XILDHIBAANADII MA TOOSEN OO HULBTII MA ISKA ROGEEN

Faysal
Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan reer Somaliland gude iyo debadba,waxaanaan ku salaamayaa salaanta Islaamka ee ASALAMU CALAYKUM.

 
Waxaan halkan ka bogaadinayaa Xildhibaanka Mujaahidka ah ee Ibraahim Mahdi Buubaa ee maanta ku caan baxay inuu u doodo dadwaynaha, Cadaalada iyo Ilaalinta midnimada Soomaliland cadawna ku noqday kuwa iyaku qaran dumiska ah ee burbuinaya midnimada shacbigeena taas oo u dhiganta Burburinta qaranimadeena.
 
Waxaan mar labaad ku bogaadinayaa Mujaahid Ibraahim Mahdi Buubaa sidii quruxda badnayd ee aqoonta siyaasadeed leh ee  uu uga dooday mashruuci dadka danyarta ah lagu wax yeelaynay dekeedana Berbera na albaabada loogu laabayay mashrucaas oo ah kii CASHUURTA LAGU KORDHINAYAY XOOLAHEEN oo ujeedada ka damaysaa ay tahay in dekada BERBERA laga qaxoo oo ganacsatadu u wareegaan  dekadaha kale siba dekadda cusub iyo maxjarka laga furayo xuduuda Soomaliland iyo Jabuti oo ay iska leedahay dawladda Jabuuti oo aynu ogayn inay mudo aad u badanba ku taamaysay dhoofinta xoolaha Somaliland,
Mashruuca oo uu soo qaatay Wasirka Madaxtooyada una soo xambaariyay kuwii ( Xildhibaano kuma sheegi karo) sida foosha xun u aflagaadaynay markii uu Mujaahid Ibraahim buubaa ka hadlayay Golaha wakilada ee Somaliland.
 
Haddii aan u noqdo dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacday Golaha Wakiilada Soomaliland.
Waxaan ka codsanayaa dhamaan akhristayaasha sharfta leh inaya YOUTUBE ka SOOMALI CHANNEL TV  ka daawadaan marka uu Mujaahid Ibraahim Buubaa ka hadlayo Golaha Wakilada intaa aanay dhicin gacan ka hadalku, marka aad daawatid ayaad ogaanaysa  aflgaadada foosha xun ee ay ku hadlayaan ee aan munaasabka ku ahayn Golayaasheena  ee ay ku tiraabayan rag waawayn ee masuliyad daradu ka muuqato oo run ahaanti ku waajib tahay in laga mamnuuco inay ka soo qayb galaan shirarka Golayaasheen waay iyada oo aqoontoodu iyo garaadkoodu aad iyo aad u liito aanaad odhan karin waxay metelaan dad reer Soomaliland ah.
 
Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyaka oo ka kala tirsan xisbiyada oo ay kala yihiin mucaarid iyo muxaafid oo uu distoorkeenu u banaynayo inuu mucaarid iyo muxaafid kolba kii uu doonayo inuu noqdo haddana waxaa jira waajibaad saaran oo ah ilaalinta dawlada iyo inuu markastaba uu danta dadwaynaha ka horaysiiyo,
taas macneheedu tahay inaanu markastaba guulwadaynin.
Xildhibaanad golaha wakiilada ee maanta uu hor yaalo ansixinta cashurta lagu kordhinayo Xoolaha dhoofa iyo gaadiidka waa arin maanta soo jiidatay indhaha dadwaynaha oo aad iyo aad loo hadalhayo, waxaan leeyahay yaan lagu dedegin ee aad iyo aad ha looga fiirsado waayo wixii fal celinah ee ka timaada idinka ayaa masuuliyadeeda qaadi doona ee ha laga taxadiro.
 
Haddi aynu ka eegno dhinac sharciyada mooshinka cashuur kordhinta Xoolaha iyo Gaadiidka;
1) Mooshinkan cashuurta lagu kordhinayo Xoolaha iyo Gaadiidka waxaa uu sharcigu u banaynayaa inuu Wasirka Maaliyadu soo gudbiyo oo uu u gudbiyo Gudidda  
    dhaqaalaha ee golaha wakiilada kabacdina Gudidaasu soo hor dhigto xildhibaanada golaha wakiilada si looga doodo dabadeedna loo codeeyo.
2) Mooshinkan cashuurta lagu kordhinayo Xoolah iyo Gaadiidka waxaa soo gudbiyay Wasiirka Madaxtooyada waxaanu u gudbiyay oo iyana golaha soo                hordhigeen Gudidda Arimaha Bulshada ee golaha wakiilad.
Hadaba akhristow wax halkaas ka cad inaanu wadadii sharciga ahayd soo marin oo ay haboontahay in dib loo celiyo si uu u soo maro wadada sharciga ah.
 
Wasiirka madaxtooyadu wax uu sheegay uu lacagta ka soo baxda cashuur kordhintan uu ku dayac tirayo waddooyinka dalka.
Hadaba waxaa iswaydin mudan suaalahan in jawaab loo helo.
1)Maxay wasaarada Maaliyadu u soo codsan wayday oo miisaaniyada dalka loogu soo dari waayay si hadhowtona loogala xisaabtamo?
2) Maxaa Wasaarada Madaxtooyad loo hoos geeyay?
a) Dekadda iyo dhaqaalaha ka soo baxa?
b) Haamaha shidaalka iyo dhaqaalaha ka soo baxa?
c) Laanta Socdaalka iyo dhaqaalaha ka soo baxa?
d) Gudidda qandaraasyada?
e) Hayada daysctirka waddooyinka iyo dhaqaalaha lagu caawiyo?
f) 2% Loogu talagalay hurumarinta Gobolda bariga ( Sool iyo Buuhoodle)
g) Dhaqaalaha laga qaado U.N ee lagaga qaado jeelasha budhcad badeedka ee dalkeena lagu xidho?
Dhaqaalaha ka soo xerooda 7 da  hayadood majirto meel ay ka muqdaan haddii ay tahay miisaaniyadda dalka iyo meel lagu xisaabiyo waxaa inoogu danbaysa markay Madaxtooyada ku xeroodan,hadda bal ogsoonow oo Miisaaniyada Madaxtooyaduna way dheertahay oo 7 Wasaaradood oo la isku darro ayay ka Miisaaniyad badantahay.
Waxaa is waydiin mudan miyaa loo aamini waayay cid kale ama Wasaaradihii ay ka tirsanaan jireen?
 
Ugu danbayntii waxaa haboon in Wasirka la waydiiyo halka ay ku danbeeyen dhaqaalahan loogu talagalay dayactirka Waddooyinka
1) 40 kii Milyan ee dalka Imaaradka Carabtu ugu deeqeen waddooyinka?
2) Dhaqaalihii sanadlaha ahaa ee ay E.U ( Europian Union) ugu deeqan waddooyinka?
3) Dhaqaalaha sanadlaha ah ee Miisaaniyada dalka loogu daro waddooyinka?
4) Dhaqaalaha sanadlaha ah ee laga qaado Gaadiidka ( Road Tax) ee loogu talgalay waddooyinka?
 
Waxaan filayaa in dhamaan ilihii dhaqaale ee dalka oo dhami ay ku xeroodeen Wasaaradda Madaxtooyada ee waxaa ka dhiman oo keliyaha tigidhka yar ee dawladaha hoose ay u jaraan haweenka wadhatada fadhista taas oo iyana lala wareegi doono haddii cashuurtan sharci darada ah loo ansixiyo.
 
LA SOCO MAQAALADA DANBE EE KU SAABSAN SOCDAALKII MADAXWAYNAHA EE GOBALADA BARIG IYO DHAX DHIGII.
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal Farafidiye