Wiil(Inan) uu adeer u yahay madaxweynaha Kenya oo ku geeriyooday weerarkii xarunta ganacsiga ee Westgate(Daawo Muuqal+Warbixin)

Wiil uu adeer u yahay madaxweynaha dalka Kenya iyo haweeney saaxiibtaas ah ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday weerarkii ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya.

Ninkaan oo lagu magacaabi jirey Mbugua Mwangi iyo saaxiibtiis Rosemary Wahito ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday weerarkii ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaadeen xarnta ganacsiga Westgate ee ku taala magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya, Ninkaan geeriyooday oo sida la sheegay markii hore asaga oo bad qaba ka soo baxay goobtaas ayaa waxaa uu ogaaday inay saaaxiibtiis wali ku sugan tahay gudaha xaruntaas taas oo keentay inuu dib ugu noqdo halkaas iyadoona ay intaas ka dib ay haleeshay rasaastii uuna isla goobtaas ku geeriyooday. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadaladii uu ka jeediyey weerarkaas waxaa uu dhowr jeer ku soo qaatey inuu ku lumiyey weerarkaas qaar ka mid ah eheladiisa aadka ugu dhow asagoona sheegay inuu dareemay xanuunka ay dareemayaan

Ugu dambeyntiina iyadoo ilaa iyo hada aysan cadeyn guud ahaan tirada dhabta ah ee ku geeriyootay weerarkaas ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ku qaadeen xaruntaas ganacsi ee Westgate ayaa warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan inay gaareyso dhimashada ilaa iyo 69 qofood, sidoo kale ayaa waxaa jira tiro ku dhawaad intaas oo kale ah oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirb dhigeen iyo waxa uu xaalkoodu yahay iyadoona dadkaas badankood lagu sheegay inay markii cid ugu dambeysay ay ku sugnaayeen goobtaas ay mashaqadu ka dhacday, Weerarkaas ayaa waxaa kale oo ku geeriyaaday dad badan oo kala kala yimid wadamo kala duwan oo ku yaala dalalka aduunka sida Holland, Australia, Ingiriiska, Ghana, iyo wadamo kale oo badan.