Xabaal Wadareedyadii Xasuuqii Hargeyska Oo Dhibaato Uu Gaadhsiiyey Dooxa Malka-Durduro

HARGEYSA (SM)- Xabaalihii xasuuqii ka dhacay Somaliland sanadihii sideetamaadkii, khaasatan xasuqii loo geystay dadkii Hargeysa ku noolaa xiligaasi ayaa saddex meelood oo ka mid ah goobihii dadka lagu xabaalay ee koonfurta Hargeysa ayaa halis ugu jira inay baaba’aan kadib markii ay noqdeen wax daadadka dooxa Malka-durduro uu qaado iyo wax ay dad guryo iyo seesas ka dul binaysteen.

Xabaalahan Xasuuqii Hargeysa ka dhacay ayaa dadkii la laayey waxa ka mid ahaa goobihii lagu xabaalay Malka-Durduro, Warshadii hore ee Caanaha iyo Goobta Badhka ee xaafada Axmed Dhagax.

Guddida Dabagalka Xasuuqa oo khamiistii tagay goobahaasi ayaa qaylo dhaan ka muujiyey dayaca iyo baaba’a ay Daadadka iyo shacabkuba ku hayaan Xabaal Wadareedii Somaliland uu ku ashkatoonayey in xasuuq ba’an oo naxariis daro ah uu u gaystay Rajiimkii Burburay ee Maxamed Siyaad Barre.

Xabaalo Wadareedyadii Malko-durdure laga helay dad badan oo la isku xidhxidhay oo la xasuuqay oo dheega ku hayey dooxa ayaa soo faqay hadhaagii dadkii lagu laayey Somaliland, isla markaana dooxu uu gudaha u galay Xabaaalaha ku dhawaad 50 Mitir. Waxa kale oo iyaguna xabaal wadareedyadan dhibaato weyn ku haya dad dul dagay oo guryo iyo seesas ka dhistay saddexdaasi meelood ee ay ku aasan yihiin dadkaasi la xuuqay, kuwaas oo ilaa iyo hadda aanay jirin wax haba yaraatee laga qabtay.

Gudoomiyaha Guddida Baadhista xasuuqii dalka Khadar Axmed Like iyo xubno kale oo ka tirsan Gudidaasi oo shalay Warbaahinta ugu waramayey halkaasi ayaa walaac weyn ka muujiyey sida foosha xun ee loo dagay xabaalihii Xasuuqa Hargeysa, isla markaana baaq gurmad degdeg ah oo waxlagaga qabanayo dadkaasi degay Xabaalahaasi u diray Xukuumada iyo waxgaradka Somaliland.

Gudoomiye Khadar Axmed Like oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Halkaa aynu imika joogno ee dooxaa Malka-durduro marka laga bilaabo, iyadoo ahayd meeshii ugu balaadhnayd ee la isugu geeyey dadkii la xasuuqay ee xabaalo wadareedyadoodu ka muuqdeen ayaa dayac badani uu ka muuqdaa anaga oo aad uga xun intii itaalkayaga ah waanu dedaalnay, laba goor ayaanu Gaabyan saarnay labadii goor midna daadkii wuu iska xejin kari waayeen ilaa 50mitir oo gabigaasi uu had inoo jiro ayaa wax alla wixii lafo ku jiray ay tageen, daadkiibaana qaaday iyadoo uu halkaa ka sii muuqdo raadkii Gabyanka aanu dhisnay hadana waxba kamuu tarine waxa uu noqday wax uu xejin kari waayey . Dhibaatada weyn ee gaadhay Xabaalo wadaradeedkii uu dalkani ku ashkatoonayey ayaa halkan ka dhacay, wali hareerahooda dad badan ayaa ku aasan oo ku jira, hase ahaatee intii u waynayd ee tagtay waa ilaa 50 mitir lafihii ku aasnaa inta laga gaadho”.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Sarkaal kale oo ka tirsan Guddida Dabagalka Xasuuqa Qaranka kaas oo yidhi “Halkana waa xaafada Siinaay oo badhka ayay u dhaw dahay 37 Xabaal Wadareed ayaa ku yaala, halkan imika Aqalka Buulka ah laga dhisay iyo halkan sandaqada laga dhisay oo ilaa saddex guri oo ood lagu wareejiyey ayaa waxa xabaalahaasi ka mid ah Xabaal ay Qaramada Midoobay koox ka socota 1997-dii ay baadheen oo ay iyagu ka doorteen xabaalahan oo la xaqiijiyey Buulkan ayaa hada saaran oo laga dul dhistay. Dhamaan goobahani 1998-dii ayaanu Moos yar ku wareejinay mooskii wuu baaba’ay gudaha ayaa loo soo galay, waa xabaalihii kaliyahaa ee ka fayoobaa, malka-durdure waynu soo marnay way masaxantay oo wax yar ayaa ku hadhay, wershadii caanaha deegaan ayay noqotay oo binooyin ayaa laga dhistay, badhka wixii ku jiray waynu arkaynaa, iyadoo ay dhinaca kalena xabaalihii shicibku ay dhinac ka soo galeen”.

Salaanmedia/Hargeysa

 

 

TOP