WASIIRKA WARFAAFINTA OO XILKII KA QAADAY MADAXA WARARKA TELEFISHANKA QARANKA

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa xilkii ka qaaday Wariye Xamse Cali Bulbul oo ahaa Madaxa wararka Telefishanka Qaranka Somaliland.

 

Xilka qaadista Madaxii Wararka Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa lala xidhiidhinayaa in ay sababtay War ku saabsanaa

Shirkadda Pontus Marine oo hotelka Ambassador ku qabsatay Xafladd lagu daah-furayay, taasoo ay ka qayb galeen Wasiiradda Madaxtooyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somalailand.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku Eedeeyay Wariye Xamse Cali Bulbul in uu warkaas sii dayn waayay isla markaana waxa uu xilkiisii u dhiibay La-taliyihiisa Maxamed Siciid Muxumed ooh ore u ahaan jiray Agaasimaha Idaacadda.

image

Ilo wareedyo u dhuun daloola Eriga Wariye Xamse Bulbul ayaa sheegaya Wariye Xamse in uu ku dooday warku in uu ahaa mid shirkadda madax banaan ah oo hore loo amray in ay Lacag kaga qaadaan shirkadaha isla markaana waxa kale oo uu ku dooday in aanu isagu sii daynta Wararka awood u lahayne la amro oo loo soo gudbiyo Liiska Wararka, warkana aanu ka mid ahayn wararka sharciyan isaga soo mara.

 

Si kasta ha ahaatee wariye Xamse Cali Bulbul waxa uu shaqadiisii ku waayay sii dayn la’aanta Warka shirkaddan oo muran badani ka taagan yahay sharciyadeeda

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Somalilandlive.com