‘Waxaanu Bayaan Taageero Ah U Diraynaa Wasiir Caddaani Iyo Waran-cadde’

‘Waxaanu Bayaan Taageero Ah U Diraynaa Wasiir Caddaani Iyo Waran-cadde’

September 1st, 2013Tageero

Burco (SM)- Xubno ka mid ah Aqoonyahanka iyo waxgaradka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u soo jeediyay xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyada Mudanen Osman Cabdillaahi Caddaani iyo badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdillaaih, iyaga oo ku amaanay sida fiican ee ay uga qayb qaateen deminta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanka Oog ee gobolka Saraar.

Waxgaradka iyo aqoonyahanka magaalada Burco waxa ay ku ammaaneen masuuliyiintan iyo madaxdhaqameedka Somaliland, guusha ballaadhan ee ay ka soo hooyeen shaqaaqadaasi labad beelood ee walaaha ah ku dhex martay deegaanka Oog, isla markaasina ay ugu soo afjareen nabadaynta iyo fahanka walaaltinimo.

Sidaa waxa lagu sheegay bayaan ay soo saareen waxgaradka iyo aqoonyahanka magaalada Burco, waxaanu u dhignaa sidan “Annaga oo ah aqoonyahanka iyo indheergaradka magaalada Burco, Waxaanu hambalyo iyo bogaadin aanu u diraynaa xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, wasiirudawlaha wasaaradda Maaliyada Cismaan Caddaani, badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarje iyo madaxdhaqameedka Soamliland ee ka qayb qaatay iskuna hawlay deminta iyo soo afjaridda shaqaaqadii dhawaan labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay deegaanka Oog ee Gobolka Saraar.

Waxa kale oo aanu ku bogaadinaynaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cali Waran-cadde go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay arrimaha la xidhiidha sahaminta iyo shidaal soo saarista Somaliland, go’aankaas oo uu ku sheegay in tallaabo laga qaadayo cidii ka hor timaada sahaminta shiidaalka. taas oo aanu anaguan hiil iyo hooba kula garab taagannahay isla markaana aanu ku siinayno taageero laxaad leh.

Magacyda Xubanaha Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Ah ee Bayaanka Soo Saaray

Dr. Cabdijibaar Maxamed Cabdi Siciid

Jaamac Cali Abokor

Xuseen Girgire

Cabdi Cali Dhagaweyne

Maxamuud Faroole

Xoog Cawil

Siciid Cige

Cabdi Dhoodi

Maxamed A. Foolge”