
Sep 9,2013 Hargaysa (SM) Wasiirul dawlaha wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cismaan CabdilaahiSaxardiid (Cadaani), ayaa sheegay in aanu wax khilaaf ahi ka dhex dhici doonin shirweynaha xisbiga KULMIYE ee la filayo in uu qabsoomo bisha Desember ee sanadkan.
Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo shalay u waramayay warbaahinta waxa uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu hore u soo qabsaday shirweyne waxba u dhimin, waxanu ka hadlay hadalo ka soo yeedhay xubno ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo ka dayrinayay shirweynaha Kulmiye in ay yihiin qaar aan siyaasadda waxba ka aqoon.
Wasiiru dawlaha maaliyadu isaga oo ka hadlaya aragtidiisa shirweynaha Kulmiye waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye xisbiyadda ayuu ka mid yahay marka uu tartan yimaado hadalku wuu iska bataa waa dimuqraadiyada, ayaa macnaheedu yahay caynaas ama Ameerika ha ahaato ama Yurub ha ahaato ama halkan ha ahaato. Wax dhul gariir ah iyo wax u dhow dhici maayaan marka shirweynaha la yimaado dadka reer Somaliland ee xisbiga ka mid ka ah shakhsi ayay dooran doonaan.Madaxweynaha kama hayno in uu isa soo sharixi doono iyo in kale xisbiga Kulmiye isaga ayaan taageersanahay haddii xagga guddoomiyaha muran ku ka taagan yahay. Waa mid xisbiga u taalla markaa wax dhibaato ah oo warwara oo aan ka qabnaa ma jirto.
Ninka leh dhulkaa gariiraya waa nin aan siyaasadda ogayn oo dimuqraadiyadu waxa ay tahay ka warhayn.Xisbiga Kulmiye waad garanaysaan ilaa Burco iyada oo rag ka baxeen ayaa lagu doortay aqlabiyad”.
Wasiirul dawle Cismaan Saxardiid Cadaani waxa kale oo uu ka hadlay lacagta shillin Soomaaliga ah ee toddobaadkan laga badalay magaalada Ceerigaabo, waxaana uu tilmaamay in ay ka mid ahayd balan qaadyadii madaxweynaha, “Sida aad ka warqabtaan waxa ay ahayd balan qaadyadii xisbiga Kulmiye ee madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku balan qaaday in giinbaarta ka badalo gobollada bari, markaa Burco wa laga badalay gobolka Sanaag-na doraad ayaa ugu horaysay badalka lacagta giinbaarta, waxaana qaaday guddoomiyaha baanka Cabdi Dirir, sida aan ka warqabno gobolka Sanaag sidii saba meesha qudha ee lacagta Somaliland taga isticmaali jiray waxa ay ahayd magaalada Ceel Afweyn oo qudha, imika waxa lagu fidinayaa gobolka Sanaag oo dhan sida guddoomiyaha baanku ii sheegay waxa ka hadhsan xaalxaalkii, markaa gabi ahaan lacagtii wada badalay” ayuu yidhi Md. Cadaani.
Salaanmedia/ Hargaysa