W/Macdanta Oo Ka Hadlay Natiijada wada hadalo ay Genel Energy Kula yeesheen London.

IMG_0154 (800x450)

HARGEYSA (SM)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa kaga hadlay socdaalkii uu dhowaan ugu maqnaa dalka dibadiisa iyo wadahadaladii ay magaalada London kula yeesheen Shirkadda qodista shidaalka ee Genel Energy.

Wasiirka oo ka hadlayey arrinta ku saabsan shirkadda Genel Energy waxa uu sheegay inay shirkaddu hakinta shaqadeeda sabab uga dhigtay xaaladda ammaanka ee Gobolka geeska Afrika oo wax iska bedeleen, ka dib markii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Britain ay uga digtay muwaadiniinteeda in aanay tegin dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland aanay ka jirin haba yaraatee wax ammaan darro ah taas oo ay la qaateen mas’uuliyiinta shirkadaasi markii wadahadal ku dhex maray magaalada London, dibna ay u bilaabi doonaan shaqadii ay ka haysay Somaliland.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu halkaa ka caddeeyey in shirkado kale oo shidaalka baadhistiisa ka hawlgalaa ay Somaliland shaqo ka bilaabi doonaan sanadka cusub 2014-ka bilowgiisa.

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumaddu si rasmi ah warbixin dhamaystiran uga soo saari doonto hawsha ku saabsan shirkadaha qodista shidaalka iyo is afgaradkii ay ku soo gebabeboobeen wadahadaladii labada dhinac.

Dhanka kalena Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wada jir looga wada shaqeeyo oo la soo dhaweeyo shirkadaha shiidaalka dalka ka soo saaraya.

Wasiirka macdanta iyo tamartu waxa uu xaqiijiyey in shir caalami ah uu kaga qayb galay dalka Australia guulo badana ay Somaliland uga soo hoydeen.

Salaanmedia/Hargeysa