kalfadhigan ama ka xiga maadama uu hada draft yahay oo gacanta lagu hayo waana xeerkii Hay’adda oo dhamaystiran, waxaanan uugu talo galnay marka hay’adda dhaqaalaheega , maamulkeega , shaqaalaheega iyo sharcigeeguba dhismo in aanu ka dhigno Hay’ad Madaxbanaan oo iskeed isku maamusha oo cagaheega ku taagan mustaqbalka, waxaanu hay’addaha caalmiga ah iyo kuwo danaynaya in ay wax inagala qabtaan wadooyinkaba u bandhignay in aan ka xukuumad ahaan kala shaqaynayno sidii aanu dhankayaga wixii ku xidhnaa u fududanayno iyaguna hadii ay wax ku darayaan aanu si caalami ah u bandhigi doono “Tender” oo idin raali galisa anagana na qancisa dal ahaan oo uu ka muuqanayo wareega lacagta aad bixisaa ilaa marka u dhamaanayo aad u arki doontaan mid cad “Transparent” ah, taasoo aanu in badan ka wada hadalnay hay’addaha ku shaqada leh fikir ahaana aanu isla soo dhawaynay in hadii ay keenaan dhaqaale aanu u saari doono 3 xubnood oo ka socda Gudida Qandaraasyada iyo 3 xubnood oo halkooga ka socda iyo 1 qof oo khabiir madaxbanaan ah “Independent Expert”, in ay bid gareeyaan dhaqaalahasi dhinacyada uu ku baxayo waa marka dhaqaalaha la helo , balse nasiib daro 2 Malyan een sheegay mooyaane wali ma dhicin, balse qorshihii suuro galinayey waanu diyaarinay, sidoo kale waxaa xusid mudan in wadad dheer ee Berbera ay ugu dambayn Hay’adda EU du ay siisay ururka IGAD fulintiisii kadib iyaguna ay bid gareeyaan ayna siiyeen hay’ad Germany ah oo GIZ la yidhaa ay siiyeen in ay qaabkii bilaabaan “Desigin” marbay noogu yimadeen qiimayn “Visibility Study” walise shaqadii may fulin iyagana ayeynu ka sugayna Insha Allahu .

Hadaba inta aanaan xeerka u galin aan sawir kooban idinka siiyo xadiga gaadiidka ee wadooyinkeena kala duwan mara, anoo awooda saari doona Inta Laamida ah, waxaa lagu qiyaasay in ay maalintii maraan wadooyinkeena sidan:

Hargeisa – Berbera – Hargeisa : 1563 gaadhi oo iskugu jira gaadiidka noocyadiisa kala duwan

Hargiesa – Kalabaydh – Wajaale : 1295 Gaadhi

Hargeisa – Borama : 253 Gaadhi

Berbera – Burco – Berbera : 780 Gaadhi

Burco – Laasacanood : 380 Gaadhi

Kalabaydh – Wajale : 487 Gaadhi

Mudanayaal intaa waxaa dheer dhismayaasha dhaqaalaha nagaga baxay ama nalaga doonayo ama aanu contract-kii saxeexnay ama nalaga doonayo iyo qiiyaasta qorshe ee wado ee aanu ku qiyaasnay, wadad isku xidha Hargeisa iyo Berbera oo runtii halbowle ah dayac badana ku jiro waxaanu bilowno in aanu dib u samayno, horayna aan u soo xusay in kabkab keegi hore ahaa mid aan tayo lahayn oo mudo kooban halkiisa hore ku noqda, waxaanu qorshaynay in aan Laamida Madaxtooyada iyo Barlamanka hor mara oo kale aanu qiimayno si aanu u qiyaasno inta inagaga bixi karta, qiimayntaas waxaa kasoo baxday in aan ku suuro galin karno qiimo dhan 15 Million oo Doolarka Maraykan-ka ah, wadadaas oo sida aad ka war qabtaan isku xidha Caasimada iyo Dekada dalka.

wadaadaas oo aanu hada bilownay dedaalkeegii iyo tafo-xaydad keedii Allena aan ka rajaynayno in uu inagu guuleeyo.. guud ahaan intii aan Hay’adda wadooyinka la hoos keenay Madaxooyada inahaas iyo in kale ayaa inoo qabsoomay, warbxintaas guud marka ah ayaan ka siiyey Aqalka wakiilada guud ahaan Hay’adda wadooyinka iyo xeerka Wadooyinkaba idinka oo bulshada ahna aan idinla wadaagay,…. Wa Bilaahi Tawfiiq.”

Salaanmedia/Hargeysa




Leave a Reply